QORSHAHA CADOWGA:Qaybi oo xukun !
QAYBTA I: Waqtigii uu Gumeystuh yimid Dalkeena ilaa hadda maxaa u qabsoomay cadowga Soomaaliyeed ?
Qarnigii 18aad waxaa ciida Soomaaliyeed markii ugu horeysay duulaan qaawan ku yimid gumeystayaal reer yurub ah oo dhamaantood ahaa gaallo isbaheysi diineed iyo mid dhaqaalaba uu ka dhexeeyay. Gumeystayaashaas waxaa ka mid ahaa Ingiriiska oo Waqooyiga Soomaaliya, Gobolka Soomaali Galbeed iyo NFD boobay, Talyaaniga oo Bariga iyo Koonfurta boobay iyo waliba Faransiiska oo isna boobay Jabuuti.
Gumeystayaasha duulaan ku yimid ka sokow waxaa kaloo meesha soo galey markii dambe Dowlado Afrikaan ah oo markaa cagansaar la yeeshay gumeysiga reer Yurub, Dalka Xabashida (Eithiopa) iyo Dalka Kenya ayaa labaduba kala qayb galay boobkii Ummadda Soomaaliyeed loo gaystey dhulkooda iyo Dadkoodaba.
Taariikhdii hore ee gumeysiga halkan laguma soo koobi karo laakiin waxaa xusid mudan in ay jiraan Dad u soo halgamay xoriyada iyo madaxbanaanida inta ka hartey Dhul waynihii Soomaaliyeed ee uu gumeystuhu kala qayb-qaybiyay. Wagooyiga Soomaaliya waxaa ka soo baxay Xornimo doon loo yaqiinay Darawiishta oo uu hor kacaayey Al-sheikh Muxamed C/dulle Xasan oo waliba rag kale oo qiimo badan ku leh mujtamaca Soomaaliyeed, Koonfurta Soomaaliya iyada waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo gumeysi diid ahaa oo laga xusi karo SYL iyo kuwo kale sida raggii gumeysiga Talyaaniga dagaalka kula galey Lafoole oo iyaguna leh xasuus gaar ah. Sidoo kale Gobolka Soomaalida Galbeed ilaa iyo hadda waxaa ka jira gobanimo doon aan la iloobi karin oo ay Mujtamaca Soomaaliyeed kula jiraan taliska xaaraanta ah ee Xabashida.
Halgan iyo dhibaato badan oo lagula kacey Ummadda Soomaaliyeed wuxuu gumeystaha u hirgalay in uu Dalkeenii kala qayb qaybiyo inta aan ka aheyn laba meelood oo ka badbaadey boobkii gumeystaha uu damacsanee. Gumeystuhu wuxuu Soomaali Galbeed u gacan galiyay Xabashida oo xulufo diineed ay ahaayeen, wuxuu kaloo NFD ama Gobolka Soomaalida ee ay Kenya haysato u gacan galiyay Kenyaati, Sidoo kale wuxuu Gumeystuhu Jabuuti ku qasbey inay Dal ka madax banaan Soomaaliya noqoto. Labadii gobol ee Soomaaliya u hartey Koonfurta iyo Waqooyiga ayuu gumeystuhu wali gacanta kula jiraa oo dantii uu lahaa ka wadaa. Halkee wax u marayaan cadowga ?
Maanta Dalka Soomaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin fara badan oo runtii aan hore loo arag sida dagaalo sokeeye, abaaro, barakac, isku kalsooni la’aan iyo waliba qalalaaso siyaasadeed/diineed. Waxaana taa ka sii daran in gumeystihii wali doonayo in uu Ummadda Soomaaliyeed intii isku hartey sii kale tuuro oo qabiil qabiil iyo Gobol Gobol iskugu dhufto.
Gobolada qaar wayba qaateen qorshihii gumeystuhu nala rabey Goboladaas oo ay ka mid yihiin Puntland iyo Soomaaliland oo labaduba sheegta inay Maamulo u gaar ah leeyihiin. Runtii maaha in Shacabka Soomaaliyeed ee Goboladaas degenin jecel yihiin in ay Dalka intiisa kale iskaga go’aan ee laakiin waxaa Goboladaas ka taliyo Rag ama shaqsiyaad u adeega dannaha gumeysiga. Maamulada Goboladaas waxay dhaqaale iyo taakuleyn “(haba iska ahaato misd yar) joogta ka helaan gumeyshaha ama mid reer Galbeed ah ha ahaado ama mid u sii shaqeeya(Xabashida) ha ahaado.
Waxaa jira Gobolo kale oo iyaguna la rabo inay qaataan nidaamka Soomaali diidka ah ee ka hirgalay Gobolada aan kor u soo sheegay inay qaataan si uu qorshihii gumeysigu u miro dhalo. Gobolada hadda lagu wado in la dhiso waxaa ka mid ah JUBBALAND, HAWIYELAND iyo waliba DIGIL/MIRIFLELAND waa arin soo ifbaxeysa ka mid markii ay Xabashadu Ciidankeedii kala baxdey Soomaaliya sannadkan bilowgiisii. Waxaa kaloo jira in Gumeysigu dhaqaale badan inuu ku bixiyo uu diyaar u yahay arintaan.
Gumeysigu wuxuu mar walba ka faa’iideystaa naceybka ay isku hayaan Qabaa’ilada Soomaaliyeed. Qabiilkastoow Dhulkaaga nabad ka dhigo ! ama qabiilkastaa inuu dhulkiisa ka taliyo ayuu xaq u leeyahay ! ayaa ka mid ah siyaasadda uu gumeysiga suuqa galiyay. Nasiib daro waxaa arintaa dhagta u dhigay ama rumeystay in badan oo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed, laakiin nasiib wanaag wali waxaa jira Wadaniyiin Soomaaliyeed oo arintaa ka war ahay oo mar walba beenta iyo Idaacada gumeystaha ka feejigoon.
1 comment so far
Leave a reply












aniga raiyigeyga waxa ay ila tahay in aad wax isku labaysaan gumaysigu meelaha qeybtood ha labo laakiin sida puntland waa maamul goboleed mana doonayaaan in ay gooni goosad noqdaan marka haday somaliya dhulkeeda kale dagaal ka jiro ma ahaan in gobolada kale iyaga oo nabad heli kara dhowraan xaasumadii oo holceysa. haday caasumadu holceeyso ma ahan in ka war sugaan gobolada kale waa in ay samaystaan maamul goboleedyo . bye