NUUR CADE IYO JABHADDA TIGREEGA.

Ra’iisal Wasaaraha Kooxda Impaghetti Nuur Xassan Xusseen oo ku magac dheer (Nuur Cadde), oo la yimid xirfad ama xeelad ka duwan midda Dagaal-oogayasha looga bartey, oo ah mid uu marwalba doonaayo in la wada-hadlo, Maalin sii horeysay waxaa laga sheegay inuu xitaa yiri aan la hadalno Ururka dagaalyahanka ee loo yaqaan Al-shabaab !

Nuur Cadde oo sii wada ujoodinkiisa ku saleysan wada-hadalka iyo isku-soo dhawaansho la hello wuxuu ka mid ahaa ragga ugu cad-cad ee heshiiska dhawaan kula gaarey Jabuuti Ururka Isbaheysiga garabka Jabuuti, waxaana loo maleynayaa in ay qayb ka tahay dib-u-heshiinta in maamulka kooxdiisa laga nadiifiyo ama laga  eryo Qab-qablayaashii dagaalka sokeeye ka soo qayb qaatey, Sidaa awadeed inkastoo aan la hubin inay taas xiriir la leedahay, Nuur Cadde wuxuu eryay  Gudoomiyihii Gobolka Banaadir (Maxamed Dheere) inkastoo aan wali lagu kala bixin arintaa laakiin waxay dhalisay iska-horimaad aad u baaxad leh, kaasoo oo u  dhexeeya  Nuur Cadde iyo C/laahi Yusuf oo ah Maddaxa qaybta dagaal-oogayaasha ee kooxda empeghati.

Hadaba waxaa iswaydiin leh Nuur cadde hadduu faraha la galley Qab-qablayaasha Dagaalka maxaa ka imaan kara ?  sida ay Soomaaliyoo idil ogtahay qab-qablayaasha dagaal ayaa ah saaxiibka koowaad ee Malayshiyadda Xabashida/Tigreega ee ku sugan Dalka Soomaaliya,  qaas ahaan Magaaladda Madaxda Dalka ee Muqdisho xabashida waxay  taageeroi iyo soo dhaweyn wanaagsan ay ka heshay Max’ed Dheere oo kadibna lagu abaal mariyey in uu noqdo Duga-magaalada Muqdisho.

Nuur cadde ma ku guuleysan doonaa inuu sii wado fikradiisa ah dib-u-heshiisiinta?, yuuse isku haleynayaa ma UNtaa mise USA, Sida aan ognahay oo labaduba ku andacooda inay Soomaaliya nabad ka dhalata doonayaan, inkastoo ficiladoodu ay taa ka duwan tahay, laakiina maanta meesha waxaa ka cad in Nuur Cadde ka careysiiyey Maleeshiyasha Tigreega ee Muqdishu xoogga ku joogga madaama ayna rabin in Soomaaliya nabad ka dhalato si ay u sii joogaan Dalka, tan oo laga yaabo in ayba handadaan Nuur Cadde ama ay si cad ugu sheegaan inuu Dawlad ku sheega ka baxo haddii kale ay ku qasbaan inuu ka laabto amarkii ahaa inuu Max’ed Dheere ka eryay Duq-magaaladda Muqdisho!

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in labadii ugu Sareysay maleyshidda/jabhadda xabashida  looga yeeray Xarunta taliska Macangagga ah ee Addis-Abbaba,  waxaa loo maleynayo inay la xiriirto faragelinta lagu sameeyey dagaal-oogayaasha asxaabta la ah maleyshiyadooda. Maleyshiyada Tigreega oo aaminsan in Soomaallidu xoog iyo dharbaaxo wax ku leeyihiin, ayaa laga yaabaa inay ku kacaan falal xun-xun oo ka dhan ah dadka Nabadda doonaya iyo inta wada dib-u-heshiisiinta ee saaxiibka la ah nuur cadde ee kooxdan Impaghatti ee ay iyadu dalka Kenya ku soo dhistay sannadkii 2004ka.

Waxaan sugnaaba waa in ay Labadda sarkaal ee Xabashida ah ku soo laabtaan Xamar oo ay u sheegaan waxa ay ka qabaan qilaafka u dhexeeya Nuur iyo C/laahi, iyadoo la filayo inay ku qasbaan Soomaalida shaqaalaha u ah inay heshiiyaan. Kooxdaan oo hormuud u ah taliska xaasidka ah ee  xasuuqo iyo gumeysiga ku haya dadka Soomaaliyeed ee ay ku soo duuleen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s