TUBTA TOOSAN WAA ISKU TASHO DADYAHOW !

Guud ahaan Gayiga Soomaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin lixaad leh, haba u darnaato nabadgelyo la’aan iyo dhaqan/dhaqaale xumo, Waxaa kaloo jira dhibaatooyin Abaaro iyo sicir barar iyo darxumo/macaluul si baaxad leh u haysata dhalaanka iyo hooyooyinka Ummadda soomaaliyeed.(Alle ha u fududeeyo Ummadda Soomaaliyeed, Aamiin ).

Nabadgelyo la’aanta iyo dhaqan/dhaqaale xumada ayaa ah labo isku xiran madaama haddii Bani-aadanku uu waayo daryeel iyo nolol maalmeedkiisa waxaa  suuro-gal ah  inuu ku koco falal aad iyo aad u xun-xun, oo ay ku jirto xishood la’aan, burcadnimo iyo waliba waali..Taas ayaana maanta gayiga Soomaaliya guud ahaan ka jirta.

Soomaalida maanta meelkasta ama Gobolkasta waxay yaboohsi iyo gargaar ka sugayaan hay’adaha samafalka dhinac walba oo ay ugu daran tahay quutul-daruuriga (cuno-qaybin), Caafimaadkooda , Wax-barashada iyo maalmahan siyaasadiiba way ku jiraan.

  1. Waa la yaabe Ummadda Soomaaliyeed ma Hay’addaha sama-falkaa mas’uul ka ah noloshooda iyo jiritaankooda ?
  2. Mise iyagaa laga doonayaa inay aayahooda iyo noloshooda kor u qadaan kana tashadaan ?

Jawaabta waa mid iska cad, Waana MAYA tan hore  waxaa cadeyn u ah Aduunkani cidna waajib kuma aha inay quudiyaan ama wax walboo dantooda u qabtaan dad kale oo laga yaabo inay dunida dacalka kale kaga nool yihiin, Haa in Bani’aadamku is-gargaaro waa sax laakiin lama caawin karo haddiiba dadkii iyagu dhibanaa ay gacmaha ka laabteen inay iscaawiyaan oo ay wax qabsadaan /tabcadaan kana baaraan degaan sidii ay uga bixi lahayeen dhibaatada iyo silica haysta.

Waxa ugu horeeya ee uu qofka bani’aadamka ah ku waajibka ah waa inuu marka hore naftiisa quudiyo ama uu nolol-maalmeedkiisa soo saarto ama beer ha tabcado ama ha kaluumeysto. oo labaduba Alle ku maneystay dhulka soomaaliya gaar ahaan Goboladda ay labada wabi ee Jubba iyo Shabeele dhex dur-durtaan, iyo Goboladda xeebta dheer (3300 Km) ee soomaaliya la dariska ah, Hadaba maxaa kalifay in dadka soomaaliyeed ee Alle kheyraad rabaani ah ku maneystay ay maanta yaboohsiga iyo gargaarka hay’adaha samafalka ka doortaan tii Alle siiyey  ama ay wax ka sugaan dad kale? Waa la’yaab ! Waa doqonimo ! Waa Badownimo ! Waana Alle caasinimo! mana laha cudur-daar MANA DHICI KARTO in sidaan Dad ku noolaado.

SHEEKO GAABAN:

Sheekadaan oo ka dhacday Tuullo yar oo ku taalla xeebta soomaaliya iyo abaartii 2006…… Waxay ku bilaabataa sidan . Tuuladan ayaa waxaa booqasho ku tagay wariye dumar ah oo ka soo jeeda Reer yurub ama reer Galbeedka iska dheh , waxay ugu horeyntii la kulantay Odayaashii tuulada waxayna ka wareysatey masiibada ku dhacday tuuladaas , Odayaasha iyagoo isleh aduunka ha la idiinkugu qaylo dhaamiyo ayey u sheegeen in dadka degaanku la il-daran yihiin abaarta oo ay waliba jiraan dad u dhintay GAAJO !.

Hadaba markii ay wariyadu ka dhamaysatey cabashadooda ayey galinkii dambe waxay waydiisay nin turjubaan u ahaa in ay suuro gal tahay inay soo aragto xeebta , Haa ayuu ugu jawaabay waxay u amba baxeen xeebta , Naagtii wariyaha aheyd markii ay xeebta tagtey waxay boorsadeeda kala soo baxdey MAQAALIN ama qalabka-Kaluunka lagu soo qabto muddo ka yar 20 daqiiqo waxaa u soo galay Kaluun lagu qiyaasi karo shan kiilo , intaa markii ay dhacday ayey iyadoo warbixinteeda sii wadata ayey ku soo dhameysay sidan.

  •  Halkan in ka yar labaatan daqiiqo waxaan nasiib u helay inaan la soo boxo Kaluun 5 Kiilo ah oo Magaciisu yahay (hebel).
  • Tuullo Hebel oo halkan (xeebtan barakeysan) u jirta 1 KM iyo barna Dadku waxay u li’anayaan/u dhimanayaan GAAJO !. ( Maxaa kuu baxay ?!)

Waxaan ku soo dhameynayaa qormadan , Dadka Soomaaliyeed Guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolada khayraadka Alle ku maneystay sida Beeraha iyo Xeebaha  ma sidaan ayaa idinka dhab ah ? waa MAYA jawaabtu inkastoo ay jirto caqabad ah in Ummadda soomaaliyeed badankoodu ay ahayeen dad xoollo dhaqato/raacato ah , laakiin maanta intooda badan way ku adkaatey noloshii xoollo dhaqatonimada/raacatada ka dib abaaro iyo nabaad-guur ka dhacey dalka 18kii sanno ee Dowlad la’aanta lagu jira.

 Ma xuma in Dadku isbedel  ku sameeyaan  hab-nololeedkiisa laakiin waxaa muhiim ah in lala yimaado Farsamadii iyo dhaqankii  sahli lahaa inuu dadku ku noolaado Magaalo ama tuulo taasoo ka duwan tii raacatonimada aheyd, sida awadeed  waxaa haboon inuu Qofku ka gudbo dhaqankii uu ka soo tagey kaasoo laga yaabo inay ceeb ka tahay in qofku ka shaqeysto xirfadaha magaalooyinka lagu noolaado sida , FARSAMOYAQAANIMO, BEERALEY, KALUUMEYSATO IWM. Arintan ayaana sabab u ah in dadka soomaaliyeed badnakoodu ay maciin bidaan ama ku tiirsanaado gargaar looga keenay wadamo shisheeye .

 Hadaba soomaaliyeey waa in laga gudbo caadooyinka iyo dhaqamada dib-jirka (Primative) ah ee qofku uu u haysto inuu Naftiisa/qoyskiisa wax u soo saarto ay tahay wax ceeb ah. laakiin inuu yaboohsado ay tahay wax iska caadi ah . WAA LA YAAB , WAANA DIB-U-SOCODNIMO.

One thought on “TUBTA TOOSAN WAA ISKU TASHO DADYAHOW !

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s