Archive for September 30th, 2008|Daily archive page

AFARTA MEEL: ee laga haysto Mujtamaca Soomaaliyeed.

Mujtamaca Soomaaliyeed oo ah Dad 100% isku Af, Diin, Dhul iyo Dhaqanba, waxay ku jiraan 18 sanno oo jahwareer iyo dhibaatooyin aan halkan lagu soo koobi karin. Hadaba waxaa iswaydiin leh xagee ama yaa keenay tacadigaan iyo jahwareerkaan dhinacyada badan leh ee ku habsadey Mujtamaca Soomaaliyeed ?.

Aragtiyo fara badan ayaa jira oo tilmaamaya meesha dhibtu ka jirto, qaar ayaa leh waa Qabiilka (Jahliga loo noqday), qaar waxay tilmaamaan Fikir gumeysi ka tagey, dhaqaalo xumo ( Khayraadka dhulka oo yar) ayaa ka mid ah.

Laakiin aragti ka duwan taa ayaa jirta, inkastoo tani ay wali xiriir la leedahay kuwo kore hadana waa qodob aan si wayn loo dareensaneyn. Bulsho walbaa waxay leedahay dabaqad ama Dad iyagu leh haybad ama cilmi, isla markaana ah inta Tayadda leh ee ku jirta Ummadd walba. Read more »

CIGAAL SHIIDAAD: iyo Libaax maxaa kala qabsadey!?

Cigaal Shidaad oo ahaa nin sida la sheegay geesi ahaa oo waliba caaqil ah, ayaa ku caan baxey sheekooyinka maaweelada caruurta lagu madadaalin jiray guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sheekooyinka/murtida ugu caansan waxaa ka mid ah midaan oo isaga iyo libaax (Geed) dhex martey xilli habeenimo ah, cigaal oo ahaa nin fulay ah wuxuu habeenkiiyoo dhan ka feejignaa geed uu u maleeyay Libaax, habeenkii oo dhan ayuu keebla yuurur ku jiray laakiin markii uu waagii baryey ayuu arkey geedkii uu habeenkiyoo dhan ka baqaayey wuxuuna yiri. Read more »

MAAMULKA KISMAAYO: oo ku dhawaaqey inay burburin doonaan Kaniisad.

KIsmaayo Xarunta G/Jubada Hoose oo ay dhowaan la wareegeen gacan ku haynteeda Ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab Isla markaana u sameeyay maamul Islaami ah. SIda ay shaacisay Idaacad u hadasha Ururka Al-shabaab oo lagu magacaabo Kitaa’ib, Wareysi ay ka qabteen ayuu Godoomiyaha Magaalada Kismaayo Sh. Abuubakar Zaylici ku dhawaaqey in la burburin doono Kaniisad waqti dheer (talyaaniga ayaa dhisay) ku taaley bartamaha Magaalada Kismaayo, sababta ayuu ku sheegay in loogu aargudayo Masaajid ay kalhore Xabashidu ku burburisay Magaalada Harar ee ay gumeystaan.

 Sh. Abuubakar Zaylici. Read more »

BELED-WAYNE:oo iyadoo xor ah laga Ciiday.

Isha Qoraalkan: HiiraanOnline.

Talaado, September 30, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Gobalka Hiiraan ayaa si aan horay loo arag waxaa looga oogay Munaasabada Ciidul-fidriga, iyada oo Kumanaan dad weynaha Magaalada ah isugu soo baxeen Barxad weyn oo ku taala Ex.xaruntii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo (Lama-galaay). SII AKHRI.

DHAQAALAHA MAREYKANKA: Saameynta uu ku yeeshay Aduunka intiisa kale.

Arimihii ugu dambeeyay dhaqaalaha Aduunka oo dhan ayaa waxaa saameyn baaxad leh ku yeeshashay burburka ku yimid dhaqaalaha Mareykanka, Waxaa lagu sifeeyay in Isku dhexyaac dhaqaale uu ka dhashey ka dib markii Aqalka Odoyaash sharci dekintu diideen in la bixiyo lacag lagu badbaadin lahaa Bankiyo iyo shirkado waaweyn.

Maanta ayey aheyd markii ay diideen Aqalka Odoyaashu lacag dhan 700 bilyan oo lagu badbaadin lahaa Shirkado iyo Baankiyo si gaar ah loo lahaa ayna soo foodsaartey jahwareer dhaqaale qaarkoodna ay kaceen. Read more »