DEKEDDA MUQDISHU.dhaqanka-xun ee gumeysiga Xabashida.

Waxaa xaqiiq ah in Dalka Soomaaliya ay ku soo duushay Jabhadda Xabashida ama Tigreega waxayna taageero buuxda ka helaan Dowladdaha reer Galbeedka sida Mareykanka, EU, AU iyo waliba Ururka Qaramadda Midoobay ama UNta.

Waxaa kaloo jira in Askarta Xabashida ee ku sugan Dalka Soomaaliya inay bilaabeen dhaqan-xumadii ay caadada u lahaayeen oo ah , afduubka, dilka iyo boobka. waxaa taa marqaati ka ah dhacdadii CARBIS oo ay ku xasuuqeen 75 qof oo maati ah oo u badan caruur iyo haween, waxaa kaloo ay maalin walba madaafiic iyo rasaas la beegsadaan shacabka iyo degaanka ay shacabka ku badan yihiin.Hadaba waxaa soo if-baxaya inay Xabashidu yihiin dad dhaqan xun, oo Dalka Soomaaliya u yimid inay gumeystaan Ummadda Soomaaliyeed. arintaa aan ku cadeynayo dhacdo ka dhacdey Dekedda Muqdisho shaley oo ay taariikhdu ahayd 8/26/08 dhacdadaan oo ay askar Xabashi ah si xoog iyo dhaqanxumo ah uga kaxeysteen Gabar Soomaaliyeed oo Mas’uul uga Maamulka Banaadir Dekedda Muqdisho.

HALKAN KA DHAGEYSO

Dhacdadaan oo muujinaysa sida edeb-darada/kibirka iyo asluub xumadda ee ay ula dhaqmaan askarta Xabashida Dowlad ku sheega  ay sheegtaan inay caawinayaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s