Archive for the ‘Wararka Dalka’ Category

MARKAB SIDA 30 TAANGI: Oo ay haystaan burcad-Badeedka Soomaaliya

Waxaa la shaaciyay in Markab siday ilaa 30 Taangi oo ah nooca (T-72 sawirka hoose) uu gacanta ugu jiro Burcad-badeedka Soomaalida ee Gobolka la magac baxay Puntland. Markabkan oo sida la sheegay  laga leeyahay Dalka Yukreen (Ukrain) waxaa saaran saanad Ciidan oo ay ku jiraan ilaa 30 Taangi, dayactirkoodii iyo  qalabkaloo ciidan. lama oga halka ay la aadeen Markabkaan burcadii af-duubka u qabsadey inkastoo loo maleynayo inay ku sugan yihiin xeebta Waqooyi bari ee Soomaaliya halkaa oo ayaamahaan saldhig u aheyd burcad-badeedka Soomaaliyeed.

Markabkaan oo lagu wadey inuu ku xirto Dekeda Mombasa Kenya oo uu Qalabkan ay Taangiyadu ku jiraan luga dajin lahaa, waxaana markaa kadib xagga dhulka loo sii marin/gudbin lahaa Koonfurta Suudaan oo loo wadey. Read more »

DAGAAL: Lagu qaadey Ciidanka Ugandha/Afrikaanka.

MUQDISHO SOOMAALIYA.

Dagaalkan oo dhacey  xalay sida ay  BBCda laanta-afka Soomaaliga sheegtay, waxaa inta la ogyahay ku dhintay 18 qof oo caruur iyo haween u badan, halka uu jiro dhaawac farabadan, inta badan qasaaraha waxaa gaystey madaafiic waaweyn oo ay  rideen ciidanka Ugandhiiska u badan ee Africaanka ee jooga Garoonka iyo Isgoyska LanbarAfar. madaafiicda ayaa haleelay   goobo degaanka u ah shacabka.

Waxaa dagaalkan isaga hor yimid Ciidanka Ugandha/Xabashida iyo Jabhada Impeghati oo dhinac ah iyo Xoogaga Difaaca Dalka wuxuuna ahaa mid qaraar, dagaalka oo markii dambe iskii u qaboobay. ayaan la sheegi karin qasaaraha soo gaarey labada dhinac, laakiin wuxuu noqonayaa kii ugu qaraaraa ee ciidanka Ugandha lagu qaado Read more »

CIIDANKA UGANDHA: Oo cadowtinimo cusub la soo baxay !

MUQDISHO SOOMAALIYA:

Ciidanka shisheeye ee Dalka Ugandha (oo ay kiraysatey QM) ayaa dalka Soomaaliya u yimid si ay u ilaaliyaan Kooxda Dagaal-oogayaasha Dowlad ku sheega Imbeghati, waxay intooda badan degan yihiin Garoonka diyaaradaha, Dekeda iyo Isgoyska lambar4 (afar) maalmahaan waxaa jiray in garoonkii diyaaradaha la xiray ka dib markii ay digniin ku bixiyeen dagaalyahanka difaaca Dalka inaan la isticmaali karin garoonka. Read more »

DAAWAC IYO DHIMASHO KA DHASHEY DUQEYNTII BAKAARAHA.

By Somalimirror on 19 Aug, 2008

Mugdisho Soomaaliya: 6 Qof ayaa ku Geeriyooday in ka badan 20 Qofna waa ay ku Dhaawacmeen ka dib markii ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya Madaafiic aan loo meel dayin Barqanimadii maanta ku garaaceen Suuqa weyn ee Bakaaraha. 

Dadka dhaawacmay ayay madaafiicdu ku haleeshay inta u dhaxeysa Xaafada “Nation-ka”  illaa sarta loo yaqaano “Maalin Taajir” wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha kuwaas oo isugu jiray dad garab rarato ah, dad guryahoodii ku sugnaa iyo dad socod ku marayay wadooyinka. Read more »

GANACSADE REER BELEDWAYNE AH OO LA QAFAASHEY!

Beledwayne Soomaaliya: Duhurnimadii maanta ayaa xabsiga loo Taxaabiy Ganacsade lagu magacaabo “Muxumad Maxamuud Yuusuf (Shiine) oo ah Milkiilaha Shirkada labaad ee ugu wayn Shirkadaha korontada siiya Baladweyne oo lagu magacaabo “Midnimo” xili uu ku sugnaa goobtiisa shaqo. 

Ganacsadahan ayaa la sheegayaa in ay xabsiga u taxaabeen ciidamo uu hor kacayo ninka sheegta in uu duqa Magaalada Baladweyne yahay ee lagu magacaabo “Aadan Garaaso”. Read more »

TACSI: C/qaadir Yusuf Kaariye (Awliyo).

Waxaa Halkan tacsi tiraanyo uga diraynaa Qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagey C/qaadir Yusuf Kaariye, oo ku Magac dheeraa C/qaadir Awliyo, Alle ha u naxariisto Janadii fardowsana ha ka waraabiyo Aamiin , Aamiin.

Read more »

Next Page »