HABKA QABIILKA MA LAGU WADA-NOOLAAN KARAA ? Qaybtii 1aad.

B A R I  H O R E:

Inka badan 95% Soomaali waxay ahaan jireen Xoollo dhaqato reer guuraa ah, Beel kastana waxay laheyd odoyaal ama hogaamiye  sida Garaad, Iimaan, Wabar, Malaaq, Ugaas, Nabadoon, IWM. xiligaas oo ahaa mid ka duwan casrigaan waxay beelaha Soomaaliyeed lahaayeen XEER SOOMAALI ay ku wada macaamali ama noolaayeen, Xeer Soomaaliga ma aheyn mid dhameystiran laakiin waa lagu kala gar bixi jiray oo haddii masiibo ama dil yimaado waxaa lagu gaari jiray xal.

Xeer-Soomaaliga waxaa yaqiinay oo loo taba-bari jiray Odoyaasha ama Nabad-doonada beel kasta oo markii uu qilaaf yimaado loogu yeeri jiray si ay u furdaamiyaan qilaafkaas, qilaafka oo isugu jiray qof la dilay, Xoollo la kala dhacey , Guurka iyo arimaha hoose ee Xoollo dhaqatadu isku qabtaan sida ceelka biyaha , dhulka daaqsinta ah marka roobku xumaado, Waxaa inta badan lagu kala garqaadan jiray GEED hoostiis.

Inkastoo xeer soomaaligu aanu aheyn mid cadaalad iyo il-baxnimo ku dhisan hadana wuxuu ahaa xeer lagu kala jid bixi jiray waqtigaana ku haboonaa, sidaa darteed waxaa la oran karaa Soomaalidii hore waa ay dadaaleen oo soo badbaadeen.

Bilowgii Qabnigii 19aad, Waxaa bilowday hayaan ka imaanayey miyiga oo si baaxad leh u socday kasoo ay dad badan oo asal reer miyi ahaa ay Magaalooyinka ama dhulka beeraha soo dageen, waxay ahayd mid ay u arkayeen inay sare ugu qaadaan hab-nololeedkooda.

Xiligaas waxaa dalka Soomaaliya joogay gumeysiga Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska inta badan dadkii soo galay magaalooyinkuna ma laheyn xirfad aan ahayn mida xoollo-dhaqatanimo, markaa waxay intooda badan Askar iyo shaqaale hoose u noqdeen gumeystihii dalka joogay.

1960kii waxay Soomaalidu heshay xornimadoodii waxaana inta badan madax dalka u noqday Dadkii uu Gumeysigu waxbarey ama askarta u ahaa, waxaana bilowday loolankii reer reerka ee awalba Soomaalidu dhaqanka u laheyd waxoogaa il-baxnimo iyo horumar la gaarey hadana ugu dambeyntii waxaa burburay nadaamkii Dowliga ahaa kaasoo inta badan dhaqaalihiisa iyo farsamaddaba laga hagayey ama si toos ah ugu tiirsanaa quwado shisheeye.

DAGAALKII SOKEEYE:

Dagaalka sokeeye oo lagu soo abaabulay habka qabiilka, oo uu qabiilkasta Magac Jabhad sameystay ayaa sababay masiibo aan hore u soo marin Ummadda Soomaaliyeed, dilka maatida, isir-guurin, bililiqo, aad u baaxad wayn HALKUDHIGOODA ugu badnaa wuxuu ahaa Magaallo ama Gobol hebel Qabiilkeenaa leh. Waxkastoo yaalla Magaalo hebel Dad iyo duunyaba qaata oo booba,  Masiibada waxaa faraha ka sii bixiiyay hub casri ah ee Qabaa’ilka Soomaalida adeegsanayaan  kaasoo Soomaalida maanta u taqaano Tikniko.

