BARO DALKAAGA.

HORDHAC.

Boggaan ama qormadaan waxaa loogu tala-galey inay ka faa’iideystaan guud ahaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed ee aan fursada u helin inay soo arkaan ama ay bartaan dhulkooda hooyo. Qoraalkan kaliya laguma soo koobi karo barashada dhulka hooyo. Laakiin waxaan ka soo qaadan doonaa in yar oo kooban.

Dalka Soomaaliya wuxuu ku yaalaa geeska Africa , wuxuuna ku fadhiyaa dhul ay baaxadiisu dhan tahay 642,631Km sq. Waxa dhanka bari iyo waqooyi xuduud u ah Badweynta Hindiya iyo badda cadmeed, dhanka waqooyi-galbeed waxaa ka xigga Dalka Jabuuti, koonfurta bari waxaa ka xigga gobolka NFD ee ay soomaalidu degto ee Kenya, Dhanka Galbeedka waxaa ka xigga Gobolka Soomaali Galbeed ee ay Eithopia gumeysato.

Dalka Soomaaliya wuxuu aduunka kaga yaalaa bar aad iyo aad u mihiim ah (strategic) oo ay fududahay in aduunka meelkasta xariirka ganacsiga iyo dadyowga aduunkaba lagala sameyn karo, wuxuuna leeyahay xeebta labaad ee ugu dheer Qaarada Africa oo dhan 3437 Km.

picture-112.jpg

Qiyaasta tirada dadka soomaaliyeed waxaa lagu sheegaa 9.3 Malyuun ilaa 11 malyuun oo qof waa inta xaduud beenaadka gudihiisa ah. waxaana loo kala saari karaa 60% reer miyi ah, 20% beeraley ah, iyo 20% reer Magaale isugu jira Kaluumeysato iyo Ganacsato iyo waliba farsamo yaqaano. Dalka soomaaliya wuxuu leeyahay laba wabi oo la yiraahdo Wabiga jubba iyo Wabiga shabeele. kuwaas oo looga faa’iideysto tacabka beeraha waraabka ah iyo waliba kaluumeysi .

picture-233.jpg

 CALAAMADA CIIDANKA IYO DIFAACA QARANIMADA/JAMHUURIYADA SOOMAALIYA

picture-2001.png

Calanka Soomaalya waa buluug, ay xidig-shan-gees leh dhexda kaga taallo (sawirka hoose waaye). Caasimada ama Magaalo-madaxda soomaaliya waa MUQDISHO oo ku taalla G/Banaadir ee Koonfurta soomaaliya (Sawirka kore). Magaalo madaxda labaad waa HARGEYSA (Sawirka hoose) oo iyaduna ku taalla Waqooyiga soomaaliya.

 

 Gumeystayaashii reer yurub ee ku shiray Baarliin 1884 ayaa waxay isla gaareen inay Dalkeena kala qaybsadaan iyagoo u kala qaybsadey sidan.

 1)- Gobolada Waqooyi oo ay boobeen gumeystihii Ingiriiska.

2)- Gobolada Koonfurta  iyo qaar ka mid ah Waqooyi bari waxaa boobay Talyaani.

30- Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti waxaa boobay Faransiis.

4)- Gobolka Soomaali Galbeed oo uu markii hore Ingiriisku boobay waxaaay markii dambe ku wareejiyeen Boqortooyadii xabashida oo ay ilaa hadda haystaan/gumeystaan.

5)- Gobolka Koonfurta Galbeed ama NFD iyaduna sidoo kale waxaa markii hore boobay Ingiriiska oo markii dambana gacanta u galiyay Dalka Kenya. 

 Shantaan Gobol oo la isku yiraahdo Soomaaliweyn ama shanta Soomaaliya waxaa Taariikhdu markey aheyd June 26keedii sannadkii 1960kii helay xornimadiisa Gobolkii Waqooyiga Soomaaliya, Jully 1deedii isla sannadkaa isna xoriyadiisii Alle siiyay Goboladii Koonfureen ka dibna si walaaltinimo ku jirto isugu yimid halkaana ku aas-aasey Jamhuurad Ummadda Soomaaliyeed ay leeyihiin oo ka madax banaan gumeysi iyo amar ku taagleyn.

 

–Gobolka Xeebta Jabuuti waxay iyaduna xornamadeedi heshay 1977 taasoo ay gacan wayn ka gaysatey Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee iyadu xorta aheyd. Jabuuti xoriyadeeda waxaa lagu xiray shuruud ah in aaney ku biirin Jamhuuriyada Soomaaliya taasoo ay gumeysigu sabab uga dhigeen in Jabuuti aaney Soomaali kaliya degin/laheynoo ay Dadyowga canfarta ahi Soomaali aheyn. Markii dambe waxaa lagu dhameeyay in ay Dowlad madax banaan noqoto laakiin ilaa iyo hadda waxay la leeyihiin xiriir walaaltinimo Ummaddooda Soomaaliyeed intooda kale.

– Gobolka NFD isagu waxaa lagu dhameeyay sida la sheegayo inay Dalka Kenya ka mid noqdaan. kadib markii ay Xukuumadihii labada ee Kenya iyo qalinka ku d duugeen arintaa. heshiis ayaa waxaa Dowladii Soomaaliya ee markaa jirtay saxiixay Axmed Ibraahim Cigaal oo ahaa Ra’iisal wasaaraha Dalka Soomaaliya. 

 

Markii ay Soomaalidii ku dhaqneyd labada Gobol ee Koonfurta iyo Waqooyiga xornimadoodii helayeen Wadanku wuxuu lahaa magacyo loo yaqaaney Goboladiisa kuwaasoo ay gumeystuhu bixiyeen qaar ka mid ah KOONFURTA waxaa laheyd lix Gobol sida ,Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Jubada Sare, Mudug , iyo Bari.

