GANACSADE REER BELEDWAYNE AH OO LA QAFAASHEY!

Beledwayne Soomaaliya: Duhurnimadii maanta ayaa xabsiga loo Taxaabiy Ganacsade lagu magacaabo “Muxumad Maxamuud Yuusuf (Shiine) oo ah Milkiilaha Shirkada labaad ee ugu wayn Shirkadaha korontada siiya Baladweyne oo lagu magacaabo “Midnimo” xili uu ku sugnaa goobtiisa shaqo. 

Ganacsadahan ayaa la sheegayaa in ay xabsiga u taxaabeen ciidamo uu hor kacayo ninka sheegta in uu duqa Magaalada Baladweyne yahay ee lagu magacaabo “Aadan Garaaso”.

 

  Milkiilaha Shirkada Korontada ee Midnimo Muxumad Maxamuud Yuusuf (Shiine) ayaa la sheegayaa in laga qafaashay xaafada “Buulo Xaableey” xili ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya saaka ka sameynayeen Baaritaano xoogan.

 

Lama sheegi karo illaa iyo hadda halka ganacsadahaasi lala aaday iyo waliba sida loola dhaqmay intaba.

 

Arintani ayaa ku soo aadaysa iyada oo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay si gaar ahi u bililiqeysanayaan xarumaha iyo shirkadaha ganacsatada Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

www.somalimirror.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s