DHAQAALAHA MAREYKANKA: Saameynta uu ku yeeshay Aduunka intiisa kale.

Arimihii ugu dambeeyay dhaqaalaha Aduunka oo dhan ayaa waxaa saameyn baaxad leh ku yeeshashay burburka ku yimid dhaqaalaha Mareykanka, Waxaa lagu sifeeyay in Isku dhexyaac dhaqaale uu ka dhashey ka dib markii Aqalka Odoyaash sharci dekintu diideen in la bixiyo lacag lagu badbaadin lahaa Bankiyo iyo shirkado waaweyn.

Maanta ayey aheyd markii ay diideen Aqalka Odoyaashu lacag dhan 700 bilyan oo lagu badbaadin lahaa Shirkado iyo Baankiyo si gaar ah loo lahaa ayna soo foodsaartey jahwareer dhaqaale qaarkoodna ay kaceen. Continue reading

DHAQAALAHA MAREYKANKA: oo hoos u dhacey !

Bush Madaxweynaha Mareykanka oo aan abidkii laga maqal in dhaqaalaha wadanku  hoos u socdo  aaya markii ugu horeysay af labadii yeeray. Wuxuu yiri Dhaqaalaha Dalkeena meel xun ayuu  marayaa, haddii aan wax ka qaban wayno waxaa dhici karta inay shaqo la’aan ku dhacdo malaayiin Dadka Mareykanka ah .

Barnaamijkan muuqaalka ah (Chanal4) oo ka hadlaya meesha ay wax marayaan iyo sida  Dowlada Mareykanka ee uu Bush hormuudka u yahay ugu dadaalayso in la badbaadiyo shirkado si gaar ah loo leeyahay oo si lama filaan ah u qawaafey,

Shirkadahan ayaa ahaa qaar muhiim ah oo halbowle u ahaa habka-dhaqaale ee ku dhisan Hanti-goosiga isla markaana xaga maalgalinta iyo aas-aaska dhaqaale kaalin wayn uga jiray, wadahadalo ayaa u socda XukuumadaBushiyo Golaha Aqalka sharci-dajinta ee mareykanka.                                                                  

                           Continue reading