AQRI XEERKA ISBAHEYSIGA XOREYNTA SOOMAALIYA.

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED

XEERKA ISBAHAYSIGA

Horudhac

Soomaaliya 20kii sano ee la soo dhaafay waxay ku jirtay colaad iyo dagaallo sokeeye oo aafeeyey ummadda, saameeyeyna nolosha bulshadda. Dadkii waxaa loo diiday nabadgelyo iyo nolol, waxaana laga hor istaagay in ay aayahooda ka tashadaan. Wadankii wuxuu u kala googo’ay maamul goboleedyo iyo qaybo gacanta u galay hogaamiye kooxeedyo naxariis laawayaal ah. Inkastoo dalku dowlad la’aan ahaa, misna marna halis ma gelin qaranimadii iyo madaxbanaanidii ummadda Soomaaliyeed.
Duulaanka qaawan ee dowlada Itoobiya ay ku qabsatay Soomaaliya wuxuu khilaaf sanyahay dhammaan sharciyada caalamiga ah wuxuuna xadgudub ku yahay go’aanadii Golaha Amaanka.
Duulaankani oo ku xadgudbay madaxbanaanidii iyo qaranimadii Ummadda Soomaaliyeed waxaa dalka kusoo hogaamiyey hogaamiyey kooxeedyo ay dowladda Itoobiya u yagleeshay wadanka kuna sheegtay in ay dowlad Soomaaliyeed tahay. Duulaanka dawladda Itoobiya wuxuu gaystay, dil, dhac, barakac, boob iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka. Shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan waxey arrinkan ka bixiyeen jawaab, waxayna ka mideysan yihiin in la sameeyo xoog heer qaran ah iyadoo xooggaga kala duwan ee bulshadda ay isku raaceen in ay mideeyaan maalka, maskaxda iyo muruqa Ummadda Soomaaliyeed si cadowga dalka looga xoreeyo, islamarkaana, Beesha Caalamka laga dhaadhiciyo qadiyada Ummadda Soomaliyeed ee dulman.
Waxaa la aasaasay isbahaysiga lamagac baxay Isbahaysi dib u Xoraynta Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 13/09/2007

Qeybta 1 Mabaadii’da iyo Ujeedooyinka Isbaheysiga

QODOBKA 1aad: Magaca iyo qeexidda Isbaheysiga

  1. Magaca Isbaheysigu waa Isbahaysiga Dib u Xoraynta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
  2. Isbaheysiga Dib u Xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxaa isku baheystey oo uu ka koobanyahay:

b) Barlamaanka Xorta Ah,
t) Golaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed,
j) Qurbajoogta Soomaaliyed,
x) Bulshada Rayidka ah
kh) iyo xubno Soomaalida dhexdeeda magac ku leh,

kuwaasoo isku raacay in ay isu geeyaan awooddooda maskaxeed, dhaqaale, ciidan, siyaasadeed iyo waxkasta oo karaankooda ah si ay marka hore dalka uga xoreeyaan cadowga Itoobiya oo kaashanayay quwado shisheeye ee sida sharci darada ah ku qabsaday dalka, kadibna ugu sammeeyaan dowlad caadil ah oo u adeegta dadka,diinta iyo dalka Soomaaliyeed.

QODOBKA 2aad Shicaarka ama Astaanta Isbaheysiga.
Maro buluug ah oo dhexda ku leh xiddig cad iyo laba waran oo is dhaafsan oo salkooda kitaab kala furan saran yahay. Waxaana ku wareegsan labo laamood oo qumba ah oo salkoodu is dhaafsan yahay baarkooduna isku soo dhaw yahay.

QODOBKA: 3aad Xarunta Isbaheysiga
Xarunta Isbaheysigu waa Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, wuxuuna laamo ka furanayaa gobollada dalka iyo dibadiisa.

QODOBKA. 4aad Luqada Isbaheysiga
Luqadda rasmiga ah ee isbaheysigu waa af-Soomaali iyo Carabi, iyadoo afafka kalena loo adeegsan doono hadba baahida loo qabo.

QODOBKA. 5aad Aragtida Isbaheysiga
Dib u dhiska Mujtamac Soomaaliyeed oo ka madaxbannaan qabyaaladda, lehna wacyi iyo garaad qarameed oo ku filan, garanaya waajibaadkiisa iyo xuquuqdiisa, kuna noolaada gobanimo buuxda, nabadgelyo, cadaalad iyo sinnaan.

QODOBKA. 6aad Ujeedooyinka Isbaheysiga
Dib u xoreynta dalka iyo dib u heshiisiin dhab ah oo u danaynaysa shacbiga soomaaliyeed, in la sugo nabadgelyada muwaadinka Soomaaliyeed, baaritaana lagu sameeyo danbiyadii laga galay ummadda, in sidoo kale wax loo qabto dadkii lagu barakiciyey duulaankii cadowga, isla markaasna loo dhiso dowlad u soo celisa shacabka Soomaaliyeed gobanimadiisa la lumiyey, taasoo dhowri doonto caqiidadiisa islaamiga ah, taariikhdiisa soo jireenka ah, dhaqankiisa suubban iyo hantida guud iyo tan gaarka ahba.

