DIGNIIN: ISKA-HORKEEN KU WAJAHAN CULIMADA SOOMAALIYEED.

Dowladaha reer Galbeedka ama isugu yeera bulshada caalamka(†nternational Community) waxay wadaan barnaamij loogu magac darey kobcinta iyo taageerida Culimada Islaamka ee qun-yar socodka ah, qorshahaan oo ah mid aad u balaaran oo lagu wado in laga hirgaliyo dhamaan dalalka Muslimka ah. (halkan eeg)

Bulshada caalamka oo uu horkacayo dalka Mareykanka ayaa waxay dagaal ba’an kula jiraan si ay u baabi’iyaan waxa ay ugu yeraan argagixisadda caalamiga ah (Muslimiinta xawliga ku socda). hadaba barnaamijkan lagu taageerayo muslimiinta qunyar-socodka ah ayaa waxaa lagu wadaa in laga hirgaliyo Dalka Soomaaliya arintaa taas oo soo ifbaxday markii shir dhowaan lagu qabtey Dalka Jabuuti.

CULIMADA QUNYAR-SOCODKA SOOMAALIYEED:

Ururkii Maxaakiimta Soomaaliyeed  ayaa wuxuu dhawaan u kala baxey laba garab , oo kala ah garabka Jabuuti iyo garabka Asmara, Kooxda Jabuuti oo uu horkacayo Sh/Shariif Sh/ Axmed ayaa Mareykanku iyo UNtuba u arkaan inay yihiin qunyar-socod lala xaajoon karo, sidaa darteed Kooxdaan waxaa lagu wadaa in laga qayb galiyo barnaamijkaan ay Bulshada caalamku/USAdu ku taageerayso muslimiinta qunyar socodka ah.

Dowladaha reer Galbeedka sida Mareykanka iyo EUda oo leh dhaqaale iyo cudud ciidan ayaa la sheegayaa inay doonayaan inay hubeeyaan oo ay ka caawiyaan Culimadda soomaaliyeed ee qunyar socodka ay u arkaan. waxaa kaloo la filayaa inay taageero dhaqaale oo baaxad leh siiyaan kooxda Jabuuti ee uu hormuudka u yahay Sh/ Shariif Sh/Axmed iyo Ururada Suufiyada oo aan laheyn cudud Ciidan iyo mid dhaqaale.

Warar aan la hubin ayaa tilmaamaya in lagu wado in Ciidan loo tababarro kooxda Jabuuti ee heshiis la gaarey kooxda Imbeghati, waxaana la sheegayaa in ay Xarun uu noqon doonto Magaalada Jowhar ee G/shabeelada dhexe. waxaa kaloo soo ifbaxaya dagaalo ay isaga hor-imaadeen ururka la baxey Ahlu-Suna wal Jameeca ( oo ah qunyar-socod) iyo Al-shabaab (oo ah xowli-u-usocod) dagaalkaa oo dhowaan ka dhacey Baardheere G/Gedo kaasoo laga yaabo inuu xiriir la leeyahay barnaamijka lagu caawinayo qunyar-u socodka.

Xaqiiqadda maanta jirta ayaa ah, in uu Sh/ Shariif aanu taageero badan ku laheyn kooxaha maanta dagaalka uga soo horjeeda joogitaanka ciidanka Xabashida iyo waliba kooxda Imbeghati ee ay xabashidu ku ilaaliso. markaa Mareykanku/UNtu waxay doonayaa in Garabka Jabuuti loo sameeyo cudud Ciidan oo ay isaga difaacaan kooxda Asmara iyo Al-Shabaab oo leh cudud ciidan isla markaana ka soo horjaada ujeedooyinka ay Bulshada caalamku wadato.

CULIMADA XAWLI-U-SOCODKA SOOMAALIYEED:

Mareykanka iyo dowladaha reer Galbeedka waxay taageeraan Kooxda Imbeghati iyo ciidanka Xabashida ee ku sugan dalka Soomaaliya, taasoo ay u arkaan mid lagula dagaalamayo Muslimiinta xawliga-ku-socda ee dagaalka qaraar kula jira ciidanka Xabashida ee dalka Soomaaliya ku soo duulay sanadkii 2006da.

Kooxda Asmara oo uu hogaaminayo Sh/Daahir Aweys dhanka siyaasadda, waxay isku fikrad dhow yihiin ururka Al-shabaab (ee uu Mareykanku ku darey liiska argagixisada) waxaana hogaamiyo Sh/Mukhtaar Rooboow oo ku magacdheer Abuu-mansuur, Kooxdaan ayaa leh cudud Ciidan iyo urursanaan waxayna si xoog leh uga soo horjeedaan ciidamada Xabashida ee Dalka ku soo duulay, ciidanka Xabashida ayaa taageero ciidan ka haysta dalka Mareykanka. Al-shabaab waxay doonayaan in dalka Soomaaliya xoog looga saaro Xabashida islamarkaana laga hirgaliyo Xukuumad Islaami ah arintaa oo ay wadamada USA/reer galbeedku ay  wal-wal badan ka qabaan.

Barnaamijkan lagu wado in lagu taageero Culimada qunyar-socodka ayaa  looga dan-leeyahay in lagu dheeli tiro awooda ciidan ama dhaqaale ee labada garabee Jabuuti iyo Asmara, waxaana laga yaabaa inuu abuuro dagaal sokeeye oo cusub.

GUNAANAD:

Dalka Soomaaliya oo ay ka jirto masiibo wayn uma baahna dagaal cusub oo ay ku loolamaan Culimada ama cidkale , dadka Soomaaliyeed waa ka daaleen dagaal iyo siyaasad xumadda dadka horbooda siyaasadda ka jirta Soomaaliya, waxaa muhiim ah in aan lagu dhicin dabinkaan laga yaabo in uu horseedo masiibo cusub.

In la midoobo oo ay dadka Soomaaliyeed nabada iyo difaaca dalkooda ay ka wada shaqeeyaan ayey guushu ku imanaysaa, (Insha-Allah). qofkastaa ha ka dignoodaado in loo adeegsado fidno laga abuuro dhulka Soomaaliyeed.

Arimo la xiriira Qilaafka Soo ka jira Culumada dhexdooda:

1)- Sh. Xasan Turki. Sheekh Shariif qadka ayuu ka baxey !

2)-  Sarkaal: Dulyadeyn: Ururkii Maxaakiinta waa Burbureen

3 thoughts on “DIGNIIN: ISKA-HORKEEN KU WAJAHAN CULIMADA SOOMAALIYEED.

  1. salaaxudiin

    waxa kula had laayo waa mujaahid naf tiis ilaahay ka iib saday ta mujaahid ka ugu dan beeya uu ka shahii daa yo wan ku dagaa lamee na jid ka ale hanooma leyn odayaal waxaay ka daa lan is ka dhaafa ma daal no hadaf keena nu wan kaa ri doo na bi id nil laa hil ka riim

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s