QARAMADA MIDOOBAY IYO XALKA SOOMAALIYA.

 

Wakiilka Qaramadda Midoobey.

 

 

 

 

 

Mag.Djabuiti taariikh 5.12.08 waxaa dhawaan ka furmay Dalka Djabuuti shir lagu dhex-dhexaadinayo qaybaha kala fikirka ah ee isku haysta siyaasadda Dalka Soomaaliya. Shirkan oo uu soo diyaariyey iskuna taxluujiyey Axmadu oo ah u qaybsanaha (UN)ka/Qaramada Midoobey arimaha Dalka Soomaaliya, shirkan waxaa lagu wadaa inay isugu imaadaan oo lagu dhex-dhexaadiyo hadda laba koox, laakiin waxay shacabka soomaaliyeed inta badan iswaydiinayaan. UNku xal ma u keeni karaa dalka soomaaliya madaama ay kalhore ku guul dareysatey ayna muddo 15 sanno faraha kula jirteen arimaha dalka, maxay uga hadli la’dahay joogitaanka  tacadiga iyo xasuuqa leh ee ay ciidanka  Xabashida ka wadaan dalka soomaaliya ?.

UNka waxaa iska  cad inay  INDHAHA KA MEER-MEERINAYSO  dhibaatada lagu hayo shacabka soomaalyeed. Waxaa isweydiin leh dadka soomaaliyeed saw kama tirsana Bani’aadamka xaquuqda leh ?. Qaramadda Midoobay waxay ku soo gaabsatey hadalo aad u jilicsan taasoo ay cadeyn u tahay kulan looga hadlayey arimaha soomaaliya oo uu ka qayb galay Axmadu Mag. Washington isagoo si bareer ah isaga indha tirey dhibaatooyinka ay xabashidu ka wadaan dalka soomaaliya. In badanoo kamida ah shacabka soomaaliyeed waxay u arkaan inay UNtu mas’uul ka tahay joogitaanka iyo hagardaamooyinka ka socda Dalka soomaaliya, UNtu waxay taageero dhaqaale siisaa kooxdan qabbalayaasha ah, waxayna u aqoonsan tahay inay yihiin Dowlad sharxci ah , Kooxdan Qab-qablayaasha dagaa!! Waana koox danno shisheeye wada, maqaarsaarna u ah Taliska Jabhada tigreega Addis-abbaba.

Kooxaha shirka la isugu keenay waxaa ay kala yihiin ama loo kala saari karaa sidan:-

(TFG) ama Kooxda Emphegati ee lagu soo dhisay Dalka Kenya, Kooxdaan oo aan taageero badan ka haysan shacabka Soomaaliyeed oo u arka in ay yihiin Qab-qablayaashii dadkaba baabi’iyey, taas waxaa ka sii daran in ay Kooxdani tahay qaa’inu wadaniyiin gacan ku sameys ama maqaar-saar u ah Taliska Addis-ababa, Taliska Jabhada Tigreega oo ah cadow soo jireen ah waxay maanta haystaan fursad lagu garab taagan yahay oo ay doonayaan inay ku xasuuqaan Ummadda Soomaaliyeed, taasoo si cad loo arkay mudadii ay joogeen Dalka iyo falalkii arxan darada ahaa ee ay kula kaceen shacabka soomaaliyeed , qaas ahaan shacabka ku nool Caasimadda Dalka ee Muqdisho oo loo gaystey  barakicin, xasuuqa Culima’Udiinka, caruurta/haweenka oo ay faraxumeyn baaxad leh kula kaceen.

Kooxda Emphagetti ama (TFG) oo maanta aan laheyn awood ciidan iyo mid siyaasadeed ayaa waxaa hubaal ah in ay aanay wax tallo ka go’daa aaney jirin oo ay yihiin qaar mar walba Ajandaha cadowga xabashida, mana dhici karto inay la heshiiyaan dadkooda, maxaa yeelay waa shaqsiyaad dambiilayaal ah waxayna ka baqayaan in Maxkamad la soo taago haddii dalku nidaam dowli ah yeesho.