QODOBKA. 7aad Sida Isbaheysigu ku Gaarayo Ujeeddooyinkiisa
Fulinta iyo meel-marinta ujeedooyinka Isbahaysiga waxaa loo marayaa arrimaha hoos ku qoran:

  1. Xoojinta muqaawamada iyo la dagalaanka cadowga si looga xoreeyo dalka.
  2. Mideynta maskaxda, muruqa iyo maalka shacabaka Soomaaliyeed si meel looga soo wada jeesto cadowga dalka Soomaaliyeed xoogga ku haysta.
  3. Wacyigelinta bulshadda, iyadoo laga faa’iidaysanayo aqoonyahanka, culimada, suugaanleeyda, iyo dadkeena khibradda cilmi iyo hogaaminba leh.
  4. Soo bandhigidda dhibaatooyinka iyo tacadiyada uu geysanayo gumeystaha iyo kuwa la shaqeeya.
  5. Wadahadallo nabadeed oo dhab ah in la galo si loo xalliyo dhibaatooyinka soo gaaray ummadda Soomaaliyeed iyadoo loo maraayo dhabo sax ah.
  6. Furida Xafiisyo iyo xarumo laga fidiyo siyaasadda Isbaheysiga, isla markaana loogu sharaxo qaddiyadda Shacabka soomaaliyeed ee dulman beesha caalamka, saaxiibadda Soomaaliya iyo inta nabadda jecel.

QODOBKA. 8aad Mabaadii’da Isbaheysiga

  1. Ku dhaqanka shareecadda Islaamka.
  2. In Midnimada, xoriyada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee ummadda Soomaliyed ay tahay lama taabtaan.
  3. In cadowga wadanka haysta laga saaro iyadoo loo marayo wada kasta oo suura gal ah.
  4. In xalka Soomaalidu uu ku jiro in Soomaalida loo madax banneeyo arrimaheeda, lagana fogeeyo faragelinta shisheeye.
  5. In la ilaaliyo dhaqanka Islaamka ee suuban ee Soomaalida.
  6. Isbahaysigu wuxuu aaminsan yahay mabda’ah deris wanaagga, is-xurmeynta iyo xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalalka deriska ah iyo caalamka intiisa kale.
  7. Isbahaysigu wuxuu kasoo horjeedaa gumeysiga nooc kasta oo uu yahay, sidoo kale waxa uu diidan yahay xasuuqa, barakicinta iyo baabi’inta hantida shacabka Soomaaliyeed.
  8. Isbahaysigu wuxuu aaminsanyahay hirgelinta mabda’ sinaan, cadaalad iyo wadaninimo wada gaarta shacabka Soomaaliyeed.
  9. Xuriyaadka asaasiga ah waa xaq uu muwaadin kasta leeyahay mar haddii uusan ka hor imaanaynin shareecada islaamka.
  10. Dib u dhiska dalka horumarintiisa, & abuuridda fursado shaqo oo daboola baahida shacabka uu u qabo arrimaha noocaan ah iyo u howlgelidda dowlad wanaag iyo xukun caadil ah.
  11. Daryeelka maatada dhibku ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo waxyeelada Cadowga dalka iyo dadkaba ku soo duulay.

Qeybta 2: Xubinnimadda

QODOBKA. 9aad Shuruudaha Xubinnimada Isbaheysiga

  1. Waa in uu yahay Soomaali qaan gaar ah, una diyaar ah ka qayb qaadashada xaqiijinta ahdaafta isbahaysiga.
  2. Waa in uu yahay ruux leh hufnaan kuna qanacsan mabaadi’da isbahaysiga iyo ujeedooyinkiisa una hogaansama nidaamkiisa iyo xeerarkiisa.
  3. Waa in uu yahay qof u diyaar ah in uu naftiisa iyo maalkiisa u huro difaaca diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa.
  4. Waa in uu u soo gudbiyo codsi maamulka Isbaheysiga goobta uu markaa degan yahay kuna soo lifaaqo caddeyn ku saabsan taariikh nololeedkiisa, islamarkaana ay soo gudbiyaan laba oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga helaanna ogolaashaha maamulka deegaankiisa.
  5. Waa in uusan khatar galinayn diinta iyo dalka isla markaasna bixiyaa lacagta xubinnimada.

QODOBKA. 10 aad Waayidda Xubinnimada

  1. Inuu ka maqnaado saddex kulan oo is xigta cudurdaar la’aan qaybta uu ka tirsan yahay.
  2. Inuu iskiis isku casilo.
  3. In ay sugnaato in uu la yimaado xadgudub iyo dhaqan xumo aan ku banaanayn shareecada islaamka ama aan la socon karin ahdaafta iyo mabaadii’da isbahaysiga waxaana u furan maamulka in uu kala laabto xubinnimada haddii ay isku raacaan kalabar lagu daray hal ama 50 + 1(cod hal dheeri ah).
  4. In uu bixin waayo qaaraanka xubinnimada ururka.
  5. Ka mid noqosho isbahaysi leh ujeedooyin ka soo horjeeda kuwa isbahaysiga

