Archive for March 10th, 2009|Daily archive page
SAMAFALKA/NGOs REER GALBEEDKA: Maxaa laga dhaxley?

Ka dib 18 sanno oo samafal iyo gargaar laga sugo/la waydiisto Hay’adaha samafalka reer Galbeedka. dhaxalka laga helay wuxuu noqotey in la waayo madax banaanidii Dadkeena iyo Dalkeena, xag dhaqaale, Waxbarassho, Warsoosaarka iyo waliba Siyaasadi. laga yaabo in qof kastoo Soomaali ah aanu arki karin laakiin aan halkan ku soo koobo sida wax u jiraan waqtigan xaadir ah. Read more »
XUKUN LAGU RIDAY: Afar Wiil oo Gabar kufsadey!

Ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa xukun karbaash ah ku fuliyay afar Wiil oo Gabar yar ku kufsadey Xaafad ka mid Magaalada Muqdisho. Wiilashan dhalinyarada ah ee kufsiga u gaystey gabadha ayaa u eg inay da’doodu u dhaxeyso 16 ilaa 18, waxaa kaloo ay Gabadha u gaysteen jirdil iyo waxyeelooyin kale.
Sida ay wararku sheegayaan markii wiilashan la soo qabtey ayaa loo taxaabey Maxkamad Islaami ah oo ku taala goobtaas, waxaa goobta lagu xukumay joogay waalidiinta Gabadha. Iyadoo markii dambe lagu xukumay in 100 Karbaash lagu dhufto midkiiba, in Magaaladda laga musaafuriyo waqti dheer iyo waliba inay bixiyaan meherka Gabadha.
Leave a Comment
Leave a Comment










