QILAAFKA KOOXDA IMBEGHATI OO SII KORDHAY.

Warar laysla dhex marayo ayaa sheegaya in Hor-boodayaasha kooxda Impeghati (Dowlad ku sheega) looga yeeray Addis-abbaba ka dib markii uu qilaafkoodu sii kordhay maalmihii tagey.

Qilaafkan oo yimid kadib markii Nuur Cadde (horjooge labaad) uu shaqadii ka  eryay Qab-qable: Maxamed dheere oo ahaa Duqa-magaalla madaxda Muqdishu. Arintaa oo uu diiday C/laahi Yusuf (horjooge Koowaad) madaana ay qab-qable isla yihiin oo ay ka dhexayso saaxiibtinimo ah dagaal abuur/badownimo iyo aar-goosi.

Horboodayaasha lagu wado inay u  kicitimaan Addis-abbaba oo kala ah C/laahi Yuusuf (Hormuudka 1aad ), Nuur Xassan (Cadde)(Hormuudka 2aad ), Sh/Aadan Madoobe (Hormuudka 3aad) socdaalkan oo lagu wado/rabo in lagu dhex-dhexaadiyo  kooxdan. Maadaama sida cad ay maqaar-saar u  yihiin tigreega  gumeysi-doonka ah ee Addis-abbababa ka soo duulay.

Kooxdan oo u badan dhagar-qabayaal dagaal, ayaa waqti badan ka lumiyay Ummadda Soomaaliyeed waxay ku caan baxeen is-qabqabsi, dhaqan-xumo, daneystayaal, gumeysi kalkaalid  ,xasuuq, iyo siyaasad xumo. Waxaa la yaab leh Kooxdani (dagaal-Ooygayaalka) inay taageero dhaqaalle iyo aqoonsiba ka helaan UNta, EUda, NGO’s iyo Dalka Mareykanka. Laakiin kooxdani sida  caadadooda aheydba waxay sii  wadaan dhaqankoodii ama siyaasadoodii ku dhisnayd qabyaaladda, dilka iyo dhaca taasoo ay muddo dheer hormuud ka ahaayeen dagaaladii sokeeye. ayna dhib iyo halaag ku gaarsiiyeen ummadda Soomaaliyeed.

Hadaba waxaa iswaydiin leh maxaa ka soo bixi kara inay tagaan sadexdaan horboode Addis-abbaba ?. 

Jabhadda WAYANAHA ee Addis-abbaba oo ujeedadeedu  tahay gumeysi iyo baabi’in Dalka iyo Dadka Soomaaliya, ayaa la filayaa inay garab siiyaan Dhagar-qabe C/laahi Yusuf oo ah hor-joogaha koowaad ee kooxdan maadaama u yahay shaqsi dagaal jecel, Qabiilka iyo jahliga ku wayn yahay  ahna qof si aadka ah ugu daacada ah taliska Addis-abbaba. wararka qaar ayaa leh in Nuur Cadde oo ah hor-jooge labaad ee kooxdan lagu amri doono inuu shaqada ka tago, taasoo sabab u ah in Nuur cadde yahay nin nabadeed oo aan xiriir fiican la laheyn ciidanka gumeysiga Xabashida ee Xamar ama Soomaaliya xooga ku jooga.

Dhanka kale waxaa jira aragti ah in nuur uu taageero balaaran ka helo hay’addaha caalamiga ah sida UNta, EUda  oo u arka inuu yahay shaqsi xirfad leh oo ay u maleynayaa inuu nabad ama xasilooni keeni kara. Cadde oo laga yaabo inuu maro jidkii Hormuudkii 2aad ee isaga ka horeeyay ee Geedi hadana waa ka yar duwan yahay  geedi maxaa yeelay ma aanu haysan taageeradaas oo kale, waxaa kaloo arintaa fududeeyay in uu geedi lahaa cilado badan dhanka siyaasadda iyo dhaqaalahaba oo ay hay’adaha caalamigu wada arkeen kadibna si fudud looga tuuray xafiiskii.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s