Qeybta 3 Qaab dhismeedka Isbaheysiga

QODOBKA. 11aad Hay’adaha Isbaheysigu Waxay ka Kooban Yihiin

  1. Shirweyne
  2. Golaha dhexe ee Isbahaysiga
  3. Golaha Fullinta

QODOBKA. 12aad Shirweynaha iyo shaqadiisa
Shirweynuhu waa ergadda ka qeyb gasho shirka la isugu yeero dhammaan xubnaha Isbaheysiga ka kooban yahay sida midka hadda ka dhacay Asmara, Eriterea, September 6-14, 2007, wuxuuna qabanayaa:

  1. Ansixinta barnaamijka siyaasadeed iyo xeerka isbaheysiga.
  2. Ansixinta xubnaha golaha dhexe ee Isbaheysiga
  3. Marka ay dhamaato mudada uu shaqaynayo golaha dhexe oo ku siman 3 sano (13/09/2010), waxaa la isugu yeerayaa shirweyne ama kal fadhi lagu dooranayo Gole Dhexe.

QODOBKA. 13aad Golaha Dhexe ee Isbaheysiga

  1. Waa hay’adda ugu saraysa awood ahaan oo leh qaadashadda go’aamada masiiriga ah iyadoo maraysa qaabka loogu talagalay go’aan qaadashada.
  2. Wuxuu ka kooban yahay 191 xubnood oo uu ansixiyey shirweynuhu.
  3. Mudada golaha dhexe waa saddex sano laga bilaabo maalinta ay yeeshaan kal fadhiga ugu horeeya (14/09/2007).

QODOBKA. 14 aad Xulashada Golaha Dhexe Isbaheysiga

  1. Xubnaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga oo ay tiradoodu tahay 191 waxaa laga soo xulayaa ergada shirka iyo dad ka baxsan ergadda intaba, kadib waxaa lasoo hordhigayaa shirwaynaha isaga ayaana ansixinaya.
  2. Hadii Shirwaynuhu wada diido dhammaan xubnaha la soo xulay ama in kabadan 50% waxaa lagu laabanayaa xulashadii mar kale.
  3. Haddiise Murashaxiinta la diiday ay ka yaryihiin 50% waxaa lagu laabanayaa intii la diiday.
  4. Murashaxiinta la diiday waa lagu soo celin karaa mar labaad qaarkood ama dhammaantood hadiise mar labaad la diido laguma soo celin karo mar seddexaad oo waxaa lasoo xulayaa xubno cusub ilaa iyo inta laga buuxinayo tiradda xubnaha Golaha Dhexe.
  5. Xubnaha loo soo xulo Golaha Dhexe ee isbahaysiga waxaa loo soo bandhigayaa toban toban musharax, waxay u dhacaysaa doorashada hab gacan taag ah iyadoo xubintii dood ka timaado si gaar ah loogu codaynaayo, hadii xubintaasi aqlabiyad waydo dib ayaa loo dhigayaa.

QODOBKA. 15aad Qaab dhismeedka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga

  1. Golaha dhexe wuxuu yeelanayaa qaab dhismeedkan hoos ku qoran.
  • Gudoomiyaha Golaha Dhexe
  • Guddoomiye Xigeenka Golaha Dhexe
  • Iyo todobo Guddi Joogta ah iyadoo la kordhin karo markii ay timaado baahi loo qabo iyadoo laga ansixinaayo Golaha Dhexe ee Isbaheysiga. Waxay kala yihiin gudiyadaasi sida hoos ku qoran:-

    b) Guddiga taakuleynta difaaca
    t) Guddiga garsoorka iyo anshaxa
    j) Guddiga warfaafinta iyo wacyigelinta
    x) Guddiga arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah
    kh) Guddiga maaliyada iyo dhaqaalaha
    d) Guddiga Arrimaha Bulshada
    r) Guddiga Waxbarsahada, Cilmi Basarista iyo teknolojiyada

QODOBKA. 16aad Masuuliyadda & Waajibaadka
Golaha Dhexe ee sbaheysiga

  1. Doorashadda gudoomiyaha Golaha Dhexe
  2. Ansixenta Guddi hoosaadyada xeerka ku xusan
  3. Diyaarinta xeer hoosaad u gaar ah
  4. Ansixinta miisaaniyad sanadeedka uu Golaha Fulinta soo gudbiyo, iyadoo qarash kasta oo ka baxsan miisaaniyadii horay loo ansixiyey Golaha la horkeenayo inta aanan la bixin, sidoo kale wuxuu ansinayaa xisaab xerka sannadka
  5. Ansixinta xeer hoosaadyadda iyo qorshe howleedka gudiyada Golaha Dhexe.
  6. Dabagalka iyo la xisaabtanka Guddiga fulinta, isagoo Guddiga Fulinta ugu yeeri karo kulamadiisa si ay uga jawaabaan ama cadayn uga bixiyaan su’aalo xilalkooda khuseeyo.
  7. Ansixinta heshiisyada caalamiga ah ee uu soo galo golaha fulinta.

