SOOMAALIYA IYO SIYAASADDA GUMEYSIGA TIGREEGU WADO !.

Ummadda soomaaliyeed waxaa maanta ku habsadey/qabsadey Cadow soo jireen ah, Kaasoo ujeedadiisu ay tahay inuu dulmi iyo gumeysi qarnigaan si aan ganbasho laheyn kula kaco shacabka soomaaliyeed ee xorta ah meelkastoo ay ka mid ah dhulka soomaalida, HARGEYSA ilaa KISMAAYO .

Geed ayaa Masaar kula hadley , Masaarey ima gowseen haddii aanu qarkeyga kugu jirin, taas oo aan ula jeedo maanta haddii aaney Xabashidu adeegsaneyn dad iyagu jismiga soomaali ka ah , laakiin qalbigoodu uu gumeysigu la jiro. Nooma soo hawooteen Xabashi !.

Dadkaa Dabadhilifyada ah oo laga xusi karo Ninka Reer baadiyaha Asalkiisu yahay ee loogu yeero INA YEEY iyo inta la halmaasha , YEEY oo isagu ku caan baxay u adeega Gumeysiga madow ee geeska Africa (Xabashaha) oo maanta helay taageero si bareer ah ay u siinayaan quwado shisheeye oo ay ka mid yihiin ururka caalamiga ah ee UNka , EUda, AL iyo AU oo kuligood indhaha ka daawanaaya sida axmaqnimadda leh ee ay xabashadu ugu awood sheeganeyso shacabka soomaaliyeed ee ka soo daalay dagaaladdii sokeeye ee ay hor kacayeen waxma-garato qabiilka ku qaraabta oo uu ina YEEY aabbe u yahay, Xabashadu waxay maanta Ummadda Soomaaliyeed ku wadaan inay xasuuqaan, ayna cirib tiraan ,laakiin waa la tahay Alle ayey dadka soomaaliyeed leeyihiin.

Waxaa kaloo la yaab leh in Qof soomaaliyeed oo aqoon yahan isku sheegaya inuu maanta u soo dhar-dhigto sidii uu u caawin lahaa Xasuuqa iyo tacadiga maanta ay xabashuhu ka wado dalka soomaaliya , dadkaasna waxaa ka mid ah, Nuur cadde oo ahaan jiray nin Dawladii siyaad barre Qareen u ahaa ,laakiin aan hore ugu jirin dagaaladii sokeeye ee ay ummadda soomaaliyeed isku dilayeen , hasa-yeeshee wuxuu noqday boqol soon oo baqti ku afur maanta .

 

Si kastaba ha ahaatee maanta waxaa Ummadda soomaaliyeed u kacey Ciidan xornimo doon ah oo loogu yeero , CIIDANKA DHALINYARADA EE DIFAACA DALKA HOOYO , kuwaas oo maanta casharo lama ilaawaan ah u dhigay ciidamada cadowga Xabashta ah ee ku soo duulay ciidda iyo dadka soomaaliyeed , iyaga ayaanay guushu u dambeyn doontaa insha allah , maadaama ay iyagu yihiin xaq u dirir dhulkooda hooyo loogu yimid .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s