Kooxda labaad oo ah Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta oo uu hor kacayo Sh/Shariif Sh/Axmed oo ah nin aad loogu xasuusto lixdii bilood ee ay Maxkamadaha Islaamku ka talinayeen Koonfurta Soomaaliya oo runtii ahayd waqti lagu xasuusto nabadgelyo iyo nidaamkii ijtimaaciga oo dib u soo laabatay.

Kooxdan Isbaheysiga oo isugu jira Kooxo kala aragti duwan oo kala ah Koox ka tirsanaan jirey Ururkii Maxaakiinta Islaamka oo iyaguna u sii kala baxa MAXAAKIIMTA iyo URURKA Al-shabaab oo ah awooda ciidan ee ay lahaayeen Ururkii Maxaakiimta, Al-shabaab waxay qabaan in ay wax heshiis aanu suurto gal ahayn inta ay Ciidanka cadowga Xabashidu dalka joogaan, iyo waliba Dalka Soomaaliya lagu xukumo shareecadda Islaamka, oo haddii la waayo taa ay dagaalka sii wadi doonaan.

Kooxda labaad waa Wadaniyiin, Aqoonyahano xagga Maadiga iyo shaqsiyaad ka soo baxsadey (TFG) ama kooxda Emphegatti lagu soo dhisay, kooxdani waxay qabaan aragti ka bedelan midda Al-shabaab iyo Maxaakiimta waxayna aaminsan yihiin in Dalka ay adag tahay in Shareecada lagu xukumo, Taas oo ay sabab uga dhigayaan in wacyiga aduunka ka jira maanta aanay suuro gal ahayn, ayna jirto dagaal adag oo lagu hayo dadka Muslimiinta ah guud ahaan sida Ciraaq iyo afganistaan iyo meel kale oo fara badan.

Inkastoo Maxaakiimta iyo Isbaheysiga ay yihiin rajada ama wadada ugu wanaagsan ee ay Ummadda soomaaliyeed nabad iyo Dowladnimo ku gaari karaan hadana waxaa jira ay soo baxeyso qilaaf inkastoo ay guulo badan oo xagga ciidanka soo hooyeen bilihii la soo dhaafey. Midda qilaafka oo inta badan la oran karo waa iyadoo ay Ururka Al-shabaab ay aanay aaminsaneyn geedi socodka siyaasadeed iyagoo u arka inay Xaqqa ku taagan yihiin, oo aan loo baahneyn xeela-deysi iyo macaamilka shacabka soomaaliyeed gaar ahaan iyo midka dunidda ahba. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa leh “Markaan tallo hayeyna tabar ma heyn” taasoo aan ula jeedo Siyaasiyiinta uu ka mid yahay Sh/Shariif maanta waxba gacanta uguma jiraan oo waxaa Awoodda dhabta leh ururka Al-shabaab oo aan laheyn hadaf siyaasadeed ama aan aaminsaneyn geedi socodka siyaasadeed. waxaana hubaal ah inay adag tahay in wax guul ah la gaaro inta la isku xoog sheeganayo oo uu xaalku yahay anaa xoog leh.  

GUNAANADKA .Shacabka Soomaaliyeed oo maanta maraya xaaladii ugu xumeyd ee soo marta taariikhdooda kama qabaan rajo wayn inuu shirkani miro dhal noqdo, maxaa yeelay waxay u eg tahay shimbirayahoow heeso, waayo arinta ugu culus ama dhibta ugu daran ee ummadda soomaaliyeed haysata oo ah Ciidanka cadowga xabashida taas ay si bareer ah isaga indho tirayaan dhamaan dowladaha awooda leh sida UN, AU, AL iyo USA oo ah xoogga ka dambeeya ama dhaqaalaha iyo taageerada la dhimac taagan cadowga, waxayna ku qaraabtaan inay la dagaalamayaan argagixiso, laakiin waxaa xaqiiq ah inay iyagu yihiin argagixiso arxanlaawayaal ah,  Aragtidoodu waxay ku saleysan tahay aragtidii Xayawaanka (Animal Kingdom) ee ahayd ninkii xoog leh ayaa xaq leh. Laakiin shacabka soomaaliyeed ee iska jilicsan/dhibaateysan maanta ay rajo wayn ka qabaan Allaha awooda badan in maruun laga bixi doono dhibtaan la doonayo in  dadka soomaaliyeed lagu cirib-tiro.  

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s