MUQDISHO: Barakicin cusub oo bilaabatey.

Muqdisho Caasimada Soomaaliya:

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay dad u badan Caruur iyo haweeen ay ka barakceen Magaalada Muqdisho ka dib markii shaley ay Ciidanka AMISOM iyo Gumeysiga Xabashiduba madaafiicda goobta  ku garaaceen Magaalada gaar ahaan Suuqa wayn ee Bakaaraha.

Waxaa kaloo jira in uu maanta xiran yahay suuqa Bakaaraha, sababtoo ah waxay ganacsada iyo macaamiishooda ka digtoon yihiin in markale la soo duqeeyo ka dib markii ay maqleen guux diyaarad oo loo maleysanayo inay ku dagi rabto Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, Garoonka ayaa waxaa digniin ay ku xirayaan ka soo saarey Ururka Xornimo Doonka ee Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira Cadowga iyo Cadow-kalkaaliyaasha isku sheega Dowlad ku meel gaar ah.

MAXEY KA DHAHEEN AL-SHABAAB/MAXKAMADAHA:

Ka bid markii uu xasuqu dhacey ayaa waxaa la wareystay Hogaamiyaha/Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur wuxuuna tacsi u diray dadkaa la laayey oo uu ku sheegay inay yihiin Shuhado ! Wuxuu kaloo intaa ku darey in uu garoonka diyaaraduhu xirnaan doono ilaa waqti aan la cayimin ! garoonka oo ay kalhore digniin ku bixiyeen inay weerar ku qaadi doonaan diyaaradii soo dagtaa mid shacab iyo mid kaleba.

Sidoo kale waxaa isna dhacdadaan ka hadley Dr Cumar Iimaan Abuukar oo dhowaan loo doortay Gudoomiyaha guud ee Ururka Maxkamadaha, Godoomiyaha ayaa ugu baaqey Ciidanka Afrika laga keenay inay Dhulka Soomaaliya ka baxaan , maadaama buu yiri ay noqdeen kuwo garabsiinaya cadowga Dalka ku soo duulay.  Hadalkan Shiikha oo dhameystiran halkan ka dhageyso.

Waxaa kaloo arinta ka hadley Sh/Daahir aweys oo hogaamiye u ah Kooxda Asmara oo ay isku siyaasad dhow yihiin Al-shababka, Shiikha ayaa tibaaxey isagana in haddii ay jirto in la weerarey Ciidanka Afrika Ma waxay ku jawaabayaan in ay duqeeyaan Goobaha shacabka ? Wuxuu yiri waxaan xaq u leenahay inaan dalkeeda difaacno .

GUMEYSIGA XABASHiIGA OO HALKISII KA WADA DULMIGA UU U YIMID !

Maanta ayaa  ciidanka Jabhada Xabashida ee sida sharci daroda ah ku jooga Dalka ay isku faafiyeen Jidka isku xira Afgooye iyo Xamar, gaar ahaan waxaa la sheegayaa inay dhibaatooyin cabsi galin iyo waxyeelo kaleba ku hayaan dadka mar hore iyo kuwa cusub ee ku soo qaxey Ceelasha biyaha ee KM 13.

Ciidamada Shisheeye ayaa bartilmaameed si ula kac ah uga dhigtay shacabka iyo maatida si looga joojiyo dagaalka ay kula jiraan Xoogaga Difaaca Dalka. Laakiin waxaa hubaal ah in ay tani keeni doonto dagaalka oo ku bata, Insha-allah way ku jabidoonaan maadaama ay iyagu yihiin kuwa ku soo duulay Dal aan kooda ahayn isla markaana doonaya inay ku qasbaan Nidaam aanu shacabku rabin.

Waxaa la yaab leh sida ay Idaacadah aduunku indhaha uga qabsadeen dulmigaan, dulmiga soo dhaafey ee lagu hayo Ummadda Soomaaliyeed ee ay Ciidamo shisheeye xaquuqa ku hayaan har iyo habeen. UNtu waxaa  ku waajib ah inay aqoonsiga kala noqoto Kooxdan Dagaal-oogayaasha ah ee aan keeni karin wax xal ah, oo ay waliba cambaareyso xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s