MAXAMED DHEERE OO LA ERYAY.

Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Nuur Cadde ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii Goomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa magalada Muqdisho looga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).

Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa waxaa Wareegtada lagu casilay loogu soo jeediyay Dahliilo ay ka mid yihiin in uu ka dhaga adaygay awaamirta Dawladda KMG ah, Waxkaqabasho la’aan xaaladaha amaanka ee ka jira gobolka Banadir, Isku xirnaan la’aan iyo wadashaqayn la’aan u dhaxaysa Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee maamulka Gobolka Banaadir.

Cabasho ka timid dhinaca Odayaasha deegaanka kuwaas oo ku eedeeyay Max’ed Dheere in uu sabab u yahay dhibaatooyinka ka jira Gobolka, ku takrifal dhaqaalaha ka soo xarooda Gobolka iyo soojeedin ka timid 30 xubnood oo ka mid ah xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir taas oo ku aadan in la casilo Gudoomiyaha iyo sidoo kale Soojeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.

Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wareegtada waxaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo ahaan jiray K/xigeenka Maxamed Dheere ee dhinaca Arrimaha Bulshada ayada oo dhamaan xubnaha kale maamulka ay sidoo kale si kumeel gaar ah usii wadi doonaan hawlaha Xafiisyada ay ka shaqeeyaan.

Waxaa jira warar sheegaya in wareegtadan ka soo baxday xafiiska Nuur Cadde uusan ku qanacsanayn C/laahi yuusuf isla markaana waxaa jira shir qaas ah oo dhex maraya xubno uu hor kacayo Maxamed dhere iyo C/aahi yuusuf kaas oo ay uga wada hadleen arrinta Xilka qaadista lamana sheegin ilaa iyo hadda go’aamada ka soo baxay kulankaas.

C/laahi Yuusuf ayaa horay hadal uu uga jeediyay Munaasabadii lagu Magacabayay Maxamed Dheere wuxuu ku tilmaamay in uu yahay Nin Qaran isla markaana muhiim u ah Dalka Soomaaliya.

Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa waxaa maamulka gobolka Banaadir loo magacaabay sanadkii la soo dhaafay ee 2007 waxaana intii uu madaxda uga ahaa DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya la soo gudboonaaday caqabado fara badan oo dhinaca amaanka ah waxaana la khaarajiyay xubno tiro badan oo ka mid ahaa maamulkiisa asaga oo dhawr jeer ka badbaaday Isku dayo lagu damacsanaa in qudha looga jaro.

Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa intii uu madaxda ka ahaa Gobolka Banaadir waxaa ka mid ah wax yaabihii ugu waaweyna ee lagu xasuusan karo Amaandarro iyo xasiloona la’aan baahsan oo ka dhalatay Gobolka Banaadir, Burburin uu ku sameeyay Qaybo ka mid ah Suuqyada waaweyn ee gobolka gaar ahaan suuqa Baakaraha, dilal Qorshaysan oo loo gaystay dad aan waxba galabsan oo si gaar ah loogu eedeeyay Max’ed Dheere sida Culimo iyo Aqoonyahano, Barakicin uu ka gaystay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyo dhibaatooyin uu u gaystay dadka Barakacay ee daadsan Duleedka Caasimadda kuwaas oo uu ugu hanjabay in uu ka sii barakicinayo goobaha ay u qaxeen.

Maaha markii ugu horeysay oo xilka laga xayuubiyo Xubin sare ka mid ah Dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya waxaana horay si Qoor qabad ah xilkii looga qaaday Cali Maxamed Geedi waxaana si joogta ah u dhacda in xubnahan la casilo kadib marka lagu gaaro ujeedooyinkii uu kala haa gumaysigu waxayna xubnahaasu xilalka daraadood u galaan dakanooyin aan la soo koobi Karin sida uu horay u sheegay Yuusuf Dabageed oo qaab noocan ah xilkii Maamulka G/Hiiraan looga qaaday.

XIGASHO:    www.somalimirror.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s