CALOOSHOOD U SHAQEYSATADDA AMISOM: oo ku jabay dagaalkii Muqdisho.
Muqdisho Soomaaliya: Ciidanka calooshood-u-shaqeystayaasha la baxay AMISOM ayaa markii ugu horeysay qirtay in Askar badan laga dilay, inkastoo ay sheegeen tiro yar hadana waxay wararka qaar tilmaameen in Amisom (Calooshood u shaqeysatadda la baxdey) looga dilay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacey Muqdisho tiro badan ilaa 58 ama ka badan.
Sidoo kale: Amisom waxaa markii ugu horeysay laga qabtey maxaabiis nool nool ka dib markii xeryahii ay ku jireen laga qabsadey ayna uga carareen dhaawacoodii qaar ka mid ah. Mid ka mid ah maxaabiista ayaa Idaacaduhu fursad u heleen inay sawiro ka soo qaadaan (Sawirka).
Mar haddii ay yaraadeen/dhamaadeen Soomaalidii xaabodda aheyd ee ay Askarta Calooshood u shaqeysatadu iska soo hormarin jireen waxaa muuqata inay guushii Ummadda Soomaaliyeed soo dhawaatey. Waxaana sidoo kale soo dhawaatey waqtigii Adoonta Mareykanka iyo Yurub (AMISOM) ee Dadkeena maalin kasta ku xasuuqa Xamar si qasab ah looga eryi lahaa Dalkeena (Insha Allaah).
Wargeyska XOG-OGAAL (difaaca Dalka,Dadka iyo Diinta).




Lestari