DEEQ LA GAARSIIYEY DADKA SOO BARAKACEY.

Sawirkan hoose waxaa ka muuqda Dad Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan duleedka Magaaladda Moqdishu, Dadkan oo intooda badan ka soo qaxey dagaalka ay ka wadaan Jabhadda Tigreega ee dalka ku soo duuley, Tigreega oo si naxariis daro ah marwalba ugu garaaca goobaha degaanka u ah shacabka reer Muqdisho ayaa kaliftay in 750,000kun oo shacabka reer Muqdisho ahaa inay ka cararaan guryahoodii.

Qurba joogta Soomaaliyeed oo aad iyo aad uga warhaya waxa ka socda Dalkooda hooyo ayaa marwalba u aruuriya lacago deeq ah dadka dhibku ka soo gaarey dagaalkan gardarada ah ee ay tigreegu ku soo qaadeen shacabka dhiban ee Soomaaliyeed.

Soomaalida joogta dalka gudihiisa iyo dibadaba ee haysta nabada iyo dhaqaalahaba ha ogadaan markasta inay caawiyaan walaalahooda dhiban ee ay isugu darmeen dagaalada, sicir-bararka iyo abaaraha aan dhamaaneyn , maanta waxay mareysaa wixii dhiiglahoow kaca oo iscaawiya intii karaankiina ah, in la is-caawiyo ayey raxmaddu ku imaneysaa. insha-allah waa laga bixi doonaa dhibkaan.

Sida la ogyahay maanta cid u maqan ma leh dadkan dhibaateysan oo aan aheyn hay’adaha samafalka oo gargarkoodu ka imaan jiray dadka reer galbeedka, Laakiin waxay maanta u haystaan in soomaaliya ay ka jiraan ama joogaan dad iyaga cadow/argagixiso ku ah sidaa darteed aaney habooneyn in la caawiyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s