QODOBKA. 17aad Fadhiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga iyo Go’aan Qaadashadda

  1. Golaha wuxuu kulmayaa sannadkiiba labo jeer haddii aysan jirin sababo keenaya in wax kabadan la qabto.
  2. Kalfadhiga aan caadiga ahayn waxaa isugu yeeri karo:
    b) Gudoomiyaha Golaha Dhexe
    t) Guddoomiyaha Golaha Isbahaysiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Fullinta oo wayddisanaayo in uu u kulmiyo Golaha Dhexe shirka aan caadiga ahayn
    j) Iyo saddex meelood meel xubnaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga (1/3 )
  3. Kalfadhiga Golaha Dhexe waxa uu ku guntami karaa:
    b) marka ay soo xaadiraan 2/3,
    t) hadii aqlabiyadda la waayo, waxaa lagu baaqayaa kulan kale kaasoo ku ansaxaya kala bar lagu daray hal 95+1 xubnaha Golaha,
    j) kalfadhiga kale waxaa loo mudeynayaa ama loo qabanayaa muddo 15 casho.
  4. Inta u dhaxeysa labada kal fadhi Guddiga Joogtada iyo Guddiga Fullinta waxey sii wadayaan howlaha xafiisyadooda.
  5. Fadhiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga waxaa gudoominaya guddoomiyaha Golaha Dhexe.
  6. Go’aanada masiiriga ah waxa uu goluhu ku qaadanayaa marka ay isku raacaan saddex meelood laba xubnaha golaha (2/3), halka go’aanada aan masiiriga ahayn uu Golahu ku qaadanayo cod hal dheeri ah, (go’aannada masiiriga ah waxaa lagu faahfaahinayaa xeer hoosaadka isbahaysiga).
  7. Xubin kasta oo golaha ka mid ah waxa uu xaq u leeyahay hal cod, mar haddii uu codkiisa bixiyana xaq uma laha inuu codkii uu bixiyey ka noqdo.
  8. Golaha Dhexe wuxuu go’aan ka gaarayaa go’aamada masiiriga ah ee Ummadda.

QODOBKA. 18aad Doorashada Guddoomiyaha
Golaha Dhexe ee Isbaheysiga.

  1. Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga waxaa soo dooranaya shirweynaha Isbaheysiga.
  2. Fadhiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga waxaa si ku meel gaar ah u gudoominaya xubinta ugu da’da wayn Golaha wuxuuna xilka haynayaa ilaa laga doorto gudoomiye.
  3. Waa in qofka la rashaxayo ugu yaraan 10 qof oo golaha dhexe ku jiraa ay soo rashaxaan. Xilka ay u rashaxayaan ay ku caddeeyaan qoraal.
  4. Gudiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga waxaa magacaabaya gudoomiyaha golaha dhexe isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa waxaana laga ansixinayaa golaha dhexe ee Isbaheysiga iyadoo la raacayo cod hal dheeri ah xubnaha fadhiya.
  5. Guddi walba wuxuu dhexdiisa iska dooranayaa kuxigeen iyo xoghaye.

QODOBKA. 19aad Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga

  1. Wuxuu gudoomiyaa fadhiayada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
  2. Wuxuu soo rashaxayaa guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe, kana ansixinayaa Golaha Dhexe cod hal dheeri ah.
  3. Wuxuu magacabaa gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Golaha Dhexe markuu la tashado ku xigeenkiisa.
  4. Wuxuu si toos ah u maamula dhammaan howlaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
  5. Guddoomiyaha waxaa xilkiisa si kumeel gaar ah u sii hayn kara G/kuxigeenka.

QODOBKA . 20aad Xilka iyo Waajibaadka Ku xigeenka gudoomiyaha Golaha Dhexe.

  1. Waa hogaamiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga markuu gudoomiyuhu maqanyahay.
  2. Hadii jagadiisu banaanaato gudoomiyaha, waxaa howsha sii wadaya ku xigeenkiisa waxaana lagu dooranayaa gudoomiye mudo 45 cisho gudaheed ah.

QODOBKA. 21aad Xilwaayidda Guddoomiyaha Golaha Dhexe.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga wuxuu xilkiisa ku weyn karaa sababaha soo socda:-

  1. Geeri ama caafimaad xumo oo u diideysa inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan guddi daqaatiir la aqoonsanyahay.
  2. Is casilid qoraal ah oo ay ansixiyeen 2/3 golaxa dhexe ee Isbaheysiga ah.
  3. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaareysa muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
  4. Xilgudasho la’aan joogto ah oo ay ku caddeyaan 2/3 golaha dhexe ee isbaheysiga.
  5. Khiyaano qaran iyo khilaaf axdiga Isbaheysiga, taasoo ay ku cadeeyaan 2/3 oo Golaha Dhexe.

QODOBKA. 22aad Xilwaayidda Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Dhexe
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Isbaheysigu wuxuu xilkiisa ku waayi karaa sababah soo socda:-

  1. Geeri ama caafimaad xumo oo u diideysa inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan guddi takhaatiir la aqoonsan yahay.
  2. Is casilid qoraal ah oo uu ansixiyey guddomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga iyo 2/3 xubnaha Golaha Dhexe Isbahaysiga.
  3. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaareysa muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
  4. Xil gudasho la’aan joogto ah oo ay ku caddeeyaan guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga iyo 50+1 Xubnaha Golaha Fadhiya ee golaha dhexe ee Isbaheysiga ah.
  5. Khiyaano qaran iyo wixii khilaafsan axdiga Isbaheysiga taasoo ay ku caddeeyaan guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga iyo 2/3 Golaha Dhexe.

