SOOMAALIDA WAQOOYI YAA MARIN HABAABIYEY ?

HARGEYSA SOOMAALIYA. Faras Magaallaha Hargeysa oo ah Caasimadda labaad ee Dalka Soomaaliya ayey dadku si caadi ah isku dhex marayaan. Suuqyadu waa buuxaan dadku wayska caweeyaan ama qayilayaan, waxaad arkeysaa in dadku ayna dareensaneyn in qayb ka mid ah ama Magaala Madaxdii Dalkooda la qabsadey oo shacabkii walaalahooda ahaana xasuuq iyo bara kicin lagu hayo ku dhawaad laba sanno, laakiin waxaa jirta in shacabku arintaa og yahay laakiin laga dhaadhiciyey inay yihiin Dal kale oo aaney wax shaqo ah ku laheyn Dalkooda hooyo ee Soomaaliya.. Waa yaabka yaabkiis!

Xukuumadda Hargeysa/(SNM) ee la magac baxdey Soomaaliland ama Dhulkii Soomaaliyeed waxay gacan saar aan qarsooneyn la leedahay Taliska Tigreega dhiigyacabka ah ee Addis-Abbaba, waxaana la sheegaya in ay tilaabo kastoo ay qaadaneyso laga soo ansixiyo dalka Xabashida.

Shacabka Waqooyiga Soomaaliya oo ah shacab dhiig iyo damiir badan ayaa ah maanta mid la lunsadey oo jahwareer aad u wayn la galiyey lagana dhaadhiciyey in ay si macno daro ah uga go’ayaan dhulkooda hooyo ee soomaaliya, Arintaa siyaasadeed oo an aheyn mid ay isku wada raacsan yihiin shacabka hadana waxaa qasab looga dhigay inta aan ogoleyn in ay qaataan Mab’da’aas xaldan ee dhulka soomaaliya lagu kala goynayo>  ..

3 thoughts on “SOOMAALIDA WAQOOYI YAA MARIN HABAABIYEY ?

  1. Jidhidhico

    A/C, waan salaamayaa bahda mareegta iyo Jaamac,

    Anigu waxaan sidaydaba ahay nin danta guud ee Soomaaliyeed jecel, isla markaasna dhex-dhaxaad ah.

    Haddii aan faallo gaaban ka bixiyo qoraalkan, waxa aad mooddaa in fariinta ku cad jumladahan qoraalka jahwareer ka muuqdo. Waayo, siyaasad iyo mab’da iyo nidaam ayuu wada sheegayaa, dhinacna wax buu kaa hiifayaa, haddana meel ay waxaas oo idil isugu biya shubtaan muusan tibaaxin.

    Haddaan hoos u dago, shacabka reer hargeysa waajib saarraa way ka soo baxeen, aabbayaashood ayaana xilkaa u gutay. Soomaalida ayey mideeyeen, waxayna taageen calan bilic leh. Balse, sidaad qiraysaba, maanta shacabkii sidaa ahaa inay hurdaan ayaad moodaa, oy ka hurdaan in la midoobo. Taana, waa gartood, oo 18 sano ayey isha ku hayaan dagaal aan damayn, oo wax uu ku socdaa habayaraatee jirin. Midee waranlayaashaa Muqdishu habeen walba mirta, intaadan Hargeysa ku muusannaabin!

    Haddii runta aan isu sheegno, shacabka Waqooyiga dagaayi waxay ahaayeen dad aan ilbax ahayn, lakiin dhaqanka Soomaaliyeed si wacan u hayey. Markii ay xilkii Koonfur geeyeenna, waad aragtey siday taladu uga hoos siibatay, oy meel cidla’ah soo istaageen. Xukuumad iyo ka Xukuumad, qaybtii libaaxa ay Soomaalinimada ka qaateen waa loo qiri waayey, haddan sidaa kuma dudine, waxay illaa aankan doonayaan midnimo. Waxay su’aashu tahay, hdda midnimada ma keeni karaan sidoodii caadada u ahayd. Jawaabtu waa maya, oo waabad sheegtay, in madax-qudhinlaydu xakamaha u hayaan, oo meeshay doonayaan u buubaaliyaan.

    Iyagana u baq oo sagaal xero ayey u kali bixi doonaan.

    Tan aad tidhi xabashi ayey soo dhaweystaanna, ogow in dhaqaalaha iyo kala dambayntu ay ku xidhantahay in wadanka dariskaaga ah aad la saaxiibto — amaba kii dantu kuu gayso. Siyaasada ayey kamid tahay in walaalkaa waraabuhu raqo, adiguna si’aan laguugu darin, waraabahaa iska meelayso — “wid.”

    Haddaan soo wada duuduubo, nabsiga shacabka Waqooyiga laga galey illaa la garto, oo garabkooda lasaraysiiyo, waligeed Soomaali dawlad iyo nidaam ka dhalan mayso. Soomaalidii kala habowdayna isu soo noqon mayso, oo ninba meeshay hungurigu geeyo ayuu aadayaa — illeen HUNGURIBAA RAGGA WALAALEEYEE.

    Jidhidhico,
    Jidhidhico.wordpress.com

  2. Abdirasak Post author

    Waan ku salaamay sxb Jidhidhico.’

    Salaan ka dib waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad uga faalootey Qoraalkii ku saabsanaa Hargeysa Soomaaliya.

    Waxaan filayaa qofkastoo Soomaali ah inuu ogyahay dhacdooyinkii/dhibkii Waqooyiga Soomaaliya ka dhacey 88kii, iyo waliba waxa maanta ka jira oo ah in ay shaqsiyaad Siyaasiyiin ah ay dadka Soomaalida Waqooyi ka gadeen inay Wadan gooni ah sameystaan.

    Taa ayeyna qormadani ku socotaa, taasoo ah in Dalka Hooyo la kala gooyo inay tahay dambi iyo dib-usocodnimo.

  3. khalid

    salaan marka hore
    salaan ka dib waxan jeclahay inaan waxyarka hadlo doodan ugu horayn hadanu nahay dadka reer somaliland waxan ilduufnay 1960 waxana na gaadhay qaladka dhibtisi ilahay lakiin wuu naga saray markaanu iska ridnay dulmigi xoriyadiina aantuurnayna dib ula so noqnay
    hadaba waxan xusuusinaya walalaha somaliaya inayiska ilaban midnimo danbe oo dhacda
    wasalamu calaykun

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s