GAR-GAARKA OO CAQABAD KU AH TACABKA BEERAHA DALKA !.

 Waraysigaan waxaa laga qaadey Prof: Cabdi-qaadir Xasan Shirwac  oo ahaa Hormuudkii hore ee Jaamacadda Beeraha Soomaaliya ee Lafoole .(Isha War-bixinta: Soomaaliweyn.com).

Ka dib burburkii ku yimid Qarankii Soomaaliyeed waxaa Dalka Soomaaliya soo buux dhaafiyay Hay’ado Samafal oo gurmadka bani’aadannimo ka gacan siiya dadka Soomaaliyeed ee dhibaatad ka soo gaartay dagaaladii sokeeye.

Ma xuma in la gar-gaaro dadka dhibaataysan ee Soomaaliyeed, laakiin waxaa dhawaanahan soo baxaya arimo dhibaatooyin ama mushaakil bar-bar socda gargaarka kasoo ay si ula kac ah iyo si kaleba ay hay’aduhu Dalka ka wadaan, arimaha dhibaatooyinka waaweyn la yimid ayaa waxaa ugu wayn in gargaarku caqabad iyo dhibaato ku hayo wax-soosaarka beeraha.

Gargaarka cunadda oo ay inta badan gacan ka gaysato hay’adda qaramadda Midoobay ee loo yaqaan WFP taasoo inta badan ku soo aadiya xilliga dalaga beeruhu soo go’ayaan waxayna keentay in uu qiimo dhac ku keeno mirihii beeraleyda Soomaaliyeed ay tabcadeen ee xoogga iyo qarash badan galiyeed, taa waxaa ka sii daran inayba hoos u dhac ku keentay tacabkii beeraha. Waxaa kaloo jira inay ka meermeerayaan Hay’aduhu inay ka iibsadaan Beeralayda Soomaaliyeed Tacabkooda. halka ay kala yimaadaan cunnooyinka ay dadka u qaybinayaan Dalal aad iyo aad u fog, taasoo ay ku bixiyaan lacago aad u badan !

ABUURKA AY BIXIYAAN H/SAMAFALKA.

Hay’adaha caalamiga ah ee gaargaarka u yimid Dalka ayaa waxay maanta u shaqeeyaan sidii wasaaradihii ama wakaaladihii Dowliaga ahaa, dhanka Beeraha, Waxbarshada, Caafimaadka IWM. sidaa darteed waxaa jira Hay’ado Caalami ah oo Beeralayda Soomaaliyeed ka gar-gaara dhinaca beeraha qaasatan waxay xilliga beerista ka caawiyaan dhanka ABUURKA kaas oo inta badan laga keeno dalka dibadiisa.

Waxaa jira qorshe ladoonaayo in Dalalka Africa looga saaro baahida ama gaajada ku raagtey ee xalka loo waayey. ka dib markii xeel-dheerayaal badani ay arintaa u kuur galeen ayaa waxaa soo baxay in Africa laga hirgaliyo Barnaamij kaas oo isbedel lagu sameynaayo Miraha Beeraha ee dalalka Africa ay qaaska u leeyihiin(Indigenous Crops) oo markaa lagu bedelo miraha la bac-rimeeyey ee loo yaqaan (GM Genetic Modified Crops). Hadaba maadaama dowladaha awooda dhaqaale leh ay isku afgarteen in barnaamijkaa la hirgaliyo si looga nasto dawarsiga iyo qayla-dhaanta markasta laga soo sheego Qaarada Afrika iyo meelo kaloo aduunka ka mid ah.

Maanta Beeraleyda Soomaaliyeed waxay ku tiirsan yihiin Hay’adaha samafalka, oo waxay ka sugayaan waxkastoo lagu horumarin karo dalagga beeraha.

3 thoughts on “GAR-GAARKA OO CAQABAD KU AH TACABKA BEERAHA DALKA !.

  1. cali cail bulaale

    waan jeclahay waxqabad ka soomaliya iyo inaan kamid noqdo wax soo saarayasha inaan is ku filaano wxaan ahay arday dhigtay cilmiga beerah jooga gobolka sool

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s