Archive for June 18th, 2009|Daily archive page
SAFIIR KU SHEEG: Xabashida oo lagu dilay Beled-wayne

Beledweyne Soomaaliya: Warar hor dhac ah oo eey heshay Shabakada Shacabka ayaa Sheegaya in Qaraxii ka dhacay Magaalada Beledweyne eeyna ku dhintaan Madax uu ku jiro Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Rag kale oo badan. Wararkani ayaa tibaaxaya inuu halkaasi ku Geeriyooday Safiirkii u fadhiyey Dowlada Itoobiya Magaalada Muqdisho Atto Asper Agaza oo halkaasi ku sugnaa Xiligii uu Qaraxu ka dhacay Hoteelka eey ku sugnaayeen Madaxdaasi.
Sidoo kale Warar hor dhac ah ayaa Tibaaxaya in Saraakiil badan oo Itoobiyaan ah eey ku geeriyoodeen halkaasi, Wararka qaar ayaa Carab dhaw ku sameeyey ku dhowaad 40 meeyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo halkaasi ku sugnaa. SII AQRISO
Leave a Comment










