MA AQOONSANIN ISBEDELKA HOGAANKA.

Xoghayaha Arimaha Africa ugu qaybsan Dallka Mareykanka Jendei Friezer ayaa sheegtay inaaney aqoonsaneyn isbedelkii lagu sameeyey Hogaanka Ururka Dib-u-xoreynta. Ururka aya dhawaan u kala jabnaa laba koox oo midna ay xarun u aheyd Asmara  Eritria ,koxda kalena ay fariisin ka dhigteen Djabuiti Djabauti.

Dhawaan ayey Kooxda Asmara ku dhawaaqeen in xilkii laga qaadey labada Shariif ee Sh. Shariif Sh. Axmed Iyo Shariif Axmed, laakiin kooxda Djabuuti waa ay ku gacan sayreen, arintaa oo dhalisay kala qaybsanaan iyo kala fagaansho intii hore ka badan.

Siyaasada Mareykanka oo aheyd mid iska cad  waxay kol hore sheegeen inay doonayaan inay kala miiraan/jabiyaan Ururka Dib-u-xoreynta ama Maxaakiimta oo ah qaybta ugu awoodda badan. Mareykanku wuxuu sheegay inuu doonayo inuu wada-hadal la gallo inta qunyar-socodka ah ayna la dagaali doonaan kuwa xag-jirka ama argagixisada ah. arintaa oo u eg mid sidii la rabey u shaqeynaysa.

Hadaba waxaa iswaydiin leh Dadka Soomaaliyeed oo maanta ku jira xaalad adag tii ugu xumeyd, waxaana isugu biiray abaaro , barakac , dagaal ay hayaan Xabashida iyo Mooryaan dowlad ku sheega ah iyo waliba sicir barar. SIdaa oo ay tahay Dalka aduunka ugu xoogga iyo dhaqaalaha badan ayaa leh waxay igu yihiin qatar waana inaan sidaan anigu wax u rabo la ii yeelaa haddii kale ma soconayso !!

Alloow u gargaar Dadka Soomaaliyeed adigaa awood badane (Aamiin)..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s