XABASHKA YAA KEENAY XAMAR/DALKA?

(Sawirkan oo muujinaya dhiigyacab Gabre iyo askar xabasho ah oo isugu bogaadinaya sida ay dadka iyo dalka soomaaliya u halaageen una bara-kiciyeen illaa hal malyuun oo u badan maati iyo shacab soomaaliyeed ee ku noollaa Muqdisho caasimada dalka iyo gobolka soomaali- galbeed ee ay gumeystaan! )

dhiigyacab-gabre.jpg
Maalmahaan dambe dadka soomaaliyeed dhexdooda su’aasha ama arinta  xasaasiga ah ee ugu wayn ayaa noqotay.
 
question1.jpgWaa su’aal da’ waynee maddaxa daalinaysee
 YAA KEENAY XABASHKA XAMAR/DHULKA HOOYO ?Waxaad moodaa in ummadda soomaaliyeed ay ku kala qaybsan yihiin su’aashaa,dadka qaarbaa leh,reer hebel ayaa xabashida noo keenay iyo qaar iyaguna ku andacoonaya annagaa keenay Xabashaha oo waa ay na caawinayaan(qaar dadka waaba ku qafiifeen oo waxay gaareen heer yiraahdaan “war amxaarku waa walaalkeen”waa arin yaab leh runtii!qof u yimid dhulkaagii inuu ku duudsiyo oo aad leedahay waa walaalkey.      

Diidnayee OGOOW dalkayaga SHABASHKA  doonaayayoow inuu duudsiyo raboow   anagu diidnaye Ogoow..

 

picture-819.jpgOraah soomaaliyeed ayaa leh”Ninkii waxa joogga garan waaya ,waxa soo socdana ma garto”maanta runtii ayaa cadaatey oo waxay tahay inay Xabashadu iskood u yimaadeen dalka soomaaliya ee ayan qof soomaali ah amarkiisa ku soo duulin ama anaa keensadey dheh ama reer hebel ayaa keenay dheh,ujeeda-dooduna waa si ay u cirib tiraan dadka soomaaliyeed oo ay markaa u duudsiyaan  dhulka hooyo ,waa sidda ay la tahay ?Gardaradda xabashuhu ugu soo duulay dalka soomaaliya macnaheedu ma aha inay guul ka gaari doonaan ee waxaa hubaal ah in ay guuldaro kaga cariri doonaan dhulka hooyo laakiin waxay u muuqata in ay waqti ,naf iyo maalba uga lumi doonto dadka soomaaliyeed.

Maxaa la gudboon dadka soomaaliyeed maanta ?jawaabta waa in ay dadka soomaaliyeed ka gudbaan oo ay ka digtoonaadaan QABYAALADDA macna darada ah ee dad yar oo Jaahiliin ah ay ku kala qeybiyeen shacabkii soomaaliyeed ,waa in dadka soomaaliyeed ay Waqooyi illaa koonfur iyo galbeedba iskuduubni la yimaadaan si ay maanta uga badbaadaan hallaaga iyo cadowtinimada  ay la damacsan yihiin qowlaysatadda ama gumeystaha ee sida waxashnimada ah ugu soo duulay dadkii iyo dalkii soomaaliyeed markay ogaadeen inay maanta ka taallo oo ay liitaan .Qofkastoo soomaali ah waa inuu marka hore la yimaado niyad iyo rajo wanaagsan oo u qabo dhulkiisa hooyo ,oo qofku haddii aanu waxba aqoon ama uu rajo beel yahay yaanu dadka soomaaliyeed niyada ka dilin “arintaa oo ayaamahaan aad u badan “laakiin qofku yaanu hadlin waa la hadlaa Fadlan…Haddii aadan waxba garaneynin iska aamus oo dadka soomaaliyeed ha ku  dhihin waa u dhamaatay dalkii hooyo  iyo waxla mid ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s