Archive for July, 2008|Monthly archive page
MUSHAARKA QAB-QABLAYAASHA DAGAALKA YAA BIXIYA ?

- BAKHAARKA ADC BAYDHABO BAY.
Baydhabo Soomaalia: Xarunta ku meel-gaarka ah ee Kooxda la baxday Dowladda kumeel gaarka ah. Kooxdan oo ka kooban shaqsiyaad badankooda faraha kula soo jirey dambiyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga galey, tan iyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Siyaad barre 1991, Kooxdani waxay labadii sanno ee la soo dhaafey dar-dar galiyeen dhibkii iyo tacadigii ay ku hayeen Shacabka iyo maatida ka dib markii ay heleen aqoonsi caalami ah ayna u yeerteen cadowga koowaad ee Soomaaliyeed ee Xabashida iyo ciidan Afrika ka socda oo leh Dowlada ayaa noo yeeratey si aan u caawino. Kooxdan qab-qabkayaasha ah oo isku sheega in la soo doortay ayna matalaan Qabaa’iladda 4.5ka Soomaaliya ayaa ku andacoonaya inay yihiin kuwa u xaq leh inay xukumaad Dalka Soomaaliya. Kooxdaan waxay u kala baxdaa sidan oo ku dhisan 4.5ka. Read more »
XAALKA DEKEDA XAMAR.
Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Canshuurta laga qaado Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Magaala Madaxda Dalka Soomaaliya ay 60%kiiba qaataan Ciidanka Xabashida ee Muqdishu xoogga ku jooga. inta soo hartey oo ah 40%kiiba ayey kala boobaan kooxda Doofaareey ama Fadaradda looo yaqaano!
Dekeda Xamar oo ay amaankeeda gacanta ku hayaan ciidanka laga soo aruuriyey Africa ee isugu jira Ugandha iyo Burundi oo iyagu dhaqaale doon ah kuna qaata mushaar ay ka helaan quwadaha waaweyn sida UNka iyo EU iyo waliba AL. Ciidamadda Africa ayaa iyagu indhaha ka eegta xasuuqa iyo barakicinta ay xabashuhu ka wadaan dalka soomaaliya.
SOOMAALIDA WAQOOYI YAA MARIN HABAABIYEY ?
HARGEYSA SOOMAALIYA. Faras Magaallaha Hargeysa oo ah Caasimadda labaad ee Dalka Soomaaliya ayey dadku si caadi ah isku dhex marayaan. Suuqyadu waa buuxaan dadku wayska caweeyaan ama qayilayaan, waxaad arkeysaa in dadku ayna dareensaneyn in qayb ka mid ah ama Magaala Madaxdii Dalkooda la qabsadey oo shacabkii walaalahooda ahaana xasuuq iyo bara kicin lagu hayo ku dhawaad laba sanno, laakiin waxaa jirta in shacabku arintaa og yahay laakiin laga dhaadhiciyey inay yihiin Dal kale oo aaney wax shaqo ah ku laheyn Dalkooda hooyo ee Soomaaliya.. Waa yaabka yaabkiis!
Read more »
CARUUR MAYDKOODA LAGA HELAY WABIGA!.

Askarta Xabashida.
BELED-WAYNE Somalia. Wararka ka imaanaya Magaaladda Beled-wayne Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan dhacdo naxdin badan ka dib markii laga helay Wabiga meydka laba Caruur ah, sida ay wararku sheegayaan ayaa waxaa caruurtaa si arxan daro ah u dilay ciidanka Xabashida ee ku sugan Beled-wayne.
Lama oga sababta loo laayey caruurtaa iyo sida ay ugu cagan galeen ciidanka Xabashida. inkastoo ay wararku sheegayaan in ciidanka Xabashadu ay dileen ka dibna ay ku tuureen wabiga si baa loo maleynayaa ay ugu ar-gagax galiyaan Bulshadda soomaaliyeed ee ku dhaqan/nool nawaaxiga Wabigu Shabelle uu maro.
MAXAMED DHEERE OO LA ERYAY.
Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Nuur Cadde ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii Goomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa magalada Muqdisho looga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).
Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa waxaa Wareegtada lagu casilay loogu soo jeediyay Dahliilo ay ka mid yihiin in uu ka dhaga adaygay awaamirta Dawladda KMG ah, Waxkaqabasho la’aan xaaladaha amaanka ee ka jira gobolka Banadir, Isku xirnaan la’aan iyo wadashaqayn la’aan u dhaxaysa Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee maamulka Gobolka Banaadir.
Leave a Comment
Leave a Comment
Comments (3)










