QM: OO KA WALAACSAN QILAAFKA KOOXDA IMBEGHATI.

Waxaa qilaaf xoog badan uu u dhexeeyaa kooxda daba-dhilifka ee  Impeghati ee uu taliska Itoobiya ku soo dhisay dalka Kenya , qilaafka  wuxuu u dhexeyaa laba garab oo ka wada tirsan Kooxda Impeghati, oo dhowaan u kala baxay laba garab, qayb  Dagaal-oogayaal ah oo tageeraysa C/laahi yusuf  iyo qayb  nabad iyo wanaag doon ah oo taageersan Nuur Cadde.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaybsan dalka Soomaaliya Amed Oul-Cabdalla oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa dawaan laga soo warinayaa inuu aad ugu xun yahay qilaafka u dhexeeya Madaxda kooxda Imbeghati.

Ururka Qaramada Midoobay si indho la’aan siiya  Kooxdan taageero dhaqaale iyo mid aqoonsiba, Waxayna ku baxiyaan malaayiin doollarka mareykanka si ay cagahoodu isugu taagaan inkastoo ay marwalba ay ku hungoobaan. Laakiin waxaa la yaab leh in UN doonayso inay Dowladnimo iyo wanaag ka raadiso dad dambiilayaal ah oo iyaga la ogyahay inay mas’uul ka ahaayeen masiibooyinkii bani’aadamnimo ee dalka Soomaaliya ka dhacey. UNta sida ay wax u wado waa qalad umana cuntamayso dadka Soomaaliyeed. Mana haboona in dadka Soomaaliyeed lagu qasbo dad aan diyaar u aheyn in Dowladnimo iyo wanaag la helo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s