WAA SHAY MACAANE CUNA MALAAYGA!

Dalka Soomaaliya oo leh xeebta labaad ee ugu dheer Qaaradda Afrika, xeebta oo ah qiyaas 3.344 Kmsq waxaa ka buuxa khayraad fara-badan oo rabaani ah, kaasoo isugu jira. Kaluun noocyo kala duwan, iyo waliba macaadiin. Xeebta Soomaaliya waa meel istaraatiiji ah oo ku haboon isu-socodka Ganacsiga caalamiga ah.

Muqdisho :Wiil-yar oo Malaay/Kaluun ka dheer la soo baxay ! Fariid !

Bari samaadkii 60-90dii, waagii xasiloonidda iyo nabada la haystay waxaa jiray Barnaamijyo dadka lagu baraarujinaayo, si dadka Soomaaliyeed sheego sidii ay ugu faa’iidaysan lahaayeen khayraadka dhulkooda bad iyo bariba. Waxaa ka mid ahaa heesihii wacyi galinta ahaa ..

WAA SHAY MACAANEE CUNA MALAAYGA.

MAALKIINA WEEYEE CUNNA MALAAYGA.

HAMOOGAAN, HAMOOGAAN.

BAAHIDA AAN REEBNOO,

REEBNEE AAN BEERA FALANOO

Wacyi galintaa iyo baraarujintaa badan ee lagu sameeyay ummadda Soomaaliyeed in yar ayaa ka qaatey waxaana jira in wali loo arko wax xun oo hooseeya inuu Qofka Soomaaliga ah noqdo Kaluumaysato ama Beeraley . Waa cajiib in la yaboohsado ceeb ma aha !! laakiin inaad xoogsato waa ceeb !

Ma dhici kartaa inay Dadka Soomaaliyeed maruun u soo jeestaan ka faa’iisaysiga khayraadkooda alle ku naneystay, In aad dhulkaaga ka xoogsato ayaa ka sharaf badan inaad yabooh ka sugto shisheeye.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s