NABADA YAA DIIDAN ?

]MUQDISHO Soomaaliya. sida aan u warheyno dalka soomaaliya waxaa ku soo duulay ciidamo ay leedahay dowlada dariska ah ee loo yaqaano Eithopia ama Amxaaro kuwaas oo uu soo kireystay dalka mareykanka barnaamijka loo yaqaano la dagaalanka argagixisada, Waxaa hubaal ah inaaney soomaaliya joogin dadka uu mareykanku u yanaano argagixiso laakiin waxaad moodaa mar-marka qaar in dagaalkani yahay mid lagu dhibaateeyo dhamaan dadyowga Muslimka ah ee aan is difaaca laheyn sida soomaaliya, Afgaanistaan, falastiin iyo ciraaq.

Soomaaliya maanta waxaa loo qaybiyey gobolo yar yar oo dhamaantood korka ka xukunto xukuumadda amxaarada, waxaana keenay arintan kala daadsanaanta iyo naceybka qabiilka ee ay dadka soomaaliyeed ku abuureed dagaal-oogayaasha qabiilka. dambiilayaasha dagaalku waxay si toos ugu xiran/xirnaayeen waligoodba dowlada cadowga ah ee amxaarada. 2006 markii looga awood roonaaday magaala madaxda dalka ee Muqdishu ee uu dhamaan lahaa waqtigii ay soomaalida ka lumiyeen ayaa waxaa soo bedelay amxaaradii ay awalba u shaqeyn jireen, waana ka dheregsanahay dambiga ay ka wadaan dadlka hooyo iyo sida waxashnimada ay dadka iyo shacabka soomaaliyeed ula dhaqmayaan ilaa maanta.

Soomaalida dhamaanteed nabad iyo horumar way rabaan laakiin maanta waxaa cadaatey in aan loo ogoleyn inay nabad iyo dowladnimo dambe helaan,  waxaana arintaa isku raacsan gumeystayaasha caalamka wali ka jira kuwaas oo maanta adeegsanaya ciidamada amxaaradda iyo qab-qablayaasha dagaalka, kaabaqabiilada, iyo dadkaloo waxmagarato ah.

Aduunku maanta wuxuu ku jiraa xilli aad iyo aad u xun, oo la caadeystay in dulmi iyo weeraro aan loo meel dayin lagu halaagayo dadyoowga aad awooda laheyn meelkastoo dunida ka mid ah. marka waxaan ku soo gaba-gabeynayaa alloow maaanta soomaali ka bixi masiibadaan ku habsatey. AAMIIN.

2 thoughts on “NABADA YAA DIIDAN ?

  1. Jaamac

    Waa sidaas arintu, Amxaarada xunta ah ee aan quursano ayaa maanta noo talisay !! waa arin la’yaab leh runtii..

  2. hassan asad

    WAXAA QORAY FAALADAAN QORAHA SOOMAALIYEED EE SULDAAN HASSAN AXME LA BAXAY

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s