JABHADA XABASHIDA OO KA BAXAY B/WAYNE.

Beledwayne Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidanka Jabhada Xabashida ee sida sharci darada ah u joogay Magaala madaxda Gobolka Hiiraan ee B/wayne ay halkaa si lama filaan ah uga guureen.

Ciidanka Jabhada Xabashida ayaa Magaalada joogay labadii bilood ee la soo dhaafey waxay halkaa ka gaysteen dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahayd dil, dhac iyo faraxumeyn baahsan. Waxay si bareer ah iyo si qarsoodi ahba u dileen shacab Soomaaliyeed oo u badan maati, haween iyo caruur.

Ciidanka Xabashida ayaa laayay dad ka badan 75 intii ay Magaalada joogeen, waxayna dhamaan qas iyo jahwareer galiyeed dhamaan adeegii bulshada iyo kaabayaashii nolosha , Jabhadan Xabashida ayaa degenaa guryo ay lahaayeen dadka shacabka magaalada, iyo waliba Goobaha lagu cibaadeysta sida Masaajidyada waxaana la sheegayaa inay si xun u isticmaali jireen oo ay halkaa ku baabi’yeen Kutubtii iyo buugaagtii Cilmiga Diinta laga barto.

XABASHI KA SII BAXAYSA

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada oo ku faraxsan/diirsadey ka bixitaanka ciidanka jabhada xabashida, saacado ka dib markii ay ka baxeen waxashta Xabashida ayaa waxaa magaalada gudaheeda lagu arkey Dagaal-yahanka Xoreynta Dalka oo watey gaadiidka dagaalka, waxayna la wareegeen dhamaan goobihii Maamulka Magaalada oo ay markii hore joogeen Waxashta Dalka hooyo ku soo duulay.

 Mid ka mid ah kuwa la shaqeyn jiray Ciidanka Jabhada Xabashida oo lagu magacaabo Aaden Cabdi Ciise oo isku sheegay inuu yahay Gudoomiyaha Magaalada ayaa sheegay inay hadda ku sugan yihiin Janta-kundisho oo B/wayne u jirta wax-yar, isagoo intaa ku daray inay  soo laaban doonaan, wuxuu yiri magaalada inaga ayaa iskeen uga baxney mana jirto in xoog looga saarey.

Ciidanka Jabhada Xabashida oo dalka Soomaaliya duulaan ku soo qaadey 2006dii ayaa waxay ummadda Soomaaliyeed ee dagaalka sokeeye uu naafeeyay kana faa’iidaysanaayo jilicsanaanta iyo kala-aamin baxa, iyo naceybka ay dhexdooda isku qabaan , ayaa mudadii ay  Dalka joogeen gaystay tacadi iyo xasuuq baahsan kaasoo inta badan ay ka qaysteen Magaala-Madaxda Dalka ee Muqdisho halkaan oo inta la ogyahay ay ku laayeen/dileen Dad shacab u badan oo lagu qiyaasi karo 10,000 ilaa 12,000 iyagoo mas’uul ka ahaa barakac dad shacab ah oo ka badan 600,000 oo qof, waxayna inta badan diidaan in la aaso Maydka dadka ay laayaan. waxay hoy ka dhigteen dhamaan xarumihii Dowlada ee caasimada iyo Masaajidada iyagoo sida la sheegay Masaajidyada ku xaara kuna kaadiya dhexdooda.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s