Archive for September 26th, 2008|Daily archive page

MARKAB SIDA 30 TAANGI: Oo ay haystaan burcad-Badeedka Soomaaliya

Waxaa la shaaciyay in Markab siday ilaa 30 Taangi oo ah nooca (T-72 sawirka hoose) uu gacanta ugu jiro Burcad-badeedka Soomaalida ee Gobolka la magac baxay Puntland. Markabkan oo sida la sheegay  laga leeyahay Dalka Yukreen (Ukrain) waxaa saaran saanad Ciidan oo ay ku jiraan ilaa 30 Taangi, dayactirkoodii iyo  qalabkaloo ciidan. lama oga halka ay la aadeen Markabkaan burcadii af-duubka u qabsadey inkastoo loo maleynayo inay ku sugan yihiin xeebta Waqooyi bari ee Soomaaliya halkaa oo ayaamahaan saldhig u aheyd burcad-badeedka Soomaaliyeed.

Markabkaan oo lagu wadey inuu ku xirto Dekeda Mombasa Kenya oo uu Qalabkan ay Taangiyadu ku jiraan luga dajin lahaa, waxaana markaa kadib xagga dhulka loo sii marin/gudbin lahaa Koonfurta Suudaan oo loo wadey. Read more »

DHAQAALAHA MAREYKANKA: oo hoos u dhacey !

Bush Madaxweynaha Mareykanka oo aan abidkii laga maqal in dhaqaalaha wadanku  hoos u socdo  aaya markii ugu horeysay af labadii yeeray. Wuxuu yiri Dhaqaalaha Dalkeena meel xun ayuu  marayaa, haddii aan wax ka qaban wayno waxaa dhici karta inay shaqo la’aan ku dhacdo malaayiin Dadka Mareykanka ah .

Barnaamijkan muuqaalka ah (Chanal4) oo ka hadlaya meesha ay wax marayaan iyo sida  Dowlada Mareykanka ee uu Bush hormuudka u yahay ugu dadaalayso in la badbaadiyo shirkado si gaar ah loo leeyahay oo si lama filaan ah u qawaafey,

Shirkadahan ayaa ahaa qaar muhiim ah oo halbowle u ahaa habka-dhaqaale ee ku dhisan Hanti-goosiga isla markaana xaga maalgalinta iyo aas-aaska dhaqaale kaalin wayn uga jiray, wadahadalo ayaa u socda XukuumadaBushiyo Golaha Aqalka sharci-dajinta ee mareykanka.                                                                  

                           Read more »