LABA NIN: oo Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray Jarmalka.

Laba Nin oo midna Soomaali yahay midna Jarmal Muqdisho ku dhashey ayaa lagu qabtey Dalka Jarmalka, Labadaa nin oo ay Booliska Jarmalku kala dageen diyaarad KLM ah fadhiday Garoonka taasoo ay ku safri lahaayeen. Ciidanka Booliska Jarmalka ayaa sheegay in loo qabtey raggaan falal ay ku sheegeen argagixiso.

Waxay kaloo Ciidanka Boolisku ku eedeeyeen labadan nin inay doonayeen inay wax qarxiyaan, iyaga oo siday sheegayaan u sii jeeday Qaarada Afrika meel ka mid ah.

No comments yet

Leave a reply