BARNAAMIJKA: Kicinta shacabka Muqdisho oo soo laba kacleeyay.
Waxaa soo ifbaxaaya in Soomaaliya laga wado barnaamij la rabo in lagu kiciyo Shacabka ama beelaha Magaalla madaxdeena Soomaaliya u badan. Barnaamijkani waa mid u eg kii Dalka Ciraaq kal hore laga fuliyay ee ahaa SUNNI Awakening.. Barnaamijkaan waxaa isaguna magaciisa la oran karaa waa UNNUKA awakening. Halku dhigyadiisa waxaa ka mid ah Xamar unnukaa leh. Shacabka yaan la laynin. Madfac yaa laga dhex ridin IWM.
BIYAHA BADDA: Sida looga faa’iideysto Dalka eriteria !

Cajiib dhulka Soomaaliya waxaa mara laba wabbi oo biyo macaan wada inta badan sannadka, laakiin nasiib daro biyaha wabiga qaas ahaan wabiga Jubba wuxuu biyahaa ku daraa badda iyadoo aan xitaa 50% laga faa’iideysan. Read more »
QORSHAHA CADOWGA:Qaybi oo xukun !
QAYBTA I: Waqtigii uu Gumeystuh yimid Dalkeena ilaa hadda maxaa u qabsoomay cadowga Soomaaliyeed ?
Qarnigii 18aad waxaa ciida Soomaaliyeed markii ugu horeysay duulaan qaawan ku yimid gumeystayaal reer yurub ah oo dhamaantood ahaa gaallo isbaheysi diineed iyo mid dhaqaalaba uu ka dhexeeyay. Gumeystayaashaas waxaa ka mid ahaa Ingiriiska oo Waqooyiga Soomaaliya, Gobolka Soomaali Galbeed iyo NFD boobay, Talyaaniga oo Bariga iyo Koonfurta boobay iyo waliba Faransiiska oo isna boobay Jabuuti.
Gumeystayaasha duulaan ku yimid ka sokow waxaa kaloo meesha soo galey markii dambe Dowlado Afrikaan ah oo markaa cagansaar la yeeshay gumeysiga reer Yurub, Dalka Xabashida (Eithiopa) iyo Dalka Kenya ayaa labaduba kala qayb galay boobkii Ummadda Soomaaliyeed loo gaystey dhulkooda iyo Dadkoodaba. Read more »
SAMAFALKA/NGOs REER GALBEEDKA: Maxaa laga dhaxley?

Ka dib 18 sanno oo samafal iyo gargaar laga sugo/la waydiisto Hay’adaha samafalka reer Galbeedka. dhaxalka laga helay wuxuu noqotey in la waayo madax banaanidii Dadkeena iyo Dalkeena, xag dhaqaale, Waxbarassho, Warsoosaarka iyo waliba Siyaasadi. laga yaabo in qof kastoo Soomaali ah aanu arki karin laakiin aan halkan ku soo koobo sida wax u jiraan waqtigan xaadir ah. Read more »
XUKUN LAGU RIDAY: Afar Wiil oo Gabar kufsadey!

Ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa xukun karbaash ah ku fuliyay afar Wiil oo Gabar yar ku kufsadey Xaafad ka mid Magaalada Muqdisho. Wiilashan dhalinyarada ah ee kufsiga u gaystey gabadha ayaa u eg inay da’doodu u dhaxeyso 16 ilaa 18, waxaa kaloo ay Gabadha u gaysteen jirdil iyo waxyeelooyin kale.
Sida ay wararku sheegayaan markii wiilashan la soo qabtey ayaa loo taxaabey Maxkamad Islaami ah oo ku taala goobtaas, waxaa goobta lagu xukumay joogay waalidiinta Gabadha. Iyadoo markii dambe lagu xukumay in 100 Karbaash lagu dhufto midkiiba, in Magaaladda laga musaafuriyo waqti dheer iyo waliba inay bixiyaan meherka Gabadha.
Leave a Comment
Leave a Comment
Comments (1)










