BELED-WAYN. Jabhada Tigreega oo laayey 6 ruux oo shacab ah.

Ciidamada/Jabhada Tigreega ee ku sugan magaalada Beledweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta si bareer ah inka-badan 5 qof oo shacab aan hubeysnayn ah ugu laayey/toogtay gudaha magaalada.

Dilkaan bareerka ah ayaa dhacey  kadib markii dagaal ay  isaga horyimaadeen Jabhada xabashida iyo Xoogga Difaaca Dalka (XDD) dagaalkaas oo Tigreega  looga dilay askar fara badan, Waxaa kaloo la sheegyaa inuu dhaawac badani ka soo gaarey jabhadan Xabashida. inkastoo ay adag-tahay in la helo xaqiiqda wax-yeelada soo gaartey oo dhab ah.                                                                                                     

Ciidamada Xabashida/itoobiya ayaa markii uu qasaare ka soo gaarey dagaalkii qabsadey iyagoo careysan waxay si bareer ah u toogteen 6 ruux oo shacab ah, Xabashida ayaa gudaha u galay Xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baladweyne iyo qeybo kamid ah dhulka hawdka ah ee ku dhow, waxaa  sidoo kale dilkaas waxaa ku dhaawacmay  3-qof oo rayid ah.

Waxaa kaloo jira inay Jabhada Xabashuhu afduubeen ilaa afar ruux , Dadkaas oo guryahooda laagu soo galay halkaana ay ku qafaasheen Cadowga Xabashida ah. Dadkaa la afduubay ayaa la sheegay in ay hadda ku jiraan Xabsiga Saldhiga Booliska ee Beled-wayne halkaas oo ay Xabashidu xoog ku joogaan.

Dagaalkii saakay ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne ee dhex maray Jabhada Tigreega  Itoobiya iyo Xoogga Difaaca Dalka (XDD) ayaa markale sababay barakac baahsan iyadoo boqolaal qoys oo rajo ka lahaa deganaanshiyaha guryahooda ay markale ka carareen kuwaasi oo haatan ku dhibaatoonaya gudaha iyo duleedka  Magaalada Baladweyne..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s