QODOBKA 23aad Xilalka iyo Waajibaadka Guddi hoosaadyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga

B – Gudiga taakulaynta iyo difaaca (Muqaawamada)

  1. Ka shaqaynta qaabka ugu haboon oo dalka looga saari karo cadowga ku soo duulay.
  2. Diyaarinta daraasad ku aadan casriyaynta tabaha cadowga lagula dagaalamo, iyadoo uu daraasaadkaas u gudbinayo Golaha Dhexe ama cidda ay khusayso
  3. Soo gudbinta talo, la xiriirta baadigoobka iyo helitaanka aaladaha ugu waxtarka badan ee cadowga lagu halakayn (gumaadi) karo.
  4. Soo gudbinta daraasad la xariira sidii Muqaawamadda dalka oo idil loogu baahin lahaa.
  5. Hubinta iyo dabagalka in daryeelkii loo qoondeeyey uu gaaray dadkii ku tabaaloobay halganka.
  6. In la sameeyo maxkamad milatery si loo xakameeyo akhlaaqiyaadka ciidanka.

T- Gudiga Garsoorka iyo Anshaxa

  1. Wax ka qabashada xadgudubyada iyo gafafka ka dhex dhaca isbaheysiga dhexdiisa.
  2. Wuxuu talo soojeedin ka sameeyaa hadii loo baahdo xeer cusub ama wax ka badelidda xeerarkii hore u jiray ee isbaheysiga.
  3. Wuxuu eegayaa khilaafaadka soo kala dhexgala hay’adaha kala duwan ee Isbaheysiga iyo wixii kale ee looga mmarmi waayo.

J- Gudiga Warfaafinta iyo Wacyigelinta

  1. Wuxuu talo kasoo jeedinayaa hawlaha warfaafinta iyo wacyigelinta
  2. Wuxuu dabagal ku sameynayaa hawlaha waxqabad ee xafiiska warfaafinta iyo wacyigelinta.
  3. Wuxuu habeeyaa tafaftiraana wararka saxaafadeed ee Golaha Dhexe ee Isbaheysiga kasoo baxa.

X- Gudiga Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah

  1. Wuxuu u kuurgelayaa hawlaha xafiiska Siyaasada iyo xiriirka caalamiga ah isagoo u gudbinaya talooyin la xiriira waxqabadkiisa Golaha Dhexe.
  2. Wuxuu jaangoynayaa istaraatiijiyada dhaw iyo tan fog ee Isbaheysiga, isagoo talo iyo dhaliilba u gudbinaya Golaha Dhexe.
  3. Wuxuu talo kasoo jeedinayaa wax ka bedelidda istiraatiijiyad iyo masuuliyadda Xafiiska Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga.

Kh- Gudiga Arimaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha

  1. Wuxuu dabagal ku sameynayaa dakhliga iyo qarash bixinta xafiiska Maaliyadda ee Isbaheysiga.
  2. Wuxuu talo kasoo jeedinayaa arrimaha maaliyada ee isbaheysiga
  3. Wuxuu gacan ka gaysanayaa jaangoynta iyo soo ururinta qaaraan bileedka laga qaadayo xubnaha isbaheysiga kamid ah iyo kuwa ka midnoqonaya.
  4. Wuxuu la xisaabtamaa, dabagalna ku samaynayaa maamulka maaliyada ee golaha fulinta.

D- Gudiga Arimaha Bulshada

  1. Wuxuu ka shaqaynayaa islamarkaana daba galayaa howlaha iyo waxqabadka ariimaha waxbarashada, caafimaadka iyo ilaalinta bay’dda.
  2. Wuxuu horumarinayaa arrimaha qoyska iyo dhallaanka, daryeelka halgamayaasha ku naafooba iskacaabinta iyo dib u xoreynta dalka, sidoo kale wuxuu maareynayaa waxna ka qabanayaa agoonta halgamayaasha.

QODOBKA. 24aad Doorashada Guddoomiyaha Isbaheysiga ahna gudoomiyaha golaha fulinta.

  1. Gudoomiyaha Isbaheysiga ahna gudoomiyaha golaha fulinta waxaa soo dooranaya shirweynaha Isbaheysiga.
  2. Golaha fulintu wuxuu ka kooban yahay:

    b) Gudoomiye
    t) Gudoomiye ku xigeen
    x) Xoghaya-yaal xafiis iyo ku xigeennadooda oo ka kooban 12 oo kala ah:

    1. Xafiiska gaashaandhiga iyo difaaca
    2. Xafiiska maaliyada iyo Dhaqaalaha
    3. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Isbahaysiga
    4. Xafiiska arimaha gudaha
    5. Xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta dadweynaha
    6. Xafiiska arimaha bulshada
    7. Xafiiska siyaasada iyo xiriirka Caalamiga ah
    8. Xafiiska qorshaynta iyo tababarada
    9. Xafiiska garsoorka iyo arimaha diinta
    10. Xafiiska caafimaadka iyo arimaha samafalka
    11. Xafiiska xuquuqal isnaanka.
    12. Xafiiska waxbarashada sare, cilmi baarista iyo teknolojiyada

