QARANIMADA SOOMAALIYEED.

Taaladii Sayidka ee Muqdisho.Waxaa xaqiiq ah in uu ahaa “Sayid Muxamed C/dulle Xasan iyo geesiyaashii daraawiishtu dhaq-dhaqaaqii ugu waynaa ee lagu aas-aasay qaranimadda iyo Midnimo soomaaliyeed,sayidka oo ahaa nin karti iyo caqliba alle u dhaliyey wuxuu fahmay damacigii Gumeystayaasha Ingiriiska,Talyaaniga, oo reer yurub ah ,iyo Gumeysiga madow ee Xabashiga oo uu isna damac ka hayey boobka dhulka soomaaliyeed.

Waxaa xasuus mudan inuu Aabaha qaranimadda soomaaliyeed (Sayid Muxamed C/dulle xassan) Gabayadii Sayidka oo uu ka mid ahaa kan.

 

 

 

 

 

Wuxuu yiri 

Anaa diiday gaal daacuf leh daba-galkiisiye, Dalka ma lihin anigaa ku iri dooro waynaha

 Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.

Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey. Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen. Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd. Bal si ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:

Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye

Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye

Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!

Go’na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane

Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne

Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!

Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye

Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey

Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!

Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene

Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye

Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!

Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e

Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene

Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene

Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne

Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye

Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!

Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah. Waa gabayga ‘Gudban’ amase

‘Gaalo-leged’ lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen. Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

“Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa’.

“Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen. Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen’.

Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:

Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene

Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane

Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!

Eebbow sidii guun haween ‘gii’du waa aniye

Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye

Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!

Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe

Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne

Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!

Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye

Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane

Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!

Sida ay cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba. Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.

Markuu fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.

Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, “cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa”, sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:

Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey

iyo kii ‘duleedshaay’ ku yiri wax isma doorshaane!

Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin. Wax badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, ‘gaalada aan la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal’ ayuu in door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:

Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin

Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara

Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada

Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira

Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo

Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!

Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba. Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le’an jireen, hantidoodana ku waayi jireen. Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.

Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.

W.Q. Axmed F. Cali “Idaajaa”

Xigasho: Doollo.com

Sayidka  wuxuu uga digay dadka soomaaliyeed dhuuni-raaca/dabadhilifka ah ee ku dhex jira dadka. Si uu uga hortago shaqsiyaadkan  gumeysiga u adeega oo ilaa hadda ka mid ah dadka soomaaliyeed ayaa waxaa dhacday in dagaalyahanadii daraawiishta ee uu hogaanka u waday Sayidka ay dagaal adag la galeen kuwaas oo inta badan aaminsan inay dantooda gaarka ah ka hor mariyaan midda Qaranka ,dadka iyo dhulka soomaaliyed,dabadhilifka oo qaab qabiil heshiis ula gali jiray gumeystayaasha si ay u helaan dantooda gaarka ah.

Nasiib daro arintaa ayaa keentay in uu gumeystuhu dantiisa ah qaybi oo boob si fudud ku gaaro. Dabadhilif ayaa ah dhuuni-doon wuxuu xoogaa ka helaa gumeystayaasha cadowga soomaaliya ku ah, qab-qablayaashaan ama dabadhilifyadaan waxay adeegsadaan qabiilka waxay buunbuuniyaan colaada iyo kala fogaanshaha umadda soomaaliyeed iyagoo marka hore isku dirdira/kicin dadka soomaaliyeed waxaana ugu dambeeyey shaqsiyaadka maanta soomaaliya looga yaqaano (fiiri halkan… Qab-qablayaasha dagaal

picture-1197.jpg

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s