GARGAARKA UNta,BURCAD-BADEEDKA, XEEBAHA DALKA?

URURKA QARAMADA MIDOOBAY  (QM)  ayaa waxay ka dalbatey Wadamada cududa Ciidan leh ee xubnaha ka ah, in ay ka caawiyaan ilaalinta iyo difaaca gar-gaarka loo diro Dalka soomaaliya ee sii mara Badweynta Hindiya.

Dalabka QM wuxuu tilmaamay inay dhici karto  haddii la waayo wadan gacan ka gaysta ilaalinta Yabooha/gargaarka ay QM ugu talo gashey Soomaaliya inay dalka Soomaaliya ka dhici doonto masiibo bani’aadanimo oo la mid ah tii 1992 hore uga dhacdey dalka  ee ay dad badani gaajo iyo macaaluul u dhamaadeen.Fadlan noo soo dira ilaalo/maraakiib ilaalisa gaargaarka , Waxaa yiri Peter Grossman oo ah Wakiilka WFP Soomaaliya ee uu fadhigiisu yahay Niarobi Dalka Kenya, ka markii ay cadaatey in bishan 27keeda uu ka tagi doono Markab laga lahaa dalka Kanada oo ilaalin jiray Cunooyinka gargaarka ee ay UNtu, WFPda ayaa sheegta inay quudiso dad Soomaaliyeed oo dhan 1.5bar dad tabaaleysan ah.

Waqtiga lagu jiro markii la eego (Duulaanka Xabashida, barakaca, Abaaraha , iyo sicir bararka) waxaad isleedahay waa arin macquul ah inay UNtu dalbato ilaalo sii marsiisa Xeebaha Soomaaliyeed oo maalmahaan noqdey meel qatarteedu badan tahay (Burcad-badeedka) leh , waxaana afduub iyo jid-gooyo lagula kacaa maraakiib si sharci ah u mareysa meelo ka baxsan beexta Soomaaliyeed. Laakiin waxaa jira in Xeebta Soomaaliyeed ay si aan sharci aheyn uga kaluumeystaan Kaluumeysato ka yimid waddamo farabadan, oo ay ka mid yihiin kuwa ay maanta UNtu ugu yeeratey inay ilaaliyaan gargaarka loo wado dadka Soomaaliyeed.

Waxaa iswaydiin leh. Codsiga UNta ma waxaa loo qaadan karaa in  farsad la siiyay Dalalkii awalba sida sharci la’aanta ah ay kaluumeysatadooda u joogeen Xeebaha Soomaaliya. Waxaa jira in waddamada reer Yurub Gumeystayaashii ay maanta u soo qalab aruursanayaan xeebaha Soomaaliya si u hantaan kheyraadka dihan ee ka buuxa xeebaha Soomaaliyeed.

Wax badan ayey dadka Soomaaliyeed gargaar iyo caawino qaateene maanta iyadoo la soo marrayo gargaarkii, ayaa  Dowlado shisheeye damacsan yihiin inay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka xeebaha Soomaaliya iyagoo ilaaladooda wata oo waliba laga yaabo inay wax-yeelo badan u gaystaan Kaluumeysatada Soomaaliyeed maadaama aaney kala garan karin burcadka iyo kaluumeystaha Soomaaliyeed! 

Inkastoo Dadka Soomaaliyeed badidoodu ay ka faani jireen Kaluumeysiga hadana burburkii ka dib waxoogaa il-baxnimo ay dantu qasabtey ayaa timid,  maanta dhamaan xeebaha Soomaaliyeed waa laga wada kaluumeystaa.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s