WAQOOYINA waa ka jiray laba Gobol oo kala ahaa Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi bari. Markaa Jamhuuriyaadii Soomaaliya waxay isku noqotay Sideed Gobol.

 

1964 waxaa Dalka Soomaaliya weerar gardaro ah ku soo qaadey taliska Xabashida ee awalba haystay Gobol ka mid ah dhulka Soomaaliyeed laakiin waxaa si geesinimo leh gaashaanka u daruuray Ciidankii Difaaca Dalka oo ku qasbey xabashida in joojiso gardarada.

 1969kii waxaa dhacey inqilaaq ay taladii Dalka la wareegeen Ciidanka Xoogga oo uu hor kacaayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre. markii ay talada Dalka gacanta u gashay Kacaankii loo yaqaaney Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka, tilaabooyinkii horumarka lahaa ee la sameeyay waxaa ka mid ahaa. Qorista afka hooyo ee Soomaaliga oo lagu qorey xarfaha  laatiinka, ka dibna waxaa ku xigay Ololihii Horumarinta Reer-miyiga 1972 ilaa1974. Inta u dhaxeysay 70yadii iyo 80yadii waxaa la sameeyay Gobolo cusub waxaana Sideedii Gobol ee hore lagu kordhiyay todoba (7ba) kale, tirada Gobolada Dalka waxay noqotay 15 Gobol,

Gobolada lagu soo darey kuwii hore. Gobolkii Jubadda Sare waxaa laga dhigay Sadex Gobol oo kale ah Gedo, Baay iyo Bakol. Gobolkii Banaadir waxaa laga dhigay Banaadir, Shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe, Gobolkii Mudug waxaa laga dhigay Mudug iyo Galgaduud, Gobolkii Wagooyi Bari waxaa laga dhigay Togdheer iyo Sanaag. ugu dambeyntii bartimihii Sideetankii ayaa la magacaabey sadex Gobolloo cusub kuwaasoo kala ah 1)- J/dhexe 2)- Awdal 3)- Sool. Hadaba sida shariciga ah Soomaaliya waa 18 Gobol, inkastoo Gobolo gooni isku taagey ama maamula ay Gobolo cusub sameeyeen.

 

                                                                 

 

GOBOLADA DALKA IYO DEGMOOYINKOODA.

 
 
 
 
Gobolka Banaadir

 

 Gobolkan oo ay ku taallo Magaalamadaxda Dalka ee Muqdisho wuxuu ka kooban yahay 15 degmo.

                                                                         

                                                 1)–Deg. Cabdi Casiis
                                                                                 2)- Deg. Boondheere.
                      3)- Deg. Xamar weyne
                                                                                                        4)- Deg. Hawl wadaag
                                          5)- Deg. Heliwaa ama Huri waa
  6)- Deg. Hodan
                                                                                                                     7)- Deg. Kaaraan
                                                                8)- Deg. Shangaani
    9)- Deg .Shibis
                                                                                                                   10)-Deg.Waaberi
                                             11)-Deg.Wada jir
  12)-Deg.Wardhiigley
                                                         13)-Deg.Yaaqshiid
                                                                                                       14)-Deg.Dharkeynley 
 

 

                                                     15)-Deg Xamar Jajab.
FAALLO:
Ka dib markuu qarxey dagaalkii sokeeye Magaala Madaxda Dalka waxaa la wareegay Jabhad Qabiileed USC, waxaa Magaalada ku soo qamaamey mowjado dad ah oo dhanka miyiga ka yimid, Dadkan lagu qalday in Magaalada reerkoodu leeyahay ayaa waxay boob iyo xaquuq aan Taarikhda Soomaaliyeed hore loo arag u gaystay Dadkii reer Magaalka ahaa ee aan hubeysneyn. Waxay noqotey natiijadu Magaalo Boqolaal sannno la dhisaayey inay labo sano ka yar ka dhigaan Meel- aan lagu noolaan karin.
 3- G/Bari
        

 LA SOCO …

3 comments so far

  1. Aad ayan ugu faraxsanahey inaan waxka barto dalkeyga hoyo lakin talo ayan haya si somali xal u hesho dadka aqoonta leh oo dhiga iyo damirka leh ha u istagan sidi somali cagaheda iskugu tagi laheyd

  2. ahmed on

    waayaha soomalia iyo waxa maanta socda
    sooyaalka soomaiya iyo waxay soomartay
    soo dira dhanbaalada

  3. warsame on

    Aad bey u qurux badantahay balse qoraaga mid ayaan weydiinayaa hadii uusan dhinac naceeb uu u haayo uusan dusha ka fuulin taasoo ah inta ay jabhad qabiil soo galin miyeeysan noqon dowladii mid qabiileed oo madax weynaha iyo inta maamulka ku jirtay qabaa ilkooda oo reermiiga ah magaala soo galin geel jire kabtan noqday iyo nin lamadaayo dhaqaaye oo maareeye noqdey ilmihi sanado usoo halgamay wax barasho oo qaar 8aad yihiin oo dugsiga sare aadi rabay iyo kuwo dugsi sare ah oo jaamacad rabay oo boosaskooda kuwo kale lagu badaly iyo in shaqsiyaa gaar ah waxey doonaan ay sameeyaan illa koorneel amaanka ah ee garoonka dayaaradaha u xilsaarna uu nin shacab ah dharbaaxo asgoo qof uu baabuur ku keenay rabay in uu dayaarad halkaas ka saaro saxiib ka fiirsada nimankiina wax qora in kastoo soomaali qabiil madax maray .


Leave a reply