Waxaa la xaquuqay oo magaalooyinkii laga saarey ama eryay dhamaan dadkii soomaaliyeed ee reer magaalka ahaa oo ay qaarkood waqti qarniyo ka badan ku noolaayeen Magaalooyinka waaweyn sida MUqdisho, Marka iyo Kismaayo.

Dadkii laga tiro badnaa ee reer Magaalka ahaa ee aanay beeshoodu miyiga ka soo jeedin dhamaantood waxay noqdeen mid la dilo, mid la qixiyo iyo mid la gumeysto, waxaana qarbudaad iyo burbur wayn loo gaystay dhamaan Hay’adadihii adeega bulshada sida Caafimaadkii, Wax-soosaarkii beeraha , Waxbarashadii, Qabaa’ilku wuxuu kaloo qaatey Saanadihii Hubka ee uu Dalku lahaa.

M A A N T A

Xaalku maanta waa Dhakafaar, Soomaalidu meelkasto oo ay aduunka ka joogaan waxay u kala degan yihiin Qabiil qabiil , waxay ku wada macaamilaan/saaxiibaan qabiilka dhinac walba, Siyaasada, dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo dhaqankaba waxayna doorteen Kaaba Qabiilo iyaga matalla, Waxaa taa kasii daran in loogu soo dhisay Dowlad ku sheeg 4.5 kuna dhisan habka-qabiilka ee ay caashaqeen, Nasiib daro Dadka (nabadoonada) maanta Soomaalida hogaamiya iyo waqtiga/casriga LA JOOGO isma leh.

Waa adigoo yiri mugdiga ayaa ka jeclahay iftiinka. Hasa-yeeshee Soomaalida maanta waxay door  bideen inay ku laabtaan jahligii iyo hab-nololeedkii Qabiilka  ee ay haysteen waqti aan la garaneynin inta uu la eg yahay.

Dhamaan Qabaa’iladu waxay dhexdooda wax ku sii qaybsadaan Jifo-Jifo ama Laf-Laf waxaana beelkasta dhexdeeda ka taagan loolan iyo dagaal mucjiso iyo dhakafaar ku abuurtay qofkastoo wanaaga iyo horumar inuu ku tilaabsado doonayo.

Dadka Soomaaliyeed maanta waxay u kala qaxeen dunida dacaladeeda waxayna heleen fursad balaaran xaq dhaqaale iyo xag waxbarashoba, maanta waxaa la heli karaa Kumanaan Soomaali ah oo haysta shahaadooyinka sare ee culuunta maadiga iyo diintaba (Phd, MD, MA), Quburadaan oo isugu jira Injineero, Dhaqaatiir,  Maamulayaal sare, Siyaasiyiin. Waxaa kaloo maanta Soomaali u kacey  dhalinyaro ilbax ah oo garanaya waqtigan casriga ah ee lagu jiro isla markaana raba inay mustaqbalkooda hagaajiyaan.

  • HADABA KAABE QABIIL IYO HAB-NOLOLEEDKA QABIILKA MA NA ANFICI KARAA ?

SIda la ogyahay Odey dhaqameedyada qabaa’ilka horbooda ma leh xirfad iyo aqoon midna, waxaa taa kasii daran Dalkai Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay Dowlad iyo hab-nololeed midayn kara, iyo Aqoonyahano yaqaan sidii dadka Soomaaliyeed loo hashiisiin lahaa, Maadaama aanu habka qabiilku aheyn mid mideyn kara ummadda Soomaaliyeed ee Aduunkoo dhan u faafsan.

Waxaa marka iswaydiin leh yaa Godkaan ka bixin kara Dadka Soomaaliyeed ?,  haddii ay dadka Soomaaliyeed gartaan in aanay dan u aheyn Qabiil Qabiilkan jahliga ku dhisan. isla markaana fursad la siiyo Aqoonyahanka iyo dhalinyarada ku sugan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka waxaa hubaal ah in dhibta iyo dowlad la’aanta si deg deg ah looga bixi lahaa.

.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s