JABHADA TIGREEGA OO XASUUQAY 75 SHACAB AH .

CARBIS. War lagu kalsoon yahay ayaa xaqiiqinaya in Jabhada wayanaha ee Dadka iyo Dalka soomaaliyeed ku soo duulay ay rasaas si naxariis daro ah  ah ula beegsadeen laba Bus oo ay ka buuxeen Dad rakaab ah oo marayey jidka isku xira Xamar iyo Afgooye, dhacdadaas naxdin leh waxay ka dhacdey Xaruntii  hore Xoogga Dalka Soomaaliya ee CARBIS. halkaas oo ku  dhinteen 75 ruux oo dhmaantood ahaa dad shacab ah una badan caruur iyo haween aan waxba galabsan. falkan oo ahaa aargoosi ayaa la sheegayaa inay Jabhada Wyanuhu ku kaceen ka dib markii uu Baabuur ay wateen Miino kula kacdey Jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Xamar.

Waxaa kaloo la xaqiijinayaa  in Jabhadan wayanahu ay ku laayeen 8 qof oo shacab ah gudaha xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 14/8/08  waxayna diideen in  la aaso maydkooda, Taasoo ah caado lagu yaqaano Jabhadan Wyanaha/Xabashida taasoo ay doonayaan inay ku argagax galinayaan shacabka. 

Jabhadan Wayanaha ee Dadka Soomaaliyeed ku soo duulay oo kaashanaya  Soomaalida shaqaalaha u ah ee  loogu yeero ( TFG ama Kooxda Imbeghati)  ayaa waxay xasuuqeen qiyaastii  inta u dhaxeysa 8000 ilaa 12,000kun oo  shacabka soomaaliyeed ah  kuwaas oo u badan  caruur iyo maati intii ka dambeysay 2006dii ka dib dulaankii ay wyanuhu ku soo qaadeen Dalka Soomaaliya .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s