DAAWAC IYO DHIMASHO KA DHASHEY DUQEYNTII BAKAARAHA.

By Somalimirror on 19 Aug, 2008

Mugdisho Soomaaliya: 6 Qof ayaa ku Geeriyooday in ka badan 20 Qofna waa ay ku Dhaawacmeen ka dib markii ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya Madaafiic aan loo meel dayin Barqanimadii maanta ku garaaceen Suuqa weyn ee Bakaaraha. 

Dadka dhaawacmay ayay madaafiicdu ku haleeshay inta u dhaxeysa Xaafada “Nation-ka”  illaa sarta loo yaqaano “Maalin Taajir” wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha kuwaas oo isugu jiray dad garab rarato ah, dad guryahoodii ku sugnaa iyo dad socod ku marayay wadooyinka.

 

Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa isugu jiray dad hilbahoodii ay googo’een, iyo kuwo ay xubnahoodii qaar ka go’een.

 

Madaafiicdan ayaa ku soo aaday xili uu suuqa Bakaaruhu ahaa mid aad u mashquul ah oo ay ka adeeganayaan dad badan iyada oo ay soo dhowdahay Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

 

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la gaarsiiyay dhaawaca 18 qof oo mid ka mid ahi u dhintay Dhiig bax.

 

Madaafiicdan ayaa la sheegayaa in ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ka soo ridayeen xarumo dhowr ah oo ay ka deganyihiin Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku soo beegmay iyada oo maanta abaare 11:40 barqanimo iska hor’imaad xoogani uu ku dhex maray mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada gumeysiga Itoobiya inta u dhaxeysa Baar Hilaac iyo Isgoyska Cali kamiin wadada sodonka ee Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa iyagu xasuuq aan loo meel dayin kula kaca shacabka Soomaaliyeed mar waliba oo weerar ama qarax lala beegsado taas oo ka dhigan in ay kaga aargudanayaan shacabka Soomaaliyeed marka uu khasaaro xoogani soo gaaro

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s