XASUUQII LOO GAYSTEY SHACABKA YAA KA MAS’UUL AH.

Mid ka midda Saraakiisha hogaaminaya ciidamadii ay soo tababartey jabhadda tigreega dhowaan ayaa tilmaamay in aanay mas’uul ka aheyn Jabhada tigreega xasuuqii loo gaystay shacab maato ah oo dhawaan lagu xasuuqay Degaanka Carbis. xasuuqaa oo ay ku nafwaayeen dad ka badan 75 qof waxaa la hubaa in ay gaysteen Jabhadda Tigreega ee dalka Soomaaliya ku soo duulay.

Laakiin waxaa la yaab leh in eed dusha looga sii tuuro dadkii iyagu dulmiga iyo xasuuqa loo gaystey, Sarkaalkan oo lagu Macacaabo Daahir Dheere oo aan la hubin inuu Soomaali yahay iyo in kale ayaa tilmaamay inay xasuuqa mas’uul ka yihiin Xoogaga la dagaalamaya cadowga ku soo duulay dalka.

Hadaba tani waxay muujinaysaa sida xoriyadii qowlka looga qaadey dadka iyagu isku sheega inay yihiin Dowlad ama Kooxda Imbeghati, oo ah Kalkaaliyayaal u adeega taliska Xabashida ee sida cad u soo darshigtay inay xasuuqaan Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s