MINNEAPOLIS MN: Wiil Soomaali/dhalinyaro ah oo la dilay.

Minneapolis MN USA.
Waxaa xaley maqribnimadii dil toogasho lagu dilay wiil dhalinyaro oo Soomaali ah, Marxuunka Alle ha u naxariistee ayaa lagu magaabi jiray AxmedNuur Axmed Cali.( Inaa-Lilaah wa Inaa lilaahi Raajicuun) Alle yaa raxma Aamiin. 

 Dilkan ayaa ka dhacey Xaafad lagu magacaabo Cedar-Riverside oo ay u badan yihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa wiilkan la dilay isagoo ka soo baxey Xarun ka mid ah kuwa loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota halkaa oo sida la sheegay uu iskaa-wax-qabto uga shaqeyn jirey, Sida warka lagu helayo Axmed wuxuu ahaa 21jir ardey ah oo dhigta Collage aan ka fogeyn Xaafadaas.

Xaafadda Cedar-Riverside oo ku badan yihiin Soomaalida ayaa noqotey meel dambiyada dilka iyo dhacu aad ugu soo bateen sannadadii la soo dhaafey, dambiyadaas oo inta badan ay isu gaystaan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku barbaarey isla xaafada laakiin markii dambe noqdey Tuugo ( gangs), Ciyaalkani waxay inta badan dhib u gaystaan dadkooda iyo waliba iyaga dhexdooda.

Ilaa iyo hadda ma jiro qof loo soo qabtey dilkaa, waxaana baaris ku haya Booliska Magaaladda inkastoo ay Booliska magaaladu maalmahaan ka aamin baxeen Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadaas ka dib markii la soo heli waayay dilal hore oo ahaa dhalinyaro Soomaali ah oo isla goobtaas ka dhacey. Booliska inta badan waxay caawimo ka helaan bulshada ku nool xaafadaha ay dambiyadu ka dhacaan laakiin Dadka Soomaalidu inta badan ma sheegaan haddii ay arkaan dambi dhacaya, Waxaa taa u sabab ah in qofku (Soomaaliga) ogeyn faa’iidada ka hor-taga Dambiyada ama ay sideedaba neceb yihiin inay sheegaan marka uu dambi galo qof kale oo Soomaali ah ( Malaha naxariis ayey ka tahay) taasoo dhalisay inay kala aamin baxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Ciidanka Nabadgelyada Magaalooyinka ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Halkan ka aqri faahfaahinta Warka:

One thought on “MINNEAPOLIS MN: Wiil Soomaali/dhalinyaro ah oo la dilay.

  1. Abuukar mayow jeyilani

    Ilaahey ha u naxaristo waxa an ognahay in somalidu melkasta oo ay jogan ay is dilayan ilaahow natosi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s