QODOBKA. 25aad Xilka iyo Waajibadka guddoomiyaha isbaheysiga ahna gudoomiyaha golaha fulinta.
Gudoomiyaha golaha fulintu waa madaxa isbahaysiga, waa xiriiriyaha golaha dhexe iyo hay’adaha hoos yimaada golaha fulinta iyo laamaha isbahaysiga ee heer qaran. Gudoomiyaha golaha fulintu wuxuu qabanayaa howlaha soo socda:

  1. Gudoomiyaha isbaheysigu wuxuu u matalayaa isbahaysiga kulamada caalamiga ah iyo maxaafiisha dowliga ah.
  2. Wuxuu u kuurgalaa habsami u socodka howlaha iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambaynta golaha fulinta.
  3. Diyaarinta istiraatijiyada waxqabad iyo qorsheyaasha marxaladeed ee isbaheysiga, isagoo ka ansixinaya Golaha Dhexe.
  4. Diyaarinta warbixin bileed ku aadan wax qabadka golaha fulinta isagoo u gudbinaya gudoomiyaha Golaha Dhexe.
  5. Diyaarinta miisaaaniyad sanadeedka golaha fulinta iyo dabagalka qarashyada miisaaniyadaas.
  6. Kormeerida iyo qiimaynta howlmaalmeedka golaha fulinta
  7. Wuxuu soo jeediyaa xulashada abaalmarinta, dalacsiintooda, ganaaxa iyo wax ka qabadka howl wadeenada xafiisyada fulinta haddii ay howshooda gudan waayaan.
  8. Hubinta habsami u socodka howlaha golaha fulinta iyo hay’adaha hoos yimaada.
  9. Xiriirinta xafiisyada fulinta iyo hay’adaha ka sareeya

QODOBKA. 26aad Xilka iyo waajibaadka guddoomiye ku xigeenka ee golaha fulinta

  1. Kaalinta iyo gacansiinta gudoomiyaha golaha fulinta
  2. Fulinta howlaha uu u wakiisho gudoomiyaha golaha fulinta
  3. Madaxa golaha fulinta marka uu gudoomiyuhu maqan yahay

QODOBKA. 27aad Xilwaayista Guddoomiyaha Golaha Fulinta iyo ku Xigeenkiisa
(B) Xilwaayista Gudoomiyaha Guddiga Fulinta

  1. Gudoomiyaha golaha Fulintu wuxuu xilkiisa waayayaa hadii ay ku timaado Geeri ama caafimaad xumo maskaxdiisa wax u dhimeysa oo u diideysa inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan guddi takhaatiir la aqoonsanyahay.
  2. Is casilid qoraal ah oo ay ansixiyeen 50+1 golaha dhexe ee Isbaheysiga.
  3. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaaraya muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
  4. Xilgudasho la’aan joogto ah oo ay ku caddeyaan 2/3 golaha dhexe Isbaheysiga.
  5. Khiyaano qaran ama khilaaf Axdiga Isbaheysiga ah oo ay ku caddeeyaan 2/3 Golaha Dhexe.

(T) Xilwaayista Guddoomiye ku Xigeenka

  1. Gudoomiye ku Xigeenku wuxuu xilka ku waayaa haddii ay ku timaado geeri ama caafimaad xumo maskaxdiisa wax u dhimaysa oo u diidaysa in uu howshiisa sidii la rabay u guto oo ay cadeeyaan gudi dhaqaatiir la aqoonsan allí.
  2. Is-casilid qoraal ah oo ay ansixiyaan gudoomiyaha iyo 50+1 xubnaha Golaha Dhexe ee fadhiya.
  3. Maqnaansho cudurdaar la’aan ah oo gaaraysa mudo hal bil ah
  4. Xil gudasho la’aan joogto ah oo ay ku cadeeyaan guddoomiyaha iyo 50+1 Xubnaha Golaha fadhiyo ee Golaha Dhexe
  5. Qiyaano qaran ama qilaaf axdiga isbahaysiga oo ay ku cadeeyaan guddoomiyaha iyo 50+1 Xubnaha Golaha fadhiyo ee Golaha Dhexe
  6. Haddii Guddoomiyaha Golaha Fulintu uu soo jeediyo xilka qaadisata Guddoomiye Xigeen ka , isla markaasna xubnaha golaha dhexe ee isbaheysigu ku aqbalaan cod hal dheeri ah 50+1 Xubnaha Golaha fadhiyo.

QODOBKA 28aad Waajibaadka Xoghayayaasha Xafiisyada Fulinta iyo ku Xigeenadooda
B- Xoghayaha Gaashaandhiga iyo Muqaawamadda

  1. Diyaarinta istiraatiijiyadda jaangoynta miisaaniyadeed iyo barnaamijka lagu tayaynayo halganka iyo muqaawamadda dalka ka socota.
  2. Diyaarinta ciidamo tayaysan oo dalka kasaara cadowga qabsaday iyo qalabaynta iyo tayaynta ciidankaas.
  3. Diyaarinta haykalkii iyo hogaankii ciidan oo dhamaystiran, taasoo aqoon iyo khibrad ku salaysan.
  4. Dhaqan celin dhalinta anshax xumadu ka soo gaartay dagaaladii sokeeye.
  5. Aruurinta ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed iyo dib u hawlgelintooda.

