HADAFKA GUMEYSTAHA: ee ku wajahan Ummadda/Qaranimada Soomaaliyeed.

Ma ogtahay in gumeysiga ama cadowga Soomaaliyeed uu marwalba diidan yahay Ummadnimada ama Qaranimada Soomaaliyeed ?.

Gumeystaha ama Cadowgeenu wuxuu doonayaa inaan habka Qabiil-Qabiilka 4.5 ku noolaano si uu u xaqiijiyo inay Qaranimadii Soomaaliyeed mardambe dib u soo noqon!, Maadaama ay maanta dadka Soomaaliyeed dhibaato iyo dagaalo daba-dheeradey la ildaran yihiin, ayna u baahan yihiin kaalmo shisheeye intooda badan ma oga in cadowgoodu ku soo dhuunto hay’addaha la baxay Samo-falka ama Qaramadda Midoobay.

U fiirso barnaamijka leh “Soomaaliyeey qaran ma tihiine qabiil-qabiil wax u qaybsadda” waxaa qarashkiisa bixinaaya cadowga Soomaaliyeed (Madow iyo Cadaanba) waxayna si toos ah u adeegsadaan Hay’addo lagu sheego inay yihiin gargaarka ama kuwa Qaramadda Midoobey sida (UNDP iwm).

Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed maanta waxaa afbuud ku haysta gumeysi iyo cadow ay ka go’an tahay inuu Ummadda Soomaaliyeed u diido Qaranimadooda kuna qasbo inay 4.5 iyo Qabiil-qabiil wax u qaybsadaan, Qabiil kastana uu iskiisa isku maamulo ama Dowlad Goboleed wax lagu sheegay oo calan leh loo dhiso, Aaqirkana Cadowga Soomaaliyeed ay u fududaato inuu boobo Dhulkeena iyo Dadkeenaba (sida haddaba socota) oo la ogyahay in Baddeena qaybna Kenya loo saxiixay! qaybna ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo shisheeye oo ilaalo ka ah kaluumeysato qowleysi iyo boob u yimid Dhulkeena.

XALKA GACANTEENUU KU JIRAA. (Maya Qorshaha Cadowga).

Ummadda Soomaaliyeed haddii ay iska diidaan oo ay ka hor yimaadaan qorshahan uu cadowgu nagu wado: Tusaale: Dowlad ku sheeg uu cadowgu soo dhisay kuna dhisan habka 4.5 oo ah sida uu gumeystuhu rabo, Ciidamo dibedda lagu soo tabobarey ujeedada laga leeyahay ay tahay inay la dagaalaan waxa loogu yeero argagixisadda Caalamiga iyo inay hirgaliyaan Qorshaha cadowga ee ku dhisan 4.5/qabiil-qabiil u noolaanshaha Ummadda Iwm.

Waxaa suuro gal ah in la hello nadab iyo Dowladnimo, haddiise Jidka Cadowga, gumeystaha iyo midka Daba-dhiliflahooda aan ku socono waligeen kama baxeyno hoogga iyo halaagga aan ku jirno maanta.

Posted on 05/16/2011, in QARANIMO.. Bookmark the permalink. 3 Comments.

  1. Asc Waxan joga kenya ilahay hanaga qabto cadawga dhaman umada somaliyed odhana ha isracdo namageyo gumeysi gayiga anka xureyno dhalin yaro

  2. Dhacdada maanta mujaahidiintu ay ku wiiqen awooda kufaarta afrikankaa iyo caloshood la ciyaarayasha saliibigaa aad baan ugu hambalyeynayaa waxaana leeyahay islaamka meel walbuu joogo bishaareysta gaalo waa jabtee mareycan ooyin badnow ilmahaadii eeg sida casharka islamku usiinayo bahda kayaryar kenya iyo amxaro ee uganda iyo burundiyow da’dii idinka weyneede mareykan wacalnimada ku dhalay awalan adinku xalaal aheyne waad lasocoteen casharkii loo dhigay adinka waji iyo cashir hor alaa oo lama iloowaana naga hooya kenyaay waxan leyahay adigu dugsiga waad ugoysaaye mar uun imaaw aan cashir kusiinee allahu akbar

  3. asc yaa umatul muslimiin hada anigu waan kugu raacsanahay lkn markii hore fikrad taasi ka duwan ayaan ka haystey waxaanan joogaa ethiopia

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.