MUSHAARKA QAB-QABLAYAASHA DAGAALKA YAA BIXIYA ?

BAKHAARKA ADC BAYDHABO BAY.

Baydhabo Soomaalia: Xarunta ku meel-gaarka ah ee Kooxda la baxday Dowladda kumeel gaarka ah. Kooxdan oo ka kooban shaqsiyaad badankooda faraha kula soo jirey dambiyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga galey, tan iyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee  Siyaad barre 1991, Kooxdani waxay labadii sanno ee la soo dhaafey dar-dar galiyeen  dhibkii iyo tacadigii ay ku hayeen Shacabka iyo maatida ka dib markii ay heleen aqoonsi caalami ah ayna u yeerteen cadowga koowaad ee Soomaaliyeed ee Xabashida iyo ciidan Afrika ka socda oo leh Dowlada ayaa noo yeeratey si aan u caawino. Kooxdan qab-qabkayaasha ah oo isku sheega in la soo doortay ayna matalaan Qabaa’iladda 4.5ka Soomaaliya ayaa ku andacoonaya inay yihiin kuwa u xaq leh inay xukumaad Dalka Soomaaliya. Kooxdaan waxay u kala baxdaa sidan oo ku dhisan 4.5ka.

  1. BAARLAMAANKA.
  2. GOLLE WASIIRO AH
  3. XUKUUMADDA.

Hadaba waxaa iswaydiin leh Maadaama Dowlad ku sheegani ayna haysan kalsoonida iyo ogolaanshaha shacabka xagee ayey ka helaan taageero ? yaa bixiya mushaarkooda ?

 Jawaabtu waxay tahay Kooxdaan Dagaal-oogayaasha (hadey tahay BAARLAMAAN/XUKUUMAD/GOLE WASIIRABA) inay ka helaan (Halkan ka eeg)taageero/mushaarka Ururka Qaramadda  Midoobey ee loo yaqaano UNta qaybteeda loogu tallo galey Barnaamijyadda Horimarinta (UNDP). 

Hadaba waxaa iswaydiid leh. maxay tahay sababta ay u taageerayso UNtu kooxdaan dhagar-qabayaasha/dambiilayaasha ah ? lama oga laakiin waxaa loo maleynayaa in UNkaba taageero ka hesho Dowladda isku baheystey in ayla dagaalamaan Muslimka xag-jirka ah, ayna la noqotey in Kooxdani tahay wadadda kaliya ee ay u sii mari karaan ujoodooyinkooda. Wax dan ahna ay ka laheyn dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed loo gaysto haba yaraatee! 

Waxaa kaloo jira in ay UNta ay aqoonsan tahay si caalami ah Kooxdaan taasoo caqabad ku noqotey in ay Dadka soomaaliyeed aayahooda ka tashadaan maadaama ay Kooxdani yihiin dad iyagu dambiilayaal ah oo ka soo horjeeda/diidan in Dalka  nabad iyo horumar laga helo oo maxkamad la geeyo ciddii dambiile ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s