COLAAD, ABAARO IYO SICIR-BARAR.

picture-501.jpg

Maanta waxaa xaqiiq ah dadka soomaaliyeed inay ku habsadeen dhibaatooyin farabadan mid rabaani iyo mid kaleba, abaar, cuduro, colaad aan dhamaan. Arinta ugu daran waa nabadgelyo la’aanta  ka jirta dalka, waxyeelada ugu wayn ay  inta badan soo gaarto shacab soomaaliyeed iyo maati aan waxba galabsan, cadowga dalka ku soo duulay ee xabashaha iyo dambiilayaasha dagaalka dagaalka ay ka wadaan caasimada dalka ee Muqdisho ayana ugu daran taasoo ay guryahoodii ka qixiyeen ilaa hal malyuum oo shacab soomaaliyeed ah. dadkaas oo daadsan daafaha Magaalada oo ay ku heysato darxumo aad u badan, sida biyo, cuno iyo guri la’aan waxaana laga horjoogsadey hay’aadkii samafalka inay wax caawimo ah la gaaraan dadkaa tabaaleysan, arintaa waxaa wada cadowga xabashiga ee ku soo duulay dalka isagoo doonayao inuu ku baabi’iyo gaajo  dadka soomaaliyeed.

 v-p-so-e-00079_z_jpg.jpg

 Midda kale, sanadkii tagay ee 2007, waxaa aad u yaraa roobabkii dayrta dhamaan gayiga soomaaliya taasoo keentay in ay dad soomaaliyeed oo u badan reer guuraa ay soo food saarto biyo iyo baad la’aan aad u fara badan. Dadku waxay u socdaalayaan meel kastoo ay u maleynayaan in ay ka heli karaan nolol iyo badbaado .

 Qab-qablayaasha dagaalka ma aha keliya inay dadka xabashi ku soo hogaamiyeen ee waxa kale oo ay qas iyo jahwareerin ku hayaan nidaamka dhaqaalaha ee intuu wadanku iska burbursanaa iska caga-jiidayey. Iyagoo ka faa’iideysanaya cadowga maanta u aqoonsadey dagaal=oogayaasha dowlad loo dhan yahay ayey ku dhaqaaqeen inay warshado lacagta macmalka ah lagu sameeyo dalka keensadaan, taasoo keentey in dhamaan maciishadii quutal daruuriga ay cirka isku shareerto

sicir-barar.jpg

Gunaanad. DADKA SOOMAALIYEEDOOW ha la duceysto si dhibtaan Alle inooga qaado

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s