T- Xoghayaha Siyaasadda iyo Arrimaha dibedda

  1. Ka shaqaynta xoojinta iyo wanaajinta xiriirka isbaheysiga iyo dowladaha, ururada iyo hay’daha goboleed iyo kuwa caalamiga ah.
  2. Soo bandhigidda hindisayaal iyo qorshe lagu hormarrinayo xiriir wanaagsan oo lala yeelanayo caalamka intiisa kale.
  3. Abuurista xiriir saaxiibtinimo oo cusub iyo sii adkeynta kuwii horey u jiray.
  4. Ka dhaadhacinta iyo ku qancinta caalamka qadiyadda xaqa ah ee shacabka Soomaaliyeed ee u diriraya hanashada xoriyadii ay xaqa u lahaayeen.
  5. Soo bandhigidda qadiyada Soomaaliyeed fagaarayaasha dowliga iyo kuwa hey’adaha caalamiga.
  6. Xoojinta xiriirka jaaliyadaha Soomaaliyeed ee debedda iyo diyaarinta qoraalo caalamka loogu sharxayo qadiyadda Soomaaliyeed.

J- Xoghayaha Dhaqaalaha iyo Maaliyadda:

  1. Dejinta qorshe maaliyadeedka Isbaheysiga.
  2. Diyaarinta miisaaniyad sanadeedka Isbaheysiga isagoo soo hordhigaya golaha fulinta, ka dibna ka ansixinaayo Golaha Dhexe.
  3. Dejinta qorshe dhaqaale loogu abuurayo Isbaheysiga
  4. Ururinta iyo kaydinta dhammaan dhaqaalaha isbaheysiga.
  5. Furista xisaab (kontooyin) Isbaheysigu leeyahay kuwaasoo laga furayo caalamka.
  6. Dhaqaale raadinta Isbaheysiga Bulshada Soomaaliyeed ee Gudaha iyo Dibada ku nool iyo Hay’adaha, dawladaha iyo samafalayaasha taageersan qadiyadda Soomaaliyeed.

X. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Isbahaysiga

  1. Ilaalinta hantida guud ee Isbahaysiga
  2. Hubinta kharashyada baxayo in ay waafaqsan yihiin nidaamka Isbahaysiga
  3. Tababarida kaadirka arrimaha maalliyadda iyo Dhaqaalaha

Kh: Xoghayaha Arrimaha Gudaha

  1. Diyaarinta Siyaasadda Arrimaha gudaha ee Isbaheysiga
  2. Abuurista xarumo iyo laamo maamul uu Isbaheysigu yeesho.
  3. U howlgalka sidii taageerayaal cusub oo xambaarsan siyaasada isbahaysiga loo heli lahaa.
  4. Diyaarinta qorshayaal iyo barnaamij lagu sugayo amniga gudaha u samaynta maamul deegaanadda ay Muqaawamadu xorayso.
  5. Diyaarinta barnaamijya lagu hor – marinaayo gobolada.
  6. Diyaarinta barnaamij la isugu soo dhawynayo xiriirka ka dhexeeya maamulada ka jira gobolada dalka.

D- Xoghayaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta

  1. Abaabulka siminaaro kor loogu qaado wacyiga bulshada ee dhanka diineed, siyaasadeed iyo nabada oo ay bixiyaan xubnaha isbahaysiga oo heerar kala duwan leh.
  2. Diyaarinta dood cilmiyeed, aqoon iswaydaarsi, barnaamij suugaaneed oo ku baraarujiya shacabka Soomaaliyeed marxaladda khatarta ah uu dalka soomaaliyeed maraayo.
  3. Diyaarinta barnaamij dacwadeed oo tayadiisu ay aad u sarayso si wax la taaban karo loo qabto baahida dhinacyada kala duwan ay ka qabaan shacabka soomaaliyeed.
  4. Horumarinta aaladaha warfaafinta iyo u howlgelida helitaanka kuwii hore.
  5. Diyaarinta kaadir dhamaystiran oo wax ka qabta howshaa iyadaa ah.
  6. Ka dhaadhacsiinta siyaasada isbaheysiga dhammaan bulshada soomaaliyeed iydoo loo marayo warbaahinta qaybaheeda kala duwan.
  7. Abuuris TV, Idaacado warbaahineed iyo Web-saydyo uu leeyahay isbaheysigu.

