DAGAAL CULUS OO KA QARXEY KISMAAYO.

8/20/08. Dagaal kadis ah ayaa ka dhex qarxey ururka Al-shabab iyo Beesha  Kismaayo gacanta ku haysay sannadihii u dambeeyay. Ugu yaraan 11 qof ayaa dhintay halka sodon kalena ay ku dhaawacmeen

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa kasoo kala jeeday dhinacyadii dirirtu ku dhex martay magaalada Kismaayo.Dagaalka ayaa billowday waxyar uun kaddib markii qarax xooggan lala beegsaday gaari kuwa dagaalka ah, kaas oo ay dhowr qof oo rayid ah ku geeriyoodeen. Xiisado ayaa beryahanba ka jiray magaalada Kismaayo. Dagaalka ayaa u badnaa xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Kismaayo, taas oo ay ku taallo xarunta gobolka.  Dhanka kale, afhayeenka Al-Shabaab, Sh. Mukhtar Roobow Mansuur, ayaa qiray jiritaanka dagaalka, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo dirirta, isagoo sheegay inuu goor dambe hadal kasoo saari doono.

Magaaladda Kismaayo ayaa dhowaan waxaa qas ka waday Dhagar-qabe Barre Hiiraale, oo ka mid ahaa Daba-dhilifyadii u soo horkacey Xabashida dhulka Hooyo ee Soomaaliyeed. Inkastoo magaalada Kismaayo aanay joogin Tigree ama Dowlad ku sheega kooxda Impeghati laakiin hadana waa lagama maarmaan in laga qabto mooryaanta iyo isbsaaroleyda shacabka magaaladda iyo nawaaxigeeda dhibta iyo boobka ku haya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s