Archive for September 23rd, 2008|Daily archive page

MUQDISHO: Barakicin cusub oo bilaabatey.

Muqdisho Caasimada Soomaaliya:

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay dad u badan Caruur iyo haweeen ay ka barakceen Magaalada Muqdisho ka dib markii shaley ay Ciidanka AMISOM iyo Gumeysiga Xabashiduba madaafiicda goobta  ku garaaceen Magaalada gaar ahaan Suuqa wayn ee Bakaaraha.

Waxaa kaloo jira in uu maanta xiran yahay suuqa Bakaaraha, sababtoo ah waxay ganacsada iyo macaamiishooda ka digtoon yihiin in markale la soo duqeeyo ka dib markii ay maqleen guux diyaarad oo loo maleysanayo inay ku dagi rabto Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, Garoonka ayaa waxaa digniin ay ku xirayaan ka soo saarey Ururka Xornimo Doonka ee Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira Cadowga iyo Cadow-kalkaaliyaasha isku sheega Dowlad ku meel gaar ah. Read more »

MINNEAPOLIS MN: Wiil Soomaali/dhalinyaro ah oo la dilay.

Minneapolis MN USA.
Waxaa xaley maqribnimadii dil toogasho lagu dilay wiil dhalinyaro oo Soomaali ah, Marxuunka Alle ha u naxariistee ayaa lagu magaabi jiray AxmedNuur Axmed Cali.( Inaa-Lilaah wa Inaa lilaahi Raajicuun) Alle yaa raxma Aamiin. 

 Dilkan ayaa ka dhacey Xaafad lagu magacaabo Cedar-Riverside oo ay u badan yihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa wiilkan la dilay isagoo ka soo baxey Xarun ka mid ah kuwa loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota halkaa oo sida la sheegay uu iskaa-wax-qabto uga shaqeyn jirey, Sida warka lagu helayo Axmed wuxuu ahaa 21jir ardey ah oo dhigta Collage aan ka fogeyn Xaafadaas. Read more »