TALISKA TIGREEGA OO WALAAC KA MUUJIYEY FARA-GALINTA SOOMAALIYA.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Taliska faashilka ah ee Itoobiya ayaa  War-bixin  dhawaan uu soo saarey, Wuxuu kaga hadley arimaha ay ka wadaan Dalka Soomaaliya, Wasiirkan wuxuu walaac balaaran ka muujiyay sida ay Dalka Soomaaliya uga hirgalin karaan waxa-lagu shaagay Dowlad iyaga ay ku shaqeystaan.

Taliska  faashilka ah ee Itoobiya oo 2006dii bishii december weerar gardaro ah ku soo qaadey Dalka xorta ah ee Soomaaliya. Ciidanka Jabhada tigreega ayaa waxay xasuuq badan ka gaysteen dalka Soomaaliya qaas ahaan Magaalooyinka waaweyn oo ay ugu darneyd  Xamar oo ah Magaala Madaxda Dalka iyo waliba Baydhabo, Beled-wayne, Wanla-wayn iyo Kismaayo, waxa ay qiyaastii xasuuqeen Dad shacab ah oo Caruur iyo haween u badan oo lagu qiyaasay 9,000 ilaa 15,000 qof oo maato ah.

Hadaba maxaa keenay maanta inay kashifmaan ?  Sida iska cad  waa ay kashifmeen oo ku guul dareysteen, maadaama ay ujeedadooda dhab ah ay aheyd inay xaquuq iyo dhibaato gaarsiiyaan Ummadda Soomaaliyeed (Insha-Allah way qabayaan, oo carari doonaan goor aan fogeyn).

DOWLAD KU SHEEGA IMBEGHATI

Wasiirka oo wax-bixintaa ka muuqiyay rajo-xumo ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowlad ku sheega Kooxda Imbeghati, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad aan laheyn hami iyo xirfad Dowladnimo waxayna isku haystaan buu yiri Madaxtinimada iyo tallada Dalka.

Kooxdan Dowlad ku sheega ah ayaa dhawaan waxay Addis-Ababba u aadeen si loogu soo sheshiisiiyo, laakiin waxaa sida war-bixintiisa ka muuqata ay ku dhamaatey guul daro.  Kooxda Imbeghati ayaa waxaa 2004dii oo lagu soo dhisay Dalka Kenya ayaa waxaan gacan wayn ka gaystey/dambeeyay dhismaheeda Taliska faashilka ah ee Addis-abbaba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s