R- Xoghayaha Arimaha Bulshada:

  1. Diyaarinta barnaamijyo lagu daryeelayo bulshada tabaalaysan.
  2. Abaabulka barnaamijyo lagu suulinayo cuqdadaha bulshadda kala dhexyaal.
  3. Abaabulka habab ay uga qayb qaadan karaan shacabka halganka iyo iskacaabinta.
  4. La dagalaanka qabyaaladda iyo cuduradda bulshadda aafeeyey sida isxaqiraadda, sadbursiga, cadaalad daridda iwm.
  5. Isku xirka bulshada qaybaheeda kala duwan si loo xoogeeyo waxqabadkooda ku aadan xorrnimo doonka.
  6. Diyaarinta barnaamijyo lagu horu marinaayo lagunna dhiiragelinayo dhalinyaradda iyo haweenka.
  7. Daryeelka xaquuqda dadka naafada ah, iyo kuwa hadda ku naafoobay gumaadka cadowga iyo wax ka qabadka baahidooda.
  8. S- Garsoorka iyo Arrimaha Diinta
  9. Diyaarinta qaabdhismeedka Garsoor, shuruucda iyo qawaaniinta ku dhisan mabaadi’da Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaliyeed.
  10. Tababaridda garsoorayaal aqoon durugsan u leh garsoorka shareecada islaamka iyo xeerarka caalamiga ah iyo abaabulista golayaal culimo oo bixiya fatwooyin diini ah oo ku aadan hadba talaabada ay tahay in la’qaado.
  11. Diyaarinta cilmibaaris la xariirta Islaamka iyo nolasha iyo ka gungaarsita arrimahii muran soo galo.
  12. Diyaarinta dastuur Islaami ah oo dhamaystiran noqdana mid dalka lagu dhaqo.

SH- Qorsheynta iyo Tabaradda

  1. Dajinta qorshayaasha isbahaysiga ee dhaw ama dheer iyo gacansiinta xafiisyadda kale dejinta qorhayaashoodda iyo waafajintooda qorshaha guud ee isbaheysiga.
  2. Tababarida iyo soosaarida kaadir ka howl gala dhammaan waaxaha kala gadisan ee aan soo sheegnay iyo wixii kale ee baahi ah ee yimaada.
  3. Dib u eegista qorshayaasha isbahaysiga iyadoo markasta la waafajinayo duruufta iyo danta isbaheysiga.

DH- Xoghayaha caafimaadka iyo Xiriirka Samafalka

  1. Diyaarin istiraatiijiyad caafimaad oo ku wajahan bulshada Soomaaliyeed.
  2. Dhisidda hay’ado samafal oo ka shaqeeya baahidda bulshada sida daryeelka agoonta, waayeelka, haweenka keligood ah, dadka ku barakacay dagaalada iwm.
  3. Diyaarinta baahidda dhabta ah ee bulshadda dhibaataysan.
  4. Diyaarinta barnaamij caafimaad deg deg ah oo wax loogu qabanayo Ummadda Soomaaliyeed.
  5. Diyaarinta barnaamij wax looga qabanayo aafooyinka ku dhaca dadka sida abaaraha, daadadka, barakaca, cudurada faafa iwm.
  6. Ku qancinta hay’adaha samafalka wax u qabadka dadka si hufnaani ku jirto iyo gacansiinta hay’adaas.
  7. Abuurista dhaqanka istaakulaynta iyo xoojinta xiriirka samafal ee bulshadda u dhexeeya.

C- Xafiiska dabagalka xadgudubyada iyo dembiyada dagaalka

  1. Ururinta xog ku aadan dhibaatada uu gumaystuhu u gaystay shacabka
  2. La xiriirka hay’adaha Xuquuqul Insaanka iyadoo loo gudbinayo taciyadda iyo ku tumashadda Xuquuqul Insaanka Shacabka Soomaaliyeed.
  3. Diyaarinta dacwooyin danbiyodagaal oo lagu soo oogo ciidanka dalka ku soo duulay,kuwa gacanta ka geystay, hogaamiye kooxeedyada iyo madaxda maleeshiyaadka Soomaalida ah.
  4. U soo Bandhigidda beesha caalamka taciyadda iyo ku tumashadda xuquuqul insaanka bulshadda Soomaaliyeed.

Qeybta 4 – Qodobo Guud

QODOBKA. 29aad Maaliyadda Isbaheysiga

Dhaqaalaha isbaheysiga waxa uu ka imaanayaa:

  1. Qaaraanka ay bixiyaan xubnaha isbahaysiga
  2. Maalgashi uu Isbaheysigu sameeyey
  3. Deeq iyo deyn aan shardi ku xirnayn
  4. Sadaqadda iyo kaalamda xubnaha ururka
  5. Iyo Meelo kale.

QODOBKA 30aad Soo Jeedinta iyo wax ka Bedelidda xeerka isbaheysiga

Xeerka isbaheysiga waxaa wax laga bedeli karaa:

  1. Markii loo baahdo in qodobbo lagu daro ama laga dhimo ama loo baahdo in qodob wax laga bedalo iyadoo ay isku raacayaan 2/3 golaha dhexe.
  2. Wax ka bedelidda xeerka waxaa soo jeedin kara subnaha Golaha dhexe oo gaarayo 21 xubnood oo Golaha Dhexe ee Isbaheysiga.
  3. Xeerkani wuxuu dhaqangalayaa taariikhda uu Shirwaynaha Isbaheysiga dib u Xoraynta Soomaaliya uu ku ansixiyo 2/3.

Lifaaq

  1. Haddii ay is khilaafaan ama ay timaado kala duwnaan koobiyada soomaaliga iyo kuwa afafka kale ku qoran waxaa asal noqonaya kan ku qoran afka soomaaliga ah.
  2. Fasiraadda xeerkan waxaa loo celinayaa guddi sharci yaqaanno ah oo uu goluhu ogolaaday.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s