Archive for the ‘BANDHIGA WARGEYSKA.’ Category
DHAQAALAHA: Reer Galbeedka iyo shareecada!
BAANKA Islaamiga ah ee Dalka Ingiriiska ayaa lagu soo warinayaa in uu ka badbaadey burburkii ku yimid dhaqaalaha hanti-ggosiga ku dhisan ee maalmahaan jahwareerku ka jiray, Dadka qaar ayaa iswaydiinaya in Bankigaan habka uu u shaqeeyo ee Islaamiga ah ee aan laheyn Ribada ama dulsaarku xal u noqon karo burburka soo gaarey Dhaqaalaha reer Galbeedka Dowladaha isugu yeera! Read more »
DHAQAALAHA MAREYKANKA: Saameynta uu ku yeeshay Aduunka intiisa kale.
Arimihii ugu dambeeyay dhaqaalaha Aduunka oo dhan ayaa waxaa saameyn baaxad leh ku yeeshashay burburka ku yimid dhaqaalaha Mareykanka, Waxaa lagu sifeeyay in Isku dhexyaac dhaqaale uu ka dhashey ka dib markii Aqalka Odoyaash sharci dekintu diideen in la bixiyo lacag lagu badbaadin lahaa Bankiyo iyo shirkado waaweyn.
Maanta ayey aheyd markii ay diideen Aqalka Odoyaashu lacag dhan 700 bilyan oo lagu badbaadin lahaa Shirkado iyo Baankiyo si gaar ah loo lahaa ayna soo foodsaartey jahwareer dhaqaale qaarkoodna ay kaceen. Read more »
LABA NIN: oo Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray Jarmalka.
Laba Nin oo midna Soomaali yahay midna Jarmal Muqdisho ku dhashey ayaa lagu qabtey Dalka Jarmalka, Labadaa nin oo ay Booliska Jarmalku kala dageen diyaarad KLM ah fadhiday Garoonka taasoo ay ku safri lahaayeen. Ciidanka Booliska Jarmalka ayaa sheegay in loo qabtey raggaan falal ay ku sheegeen argagixiso. Read more »
DHAQAALAHA MAREYKANKA: oo hoos u dhacey !
Bush
Madaxweynaha Mareykanka oo aan abidkii laga maqal in dhaqaalaha wadanku hoos u socdo aaya markii ugu horeysay af labadii yeeray. Wuxuu yiri Dhaqaalaha Dalkeena meel xun ayuu marayaa, haddii aan wax ka qaban wayno waxaa dhici karta inay shaqo la’aan ku dhacdo malaayiin Dadka Mareykanka ah .
Barnaamijkan muuqaalka ah (Chanal4) oo ka hadlaya meesha ay wax marayaan iyo sida Dowlada Mareykanka ee uu Bush hormuudka u yahay ugu dadaalayso in la badbaadiyo shirkado si gaar ah loo leeyahay oo si lama filaan ah u qawaafey,
Shirkadahan ayaa ahaa qaar muhiim ah oo halbowle u ahaa habka-dhaqaale ee ku dhisan Hanti-goosiga isla markaana xaga maalgalinta iyo aas-aaska dhaqaale kaalin wayn uga jiray, wadahadalo ayaa u socda XukuumadaBushiyo Golaha Aqalka sharci-dajinta ee mareykanka.
DIGNIIN: ISKA-HORKEEN KU WAJAHAN CULIMADA SOOMAALIYEED.
Dowladaha reer Galbeedka ama isugu yeera bulshada caalamka(†nternational Community) waxay wadaan barnaamij loogu magac darey kobcinta iyo taageerida Culimada Islaamka ee qun-yar socodka ah, qorshahaan oo ah mid aad u balaaran oo lagu wado in laga hirgaliyo dhamaan dalalka Muslimka ah. (halkan eeg)
Bulshada caalamka oo uu horkacayo dalka Mareykanka ayaa waxay dagaal ba’an kula jiraan si ay u baabi’iyaan waxa ay ugu yeraan argagixisadda caalamiga ah (Muslimiinta xawliga ku socda). hadaba barnaamijkan lagu taageerayo muslimiinta qunyar-socodka ah ayaa waxaa lagu wadaa in laga hirgaliyo Dalka Soomaaliya arintaa taas oo soo ifbaxday markii shir dhowaan lagu qabtey Dalka Jabuuti.
CULIMADA QUNYAR-SOCODKA SOOMAALIYEED:
Ururkii Maxaakiimta Soomaaliyeed ayaa wuxuu dhawaan u kala baxey laba garab , oo kala ah garabka Jabuuti iyo garabka Asmara, Kooxda Jabuuti oo uu horkacayo Sh/Shariif Sh/ Axmed ayaa Mareykanku iyo UNtuba u arkaan inay yihiin qunyar-socod lala xaajoon karo, sidaa darteed Kooxdaan waxaa lagu wadaa in laga qayb galiyo barnaamijkaan ay Bulshada caalamku/USAdu ku taageerayso muslimiinta qunyar socodka ah.
Dowladaha reer Galbeedka sida Mareykanka iyo EUda oo leh dhaqaale iyo cudud ciidan ayaa la sheegayaa inay doonayaan inay hubeeyaan oo ay ka caawiyaan Culimadda soomaaliyeed ee qunyar socodka ay u arkaan. waxaa kaloo la filayaa inay taageero dhaqaale oo baaxad leh siiyaan kooxda Jabuuti ee uu hormuudka u yahay Sh/ Shariif Sh/Axmed iyo Ururada Suufiyada oo aan laheyn cudud Ciidan iyo mid dhaqaale. Read more »
Leave a Comment
Leave a Comment
Leave a Comment










