Archive for August 26th, 2008|Daily archive page
QAYLO-DHAAN! Qiso laga noxo iyo fariin.
Muqdisho,Somaliya (Calanka.com)26 Augost 2008.
SOOMAALIDU waa dad xir-xiran oo dhowrsan, waana dad isla weyn oo qabkoodu sareeyo waxay ahaan jirtay sifo dadkeena ay laheeyeen taariikhiyan, laakiin isbedelka dhacay ee qaranjabka ugu weyn yahay wuxuu na dhaxalsiiyay inaanu weyno wax waliba oo qiime lahaa Diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dad ahaanba.
Dhaqanka lumaya ee haweenkeena wuxuu ka mid yahay dhibatooyinka waaweyn ee hore u bilownaa balse xaaladda la galay ay uga sii dartay, duruufta jirtana ay sii quudisay ilaa heer gebi ahaan laga tegayo dhaqankii suubaa iyo diintiiba. Read more »
QAADKA, QABYAALADA IYO QAB-QABLAYAASHA.
CADOWGA KOOWAAD EE DADKA SOOMAALIYEED DHEXDOODA EE XALKA LOO WAAYEY . waa sadex oo kala ha Qaadka, Qabyaallada iyo Qab-qablaayaasha dagaalka.
Calaamadaha Qaran-jabey waxaa lagu gartaa in ay Dadku ama Mujtamacu awood u waayaan xalinta dhibaatooyinka haysta, qofkastoo Soomaali ah waa uu garanayaa meesha dhibtu ka jirto hadana waxay inta badan dadku ka niyad-jabeen in mar uun Soomaali Nabad iyo Dowladnimo gaari doonto. Hadaba maxay yihiin dhibaatooyinkaa waaweyn ee xalka loo waayey ? maxaa keenay in la xalin waayo ?
QAADKA.

Adeer Qaad ii soo qaad, mijin ayaan ku siinayaa !!
Halku-dhigiisu waa
” Waqtiga isku dhaafi ama ku lumi.
” Fadhi-ku-dirika ka qayb-qaado.
Qaadka Soomaaliya kama baxo , waxaa diyaarado iyo gaadiidka dhulkaba looga keenaa Wadamada dariska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopia, labada wadan ee laga keeno qaadka shacabkoodu inta badan qaadka ma cunaan laakiin way beertaan si ay ugu iib geeyaan dalka Soomaaliya oo si xad dhaaf ah looga isticmaalo. waxaa lagu qiyaasaa in ay ku baxdo lacag dhan Hal malyuun iyo bar Dollar maalin kasta. Read more »
Leave a Comment
Leave a Comment










