QILAAF KA TAAGAN MAAMULKA KISMAAYO LAGA DHISAY!

                                            

AF-MADOW Gobolka J/Hoose. Mas’uul ka tirsan Xoogga Maxkamadaha oo dhowaan qayb ka ahaa Xooggagii isbahaystay ee la wareegay gacan ku haynta Magaallada Kismaayo ayaa ka dhawaajiyay in aanu Maamulka cusub aheyn mid loo wada dhan yahay ama mid sax ah.

(Wareysiga HornAfrik)

Mas’uulkaan oo lagu magacaabo Sh/Ibraahin Shukri ayaa idaacadda HornAfrik u sheegay in shaqsiyaad Muslimiin ah oo aan degaanka u dhalan ay ku jiraan maamulka cusub ee looga dhawaaqay Kismaayo, wuxuu kaloo sheegay inaan lagala tashan iyaga waa MAXKAMADAHEE sida Maamulka cusub loo magacaabey!.

Waxaa soo ifbaxayo qilaaf u dhexeeya Xooggaga Al-shabaab iyo Maxaakiimta ka dib markii ay si wada-jir ah ula wareegeen gacan ku haynta Kismaayo, taasoo ku timid dagaal aan lagu tallo galin oo ay la galeen Maamulkii hore ee Beesha ahaa ee gacanta ku hayey Magaalada muddo 7 sanno ka badan.

Mas’uulkan oo ay ka muuqato cadho/caro iyo biyo-diid ayaa cadeyn u ah qilaafka ka jira Magaalada Kismaayo oo ah Magaallo Istaraatiiji ah ayna isku haystaan Beello badan oo Soomaaliyeed, oo Beelkastaa sheeganayso lahaanshaha ama xuquuqda Maamulkeeda, Laakiin waxaa la yaab leh/nasiib daro ah inay ka dhex muuqato Xoogga Difaaca Dalka (Maxkamadah) loolankii Beelaha ku saleysnaa iskuna haystay sheegashada Magaalada Kismaayo, Maxaakiimta oo laga sugayay inay baabi’iyaan loolankaa una midoobaan difaaca Dalka.

Waxaa iswaydiin leh Sh/ibraahin isagu ma degaanka Kismaayo ayuu ka soo jeedaa ? mise Gobolka Soomaali Galbeed ? waxay u dhow dahay inuu ka yimid Soomaali Galbeed ( Walaahu Aclam ) isaguba waa nin Muslim ah xaqna waa u leeyahay inuu degaanka ku noolaado ama Mas’uul u noqdo !

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s