SUUQA BAKAARO: Xasuuqii u dambeeyay 40 qof.

 SUUQA BAKAARO Muqdisho: Magaalamadaxda Soomaaliya, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Ugandha, Kan cadowga Xabashida oo iskaashanaya ay shaley  8/21/08 si ku tallo-gal/ula kac ah  ugu garaaceen madiifiicda cul-culus Suuqa weyn ee Bakaaraha halkaas oo sida la soo sheegay ay ku naf waayeen ugu yaraan (Alle ha naxaiistee) 40 qof halka ay tiro intaa ka badan oo aan la garaneyn cadadooda uu dhaawac ka soo gaarey duqeytaas.  Cisbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay daawacyo aad u fara badan.

Ciidanka Ugandha ee ku sugan Garoonka Caalamiga ah ee Adaan Cadde iyo Xaruntii Xoogga Dalka ee Xalane ayaa  madaafiic aan loo meel dayin ku tijaabiyay Xaafadaha/degmooyinka Hodan, Waaberi oo u dhow goobaha ay ku sugan yihiin, duqeyntaa oo sida la xaqiijiyay ay waxyeelo badan ka soo gaartey dad dhamaantood shacab ah oo u badan caruur iyo haween,

waxay sidoo kale bartilmaameed ka dhigteen Suuqa Bakaaraha oo sida cad ay iyagu ahaayeen kuwa inta badan duqeeyay maanta.

HALKAN KA DAAWO XASUUQAA OO FILIM AH ( Digniin Muuqaalo Maxdin leh)

Ciidanka cadowga Itoobiya waxaa ay maalmahaanba caado u ah inay duqeeyaan Suuq-wayn ee Bakaaraha markasta oo ay dagaal ku qaadaan Xoogaga Difaaca Dalka ee u dagaalmaya xornimada Dalkooda hooyo, laakiin waxaa iswaydiin leh ciidamada ka socda Afrika (AMISOM) maxaa ku kalifay inay ka qayb qaataan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed, Duqeyntii maanta ay ku dhinteen 40ka qof ayaa la sheegayaa inay inta badan ka dambeeyeen ciidanka Ugandha oo dayanaya cadowga koowaad ee xabashida!

Duqeynta ayaa timid ka dib markii ay diyaarad ka soo dagtey Garoonka Caalmamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalamadaxda, kadibna waxaa madaafiic kooban ku garaacey Ciidanka Xornimo doonka ah oo kalhore soo saarey digniin ah in aan uu xiran yahay garoonka maadaama ay ku adeegtaan Cadowga dalka ku soo duulay iyo Kooxda Imbaghati oo iyagu ah Kalkaaliyaal gumeysiga u shaqeeya isla markaana aan haysan aqoonsi sidaa u macno leh xagga shacabka Soomaaliyeed.

Diyaarada rabshadu ka dhalatey oo lagu sheegay inay leedahay shirkad lagu sheegay magaceeda Gallad oo ayaa waxay sida warar aan la hubin ayaa sheegaya in halkaa ay ka qaadey Dhagar-qabe/dagaal-ooge C/laahi yusuf oo sheegta inuu yahay Madaxweyne laakiin xaqiiqada ah dambiile iyo qaa’inu wadan shacabka Soomaaliyeed u soo horkacey Cadow isla markaana ah sababta sida dad badani aaminsan yahay in ay cadowga xabashidu sii joogaan dalka kana wadaan xasuuqa aan naxariista laheyn.

 

 

WARAR XAQIIQ AH KALA SOCO:

5 thoughts on “SUUQA BAKAARO: Xasuuqii u dambeeyay 40 qof.

  1. ayman abdi rahmaan

    waxaa wax lalayaabaha ah oo diciif nima ah in konfur holacaan kajira dadka madaxda ka ah eysan wax yar damiira laheyn war war waqooyi iyo dhulalka kale eega sidey unabada qabaa hawiye gormaad heshineysiin walahay qabiil ayaa la iskuheystaa hal nin oo ceyr ah oo shariif tageersan majiro waa qabilaad ale kacabsada

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s